Qorrax-madoobaad La Saadaaliyey Inuu Dhaco 20-Ka Bishan March Iyo Meelaha Laga Arki Doono
London:Mar,14,2015(SDN/QJ)-Saynisyahannada Takhasuska u leh Cilmiga Sayniska, ayaa iclaamiyey in 20-ka Bishan March oo ah Jimcaha soo socda ay qaybo caalamka kamid ah Qorraxdu ka Madoobaan Doonto.
Warkani waxa uu intaas ku daray in meelo badan oo caalamka kamid ah uu saamayn doono Qorrax-madoobaadkaasi, isla-markaana saamayntiisa la dareemi doono.
Waxay xuseen in meelaha ugu daran oo gabi ahaanba qoraxdu madoobaan doonto ay kamid yihiin Svalbard oo katirsan dalka Norway iyo Jaziiradaha loo yaqaano Faroe, halka ay sheegeen in Qaybaha kale ee qaaradda Yurub, Waqooyiga & Bariga Asia iyo Waqooyiga & Galbeedka Afrika ay iyaguna qaybo kamid ah qoraxdu madoobaan doonto.
Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay dhowr jeer ayay qoraxdu madoobaatay, sanadii 2013-ka ayaa qaybo badan oo kamid ah caalamka laga arkay qorax madoobaadka halka sanadii 2010-kii Bishii January ay Saynisyahannadu ay sheegeen in sanadkaasi ahaa kii ugu darnaa muddo dhan 500 oo sano oo ay qoraxdu madoobaato.
Culumadda ayaa dad weynaha ugu baaqa xiliyadda ay dhacdo qorax madoobaadku inay Masaajiida tagaan si loo ooggo salaadda Khusuufka allena loo baryo laguna caddeeyo salaadda dhex-deeda weynayntiisa iyo calaamadihiisa.
Salaadda Khusuufka ayaa waxay kasoo aruurtay Suubanaheenii Sala-waatu laaahi wa salaamu calayhi oo tukan jirey markasta oo Arrintani dhacdo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com