|

Qorshaha ay Masar ku Difaacayso Marin biyoodka Baab al Mandab iyo Fursado Somaliland u banaan

Hargeysa 08.Feb 2015 (SDN/QJ)- Janaraal Muhaab Mimiish oo madax ka ah haayadda  mamausha Marin biyoodka Suweys  ee dalka Masar ayaa shaaca ka qaaday in Masar aanay marnaba aqbali doonin in uu xidhmo Marin Biyoodka Baab Al-Mandab ee dalka Yemen, haddii la isku dayana ay milateri ahaa u soo farogelin doonto.

Picture51-150x150Janaraalka oo shir-jaraa’id u qabtay warbaahinta caalamiga ah ayaa arbacadii 4taFeebarweri sheegay in ay dalka Masar u diyaarsan yihiin ciidamo heegan ugu jira in ay dhaqso uga jawaabaan haddii kooxaha uu ugu yeedhay xag-jirku ay isku dayaan in ay marinkan xidhaan, waxa aanu ku dooday in isku day kasta oo noocaas ahi uu taabanayo amniga qaranka ee dalka Masar, si toos ahna saamayn taban ugu yeelanayo Marin Biyoodka Suweys.

Janaraal Muhaab waxa uu sheegay in dalka Masar uu si dhow oo joogto ah ula socdo xaaladaha cakiran ee dalka Yemen, waxase uu xaqiijiyey in illaa hadda aanu dalkiisu arkayn wax khatar ku ah marinka Baab Al-Mandab oo ka imanaya dalka Yemen.

Kornayl Axmed Rajaani oo ah xeeldheere Milateri oo shabakadda Al-Carabiya ay arrintan ka waraysatay ayaa isaguna sheegay in haddii Marin Biyoodkani uu xidhmo la filayo in Masar ay u soo farogelin doonto si kasta oo u suurtogal ah si ay danaheeda iyo amnigeeda u ilaaliso, “Waxa ay qaadan kartaa dhowr tallaabo oo milateri oo ay arrintan ku soo afjarayso, waa suurtogal in ay kelideed ku dhaqaaqdo ama in ay abuurto isbahaysi caalamiya, waayo dunida oo dhami ma aqbali doonto in la taabta amniga Marin Biyoodka caalamiga ah”  ayaa uu khabiirkani yidhi, isaga oo intaas ku sii daray in ciidamada Masar ay leeyihiin awood ciidamada cirka ah oo ay ku duqeeyaan fadhiisinnada xag-jirayaasha ama cid kasta oo isku dayda in ay xidho marin biyoodka Bab Al-Mandeb, iyo in ay sidoo kale ku garaaci karto gantaalaha riddada dheer oo ay Masar haysato kuwo casri ah oo aad u awood badan.

Marin biyoodka Baab Al-Mandeb waxaa haddaba jooga ciidamo caalamiya oo isugu jira kuwo muddo dheer marinkan ku sugnaa oo ilaalinayey amnigiisa iyo kuwo ilaaliya budhcad badeedka, waayo waa marin caalamiya oo isku xidha dunida barigeeda iyo galbeedkeeda, haddiba ay dhacdo in uu xidhmana waxaa joogsanaya dhaq-dhaqaaqa badda ee caalamiga ah waxa aanu saamayn taban oo dhaqso ah ku yeelanayaa ganacsiga caalamiga ah, maadaama oo ay sannad kasta ka gudbaan in ka badan 21 kun oo markab oo shixnado ganacsi iyo shidaal sida, marinkan ayaa ah kan waraabiya marinka muhiimka ah ee Suweys oo isaga uu dalka Masar maamulo.

In kasta oo Somaliland aanay xad toos ah la lahayn marinkan haddana waxa ay ku taalla afka uu ka bilowdo marin biyoodku, waxaana si aad ah ugu dhow dekedda Saylac, iyada oo horena Soomaaliya loogu tirin jiray afarta dal ee kulaala marinka Baab Al-Mandab. Marar badan oo hore ayaa marinkan looga baqay ururka Al-Qaacida faraciisa dalka Yemen oo ku hanjabay in uu xidhi doono, sidoo kale waxaa looga baqaa budhcad badeedda Soomaalida oo marar door ah laga digay in ay khalkhal gelin karaan amniga marinkaas, haddase cabsida hore looga qabay Al-Qaacida waxaa sii xoojinaya awoodda ururkan ee sida xawliga ah ugu sii badanaya dalka Yemen oo ku jira marxalad amni darro iyo xasarado siyaasi ah, sidoo kale waxa aan laga cabsi la’ayn ururka shiicada ah ee Xuutiyiinta oo muddooyinkan dambe ku sii awoodaysanaya dalka Yemen oo laga yaabay in ay dowlad iyagu ay hoggaaminayaan ka dhisaan, taas oo sii badin doonta xasaradda siyaasiga ah iyo amniga dalkaas oo la filayo in sunniga dalkaas ku tirada badani aanu aqbali doonin xukunka Shiicada, Isla markaana Al-Qaacida ay fursaddan ka faa’idasan doonto.

Dagaal ka dhaca marinka Baab Al-Mandab waxa uu saamayn dhaqaale iyo amni oo xoog badan ku yeelanayaa dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan dalka Jabuuti iyo dalalka dekeddiisa adeegsada, in kasta oo aanay Somaliland, ku jirin, kuwa sida tooska ah looga baqayo khasaaraha ka dhasha ee dhaqaalaha, maadaama oo Baab Al-Mandab aanu ahayn marinka dekedda Berbera. Laakiin taas macnaheedu ma’aha in colaad marinkaas ka hurtaa aanay saamayn ku yeelan karin Somaliland oo aan masaafad ahaan ka fogeyn.

Waa run in Somaliland aanay dunida ka haysan aqoonsi ay arrintan xal u raadinteeda kaga qaybgasho, haddana waxaa u furan fursad diblumaasiyadeed oo ay quwadaha dunida ee arrintani saamaynayso ay ku tusi karto in ay awood u leedahay in ay kaalin ka qaadato difaacidda iyo sugidda amniga marinkan, sidii ay horeba kaalin ugu yeelatay barnaamijka la dagaallanka budhcad badeedda iyo waxa loogu yeedho argagaxisada. Waxa aanay awooddeeda marag uga dhigi karta sida ay badaheeda hore uga ilaalisay budhcad badeedda.

Comments are closed