|

Qorshaha Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee ku Wejahan Wadahadala Soomaaliya

Hargeysa Juun 14,2012(SDN)-Madaxweynha Somaliland ayaa intii uu talada la wareegay waxa uu juhdi fara badan geliyay sidii uu uga miro dhalin lahaa balamo uu la galay dalalka xiiseeya arrimaha Soomaalida.

Balamadaa oo uu galay xiligii ay mucaaradadu ku daba dheeraatay ee dalka ay ka arrimineysay xukuumadii UDUB.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa damiciisu yahay sidii uu kiyoo Hargeysa fadhiya Soomaaliya madax uga noqon lahaa.

Dalalka arrimaha Soomaaliya xiiseeyana waxa ay doonayaan in mar uun bal dhanka Somaliland xal looga keeno Soomaaliya.

Hadaba Mareykanka oo ah dalka haatan sida gaadhka ah culeyska saaidka ah u saaraya meel marinta qorshaha loogu magac daray Road-mapka ayaa waxa uu u muuqdaa in uu culeys dul dhigayo dhinacyada siyaasada Somaliland ee aan haatan diyaarka u aheyn midaw dhex mara labada dhan.

Madaxweynaha ayaa dhankiisa reer galbeedka u balan qaaday in uu ku dhiiran doono in uuarrinka fuliyo oo Soomaalida dib loo mideeyo,hadii ay la muquuniyaan dadka reer Somaliland ee aan midawga diyaarka u aheyn.

Ma cada in Madaxweyne Axmed Siilaanyo xiligaa uu mucaaridka ahaa lahaa wax walba oo uu xilka kula wareegi karo iyo in ay ka dhab tahay kursi jeceylku.

Waxse haatan muuqata in madaxweynuhu ku waaberiistay xaqaaiqa ku xeeran qadiyada madaxbanaanida Somaliland iyo sida ay uga goa’an tahay dadka intiisa badan mabda’aasi.

Waxase jira qeyb bulshada ka mida oo miisaan leh iyo taageereyaasha madaxweynaha oo in Soomaaliya la mideeyo dano shaqsiyadeed iyo mid reeraba ka dhex arkaya.

Qorshaha dahsoon ee madaxweyne Axmed Siilaanyo damacsan yahay waxa hore uu ugu adkaaday allaha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal oo dhab ahaantii ahaa ruuxa keliya ee arrinkaa meel marin karayay.

Hadaba qorshahani ma waxa uu noqon doona sida loo qoondeeyay oo waxa uu xal u noqon doonaa arrimaha isku mutaxan ee Soomaalida,mise waxa uu karkaarka weydaarin doonaa qeybta qudha ee Soomaali ka bedbaaday burburka.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed