|

Qormo Xiiso leh :Yaxaas: Habar dugaag iyo Hogaamintii Gaanne

Saxardiid: laakiin siddee ku helaysaa ama ku heshaa?

Burgal:  cumaamadayda iyo afkayga.

Saxardiid: sidee yacnii..?

Burgal: alxamdulilaah, kirro lama waayo. Hala yaabin dadkuba waa wada sidaa.

Saxardiid: ka hor maxaad ahaan jirtay?

Burgal: kaari baabuurta hawdka kireeya.

Saxardiid: maxaad odhan jirtay markaad rakaabka wax u sheegayso ee aad doonayso inay gaadhiga raacaan?

Burgal: Wallaahi hadduu dhaqaaqayaa!.

Saxardiid: markaa ma dhaqaaqi jiray?

Burgal: dee maya, laba maalmood kadib ama maalin kadib.

Saxardiid: taasi miyaanay been ahayn?

Burgal: dantaa tidhi sidaa dheh.

Saxardiid: imikana?

Burgal: waa lugta lugteedii.

Saxardiid: laakiin waad garanaysaa inaad been sheegi jirtay, haddana sheegayso, saw maaha?

Burgal: ixii, ixii, waa la ii garanayaa.

Saxardiid: yaa kuu garanaya?

Burgal: anigaa og.

Saxardiid: gartay oo madaxu kuma shaqaynayo. waad garanaysaa intii caloosha iyo waxay doonayso, wixii kalena waa laguu garanayaa, sidaa darteed, ma xumid mar haddii laguu garanayo, waayo, Waxaad dhaantaa mid aan garanayn, loona garanayn, hase yeeshee waxa la yaable macalinkaa wax kasta kuu garanaya ee dookhaaga iyo masiirkaagaba u arrimiya. Dambi ma lihid oo waxaad tusaale u tahay, bulsho dayacan, is dayacday oo la dayacay. Bulsho garashada gaasirtay. Bulsho dawladoodu qabyaalad tahay, caddaaladoodu qabyaalad tahay. Bulsho isku dhex daadatay,  isku dhex qubatay oo haasaawaheedu 1991 ilaa imika aanuu isbedelin, horumar samaynin. Bulsho shalay ilowday, maaantana aan garanayn, berrina saadaasheeda aan u sii toog hayn. Bulsho aragtida godobaysa, caqliga goobi Karin, beeraq iyo boholyow u hayo humaag aanay fasiri Karin. Bulsho weli daawanaysa filimkii durra. Bulsho gadday xadaaradii iyo ilbaxnimaddii ay lahayd, wax u bedelayna aanuu jirin. Bulsho……

Burgal: wager, adeer adiga ma xumaantaad ka shaqaysaa, inta wanaagsana sheeg dee!.

Saxardiid: adeer, adiga iyo bulshada kale ee kula midka ahba waa la dulmiyay. Anigu wax badan kuma dheeri, balse, haddana, gabayaasha iskama saarayo. Waxaanse ku leeyahay, wixii kuu hagaagsan ee aad wanaajisay laguma mashquulo ee waxa caqliga lagu mashquuliya wax ka qabashada, wixii kaa dhiman, qaloocan, Khariban iyo gaadhista yoolkaaga.

waxaan doonayo waan garanayaa, waxaynu doonaynana waan garanayaa, waxaad doonaysana waan garanayaa, siday wax yihiina waan garanayaa, waxa inaga khaldana waan garanayaa. Waxaynu u baahanay nabad, nolol, caddaalad, sinnaan, kala dambayn, hogaamin, higsi, himilo, horumar qorshe iyo bartilmaameed leh . Waxaynu u baahanay,siyaasad cad oo qoran oo raadaysa dhan kastaba nolosheena. Sidaynu ku helaa dawo tayadeeda la hubo?. Sidaynu deegaankeena uga dhignaa mid xallan oo nadiif ah?. sidaynu uga baxnaa is doorintan dhalan rogtay waxaynu nahay?. Sidaynu uga baxnaa dhaqankan gunnimada ah ee  aynu gobta u haysano, oo aynu noqonaa  umad garaadka magansata, oo aan caloosha u afduubnayn?. Sidaynu u abuuraa mustaqbal been gadka ka xor ah oo qof waliba iskii isu taagaa oo isugu filaadaa?. Sidee baynu dhitadda taariikhdeena uga dhignaa, mid aan lumin,la maydhaamin, isla markaana loo qoraa iyadoo run ah, xorna ka ah libgad iyo musuq?. Sidee baynu nidaamkeena dawladnimo uga dhignaa mid sharci ku joog ah, xeer ku nool ah, daba gur iyo gaabsi xaaraan ka ah, caddaalad ku taagan, wadaag iyo wax wada lahaansho run ah goglada?.  Sidee baynu u soo celinaa wanaagii lumay oo dib ugu unugnaaa bulsho ka soo jeedda, xiddid, xigaal, qaraabo is xidhiidhisa iyo deris iska war haya?. Sidee baynu uga xishoodsiinaa xumaanta oo asluubta iyo akhlaaqda uga farxinaa?.  Sidee baynu u noqonaa waxaynu ahaan jiray, nahay, illaahayna inaga dhigay?. Sidee baynu u noqonaa   bulsho run ku nool ah, beenta dayrisa, xaq u hiilis ah, is garanaysa, is xulan karta, qofba meeshuu kaga jiro suurayn karta, ka Geella raaci kara, ka Adhiga ku filan, ka Lo,da dhaqi kara….. sidaynu u noqonaa bulsho marna hal qof ah, marna malaayiin qof ah?. intaa iyo in kaloo badanba sidaynu….sidaynu…..sidaynu…La Soco……………………..

Xigasho Wargayska Ogaal

Comments are closed