Qormadii 12 aad iyo Mahadhooyinkii Qusumka iyo Qoonta ahaa, kuwaas oo lagu xusuusan doono Xukuumada Siilaanyo ee sadexda-sano buuxsatey ( 27/6/ 10 – 27/6/13
Muwaadinow bal dib-u-yara milicso sadexdii sanadood ee ay xukuumada Siilaanyo doobineysey ee ay doogsin carareysey ee ay shacabka S/land ay ku-jireen Qar-qarsiga iyo Qoor-qabadka iyo dhacdooyinkii Tabanaa (–) ee is-dabo yaalka ahaa, ee ay xukuumada Siilaanyo ku hafatey kuna asqowdey kuna-simbiririxootey sidii ay ceebahaa dul-hoganaaya isaga meydhi-laheyd iyada oo wadanka hogaanka u-haysey mudo sadex-sanadood ah, ayaa waxa aqoon-yahanka iyo wax-garadka S/land ay isku raaceen in waxyaabaha ay xukuumadani ummadda u- qabatey in ay ka culus yihiin colaadaha iyo afooyinka ay kala -dhex-dhigtey beelahii S/land, degaanadii iyo bulshadii walaalaha aheyd ee reer Somaliland iyo cadaalad darada ay ummadu wada aragtey ee ay xukuumadu u-qaybisey manfacii, mansabkii,fursadihii dhaqaala, kontartyadii iyo Liisamadii hantida maguuraanka ah ee loo baahnaa in ummaddu wada-yeelato.Wadaagayaal bal-ila wadaaga dhacdooyinka hoose ee wada runta ah ee ay maareyn-toodii xukuumadeena booshaaqan ku-dul-gel-gelimeysatey, kuna dhaba-baceysey, kuna ceyn iyo baydba godey hadana ay ku-adkaatey sidii ay isaga maydhi laheyd ceebihii goobahaas ka soo gaadhey oo ilaa iyo maanta xukuumada ku-ah bar-madow oo aaney iska meydhi karin, shacabkii reer S/landna wada arkeen laguna xusuusan doono taariikhdaa madow ee ay ummadda uga tagtey.
1-– Dilkii-foosha xumaa ee Seemaal ee loo xidh-xidhey dad aad u-fara badan oo uu kamid yahay la taliyihii hore ee siyaasada ee madaxweynaha ee hadana cadka quudheed loo siiyey (Wasiirnimo) isla markaana xilka laga qaadey taliyihii ciidanka qaranka.Bal-iyana yara xusuusta ceebihii ka dhacey Ceel-bardaale oo iyana weli huursan.
2– Dagaalkii dhiilada badnaa ee ka dhacey degaanka Buuhoodleh ee xilkiisa uu ku waayey taliyihii ciidanka qaranku, ciidamona ay ku naf-waayeen qaarna ay ku dhaawacmeen.
3– Diyaaradii sidey saanadda ciidamada ee Puntland ee waxoogaga lacagta ah laga qaatey, kadibna lafasaxay.ee ooda laga qaadey.
4– Shilkii Berkedaha la isku maan-dhaafey ee kal-shaale taas oo sii fogeysey beeshaa darafka inaga xigta ilaa imikana sii daba qoyan oo aan saani loo soo afjarin.
5- Raashinkii danyartii– waxma-garatada aheyd laga duudsiyey oo dhamaa 2 doonyood oo buuxa ee dib lagu eedeeyey madaxtooyadii iyo madaxdii xukuumada ilaa iyo hadana aan la garaneyn Lunsigaa raashinka cidii masuuliyadeeda laheyd.Musuq-maasuqaa raashinka ayaa ilaa iyo hada xukuumada ku ah bar-madow.oo ku sawiran.
6 – Ciyaarihii Sanadlaha ahaa ee kubada cagta Gobolada lagu qaban-jirey oo nabad-gelyo daro daraadeed ka suurto geli-waayey in Caasimadii Hargeysa lagu Qabto waqtigiii loogu talo galey markii mudo kadib ciyaarihii la qabteyna ciyaartoydii ayaa qabyaaladii duluca furatey ee ay ka barteen xukuumad qabyaaladeeda Siilaanyo awgeed ay ciyaartoydii Midiyo isla dhaceen.
7- Liisankii ama rusqadii shirkada ninka keliya leeyahay ee loo caseeyey Buurihii Sibidhka ahaa ee ummadda Somaliland oo dhami wada eeganayeen taas oo aan ilaa iyo haddana aan Labadii shirkadood ee madaxa is-darey aan la kala maareyn.dacwadiina dilaaliinta gacan-wadaaga yaqaan ee caanka ka ah S/Land lagu wareejiyey.
8– Dabar, la,aanta kooxaha dilaaliinta ah ee xukuumada iyo golayaasha ku fasaqmey ee hada wadanka ku soo badanaaya ee isu baheystey in ay qarankan yar ee raad- qaadka, ee raranka maanta saaran in ay-ragaadiyaan oo qaadhiyaan oo danahooda gaarka ah ay ka fushadaan iyaga oo ay ka go’antahay in ay dha-dhamo dheecaan siistaan maadaama ay dalqada indhaha ku-leeyihiin kana go’an tahay in ay hantida ummadda ay suuqyada aduunka ku xaraashaan. Waxaana hada jira shaqsiyaad wax-garadku isku raacey oo la-isu tilmaamey lana Habaarey.
9) – Waxaa shacabka Somaliland u-cadaatey in maanta fikradaha wax lagu kala wado ee maamulka madaxtooyada S/land uu halbeega cabirkeedu yahay qabyaalad sibiq-dhaqaagdey oo duluca furatey taasna waxaa kuu cadeyneysa waxa xubnaha fulinta qaar kood ka dhigay ceeb-ka-saliim lama taab-taan ah.iyada oo ay sheekh iyo shariifba ka qayliyeen kadib markii ay ku-fashilmeen hawshii ay ummadda u-hayeen. hadana laga waayey in ay isku-shaan-dheyntii ay iyaga saamesyso.( hada-waana -layara-bedelaaye ) waxaa kale oo kuu cadeynaaya sababta Liisamaha iyo qandaraasyada wadanka laga la bixiyey loogu xaq-soori waayey ee ay dhina uga ran-yihiin.
10) -Waxaa kale oo iyana maanta xukuumada S/land ka jira oo ummaddu wada dareentey in ay maanta jiraan dad aaney ummaddu dooran oo talooyinkii iyo awoodihii madax-weynaha fara-maroorsadey oo qalinka wax-ku-xada ,kuwaas oo had-iyo jeer isku daya in ay kooxda qawleysatada ah ee ay ka midka yihiin ay sii-badiyaan si-hawlahooda u-gaar ahi ugu-fududaa-daan.inkasta ay hadana jiraan qaar kale oo aan la jaan-qaadi karin oo kolba xukuumada ku-soo gala si yar oo sibiq ah oo wasdo ah, kuwaas oo loo keenay si ay awrka haamaha saaran uun u-dheeli-tiraan, kuwaas oo aan iyagu had–iyo jeer aan hore ula jaan-qaadin, dus-duska, malabsiga iyo af-dhuunyaaleynta ay kooxdaasi ku-caan baxdey.
11) – Waxaa cadaan ah in xukuumada Siilaanyo uu musuq-maasuqeedu uu ku-saleysan yahay hadaf waqti-dheer ah oo ay u-meel-sameysanayaan sidii ay hantidii ummadda ka dhaxeysey ay ugu noqon-lahaayeen mulkiilayaasha mustaqbalka aan xaaraanta ku-mergan.Taas na waxaa u-daliil ah sida ay u-baa-biisey hal-doorkii mucaaridka wadanka hadii uu ahaa, xisbi, ama golayaasha wakiiladaba.ama hayadihii xuquuqal-insaanka ee madaxa banaanaa,Waxaana marag-madoonto ah in xukuumada Siilaanyo ay ku fashilantey in adeegyada bulshada iyo fursadaha dhaqaalaha gaar ahaan sahamintii iyo soo saarista kheyraadka dabiiciga ah ee wadanka sida macdanta, batroolka, sibidhka, kaluumeysiga, iyo kontaratyada in lagu wada qaybsadey cadaalad-daro oo xukuumadu ku wada bixisey si Qusum iyo Qoon ah oo baal-marsan dastuurka qaranka u-yaala.Waxaa ay maanta hantidii maguuraanka aheyd ee wadanku ku ragaadeen oo ku baa’ba’een gacmihii xukuumadii lagu aaminey in ay ka odayeyso oo bad-baadiso oo ku qaybiso sife sharciga wadanka waafajisan.
12) – Waxaa cadaan ah in ay meesha ka baxdey daacadnimadii, hanaankii iyo haykalkii dawladnimo taas oo ay bedeshay kooxeysi xukuumada dhexdeeda ka dilaacey taas oo wax badan qashaa-fadaha TVyada laga daawadey iyada oo xukuumada xubno golaheeda fulinta ahi ay mar-marka qaar-kood ay kala socodaan, isla faqaayaan, geeraarayaan,goolaaftamaayan oo dhegaha is-haysataan oo aan isla jaan-qaadi kareyn oo bilaa-bara-takool ah.
13) – Waxaa cadaan ah in ay xukuumada qaar ka mid ah xubnaheeda ugu culusi ay ganacsato isu rogeen qaar kalena ay shirkado wakiilo u-yihiin taas oo ay ka mashquuleen shaqadii ay ummadda ay- u-hayeen iyaga weliba masabka ku-ugaadhsada oo mudnaantana siinaya ganacsigooda u-gaarka ah.
14) – Waxaa ummaddu wada aragtey in shaqada, qandaraasyada, Liisamada macdanaha, batroolka, kaluunka, shibidhka,dhulka danta guud ilaa iyo ciyaartoydii gobolada in aan loo soo marin sifihii sharciga ahaa ee mar-walba loo soo maro oo lagu qaybsado sifayaal silan oo aan ku-saleysneyn sinaan iyo cadaalad oo baal-marsan dastuurka wadanka. ee lagu qaybsado Qabyaalad cadaan ah iyo iskooxeysi.
15) – Waxaa ay xukuumada Siilaanyo bur-burisey sunihii iyo halbeegii lagu cabiri-jirey is-xisaabintii iyo xil-gudashadii ka-dib markii ay xukuumadii gundhada u-gashey dherigii ay saar-naayeen sadexdii dhar-dhaar ee isu-ahaa ( isu-dheeli-tir ) ama kor-meerka iyo daba galka ee qaranku ku-fadhiyey , kaas oo hada looga baqaayo in uu dherigu dheeliyo oo ay halkaa ay ku-daataan oo afka u-dhacaan tacabkii ay shacabka Somaliland ay ku tamayeen ee ay soo miiqayeen ilaa iyo 22 kii sanadood ee la soo dhaafey.
16) -Waxaa wax-garadka wadanku ay isku raaceen in ay xukuumadu u-fududeysey in ay maanta golihii baarlamaanku noqdaan kuwo noloshooda iyo aayahooda oo qudha ka shaqeeya oo wada dilaaliin ah, kuwaas shebekadihii ay ku-ugaadhsanayeen meel walba daadsadey ka soo bolow madax-tooyada ilaa dhulkii danta guud ahaa oo ay shirkado aan bireysneyn oo shaqsi qudha ah ay u-fududeeyeen sidii uu ugu tagri-fali-lahaa dhulkii danta guud ahaa iyo kheraankii maguuraanka ahaa ee ummadda ka dhexeeyey. Waxaa wax laga yaq-yaqsiyooda ah in ay golaha barlamaanku ay mushaharka isu kordhiyeen waqitii ay joogeen ilaa iyo mudo sadex-jeer ah iyada oo uu maanta haldoorkii dhalinyarada Somaliland ay tahriib ku dhamaadeen markii cabashooyinkoodii dheg-jalaq loo siin-waayey ee laga-ga baxey balamihii afka baar-kiisa ahaa ee loo qaadey oo dhan, gaar-ahaan shaqo-abuurkii iyo mashruucii gurmadka qaranka.
17) – Waxa ay xukuumada Siilaanyo ay si indho-la’aan ah ay u-baah-martey xeerarkii iyo sharciyadii dhulka danta guud gaar ahaan u-yaaley sida: Xeerkii Lr 23 , qodobkiisa 34 farqiisa 10aad kaas oo timaamaaya in golaha degaanka ee doorashada ku-yimi iyo gudi hoosaadkiisa loo doortey ay maamulkeeda iyo maareyn-teeda ay leeyihiin dhulka danta guud ah iyo dhulka la-bixinaayaba, xeerkaa ayaa isna ay xukuumadu si cadaan ah u-baal-martey kadib markii ay golihii degaanka ee Berbera ay ku bedeshay una wakiilatey cid kale oo metesha soona saartey Digreeto aan lagala tashan golihii degaanka, taas oo lagu jooji-naayo isticmaalka dhulkaa danta guud ee magaalo xeebeedka. dhulkaas oo u-jeedada ka danbeysaa ay tahay in si-sharciga baal-marsan looga iibiyo shaqsiyaad shirkado sheeganaya.oo wata shirkado maxali ah kuwaas oo dhawaan isku wada daba qabanaaya dhismahooda dhul-xeebeedkii dhulka danta guud ahaa ee berbera. taas oo kuu cadeyneysa Xaqdarada xadhkaha goosatey ee S/land maanta ka jirta in si badheedh ah muwaadina dhul looga qaado ka madaxtooyadu wadatana la siiyo.
18) – Dhamaan Habsami u-socodkii hawlihii qaranka a noqoto wasaarad/ wakaalad ama hayad oo wada marin habaabsan ku waas oo aan ku jaheysneyn qorshe-hawleedyadii waqtiga badan iyo lacagta badan lagu fadhiisiyey. Ku waas oo aan habka ay hada ku socdaan aanu laheyn Saadaal, Hilaad, Hadaf, Higsasho, Odoros , Yool ( target) iyo qorshe loo raaco aan intaba laheyn.
Gebeo-Gebo: Siyaasada guracan ee xukuumada Siilaanyo waxay lumisey haykalkii, hanaankii iyo karaamadii dawladnimo,taasna waxaa kuu cadeynaayaa qobada aan ka kor kaga dhawaajiyey iyo sidii ay ka yeeshay xukuumadu Doorashadii dhacdey ee ay ku-boobtey una afduubtey ilaadadii iyo rabitaankii shacabka S/land, Taas oo raad ma guuraan ah ku yeelan karta Danta guud ee shacabka reer Somaliland ka dhexeeya waqtigan xaadirka ah iyo mustaqbalkaba.Danta guud ee Somaliland waxay ku jirtaa in Xal la raadiyo oo wadanka la bad-baadiyo. ,
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
A/rahman fidhinle
UK