Qormadii 11aad = Xukuumada Siilaanyo iyo Xeerarkii Dastuurka ee ay u-badheedhey in ay si-cadaan ah u-baalmarto
Xukuumada Siilaanyo waxa ay kursiga haleeshay iyada oo wadanka S/land uu yahay wadan nabdoon oo u-baahnaa in dimuqraadigii lagu maalin-riyoodey in la kool-kooliyo oo la naaxiyo maa-daama ay dadkiisu wax-qab-sadeen oo nabadoodiina ilaa-shadaan. Wadaagayaal waxaa wadan wax-kadhiga dawladiisa iyada oo la kaa-shaneysa shacabkeeda. Sidaad ogtihiin wadan wuxuu taabo-galaa oo uu horumar-la-taaban-karo ku-ta-laab-sadaa markuu helo madax-daacad-ah oo ku-hagta dastuurka u-yaala iyo toobiyaha toosan kuwaas oo ummadda u-shaqeeya iyaga oo ix-tiraamaaya oo ilaa-linaaya xeerarka iyo dastuurka u-yaala. Hadaba wadaagayaal waxaan halkan idiinku soo ban-dhigayaa xeerarkii iyo qodobadii dastuurka qaranka qaar ka mid ah ee ay xukuumada Siilaanyo si cadaan u- baal-martey 3-dii sanadood ee ay doobineysey ee ay dhibi-shaxleyneysey ee ay doontey in ay wadanka ku maa-musho qar-qarsi iyo qoor-qabad.
Qodobka 8aad , farqiisa 1-aad ee Dastuurka S/land wuxuu cadeynayaa in muwaadiniinta S/land ay u-siman yihiin Manaafacaadka wadanka, Xuuquuda iyo sharciga wadanka u-yaala,waana in aan lagu kala saarin ayuu qodobkani leeyahay qabiil, degaan, dhalasho, lab iyo dhedig iyo mud-naantaba ee ay si kastaba iyo mar-kastaba ay shuruucda wadanka ugu-siman yihiin. Faraqa labaad ee Qodoka 8aad ee dastuurka qaranku wuxuu si adag isna u reebayaa isir-raaca , kal sareynta, qaraabokiilka iyo qabyaalada. waxaa marag-madoonto ah in Xukuumada Siilaanyo ay ku-sibirixootey xeerkan iyo faraq-yadiisa ka-dib markii Liisamadii iyo qan-daraasyadii kheyraadka ma-guuraanka ah ee wadanka ay u-qaybisey hab-cadaalada baal-marsan oo dhinac ka-raran iyo qaabkii ay xukuumadu Ceelashii biyaha ay u qaybisey oo ahaa qaab qariban oo Qusun iyo Qoon ah oo baal-marsan qodobkan iyo faraq-yadiisaba.
Waxaa isna ay xukuumadu Siilaanyo ay ku-gel-gelimeysatey Xeerka Lr-17 ee dhulka danta guud oo isna ay si-joogto ah ay ugu tumatey oo maalin walba la arkaayo dhulkii danta guud ahaa ee 30% laga soo jarey muwaadintiintii beeraha lahaa oo xubno hawl-wadeeno ka ah xukuumada oo Budh-cad-dhuleed ahi ay caadeysteen in ay u-sad-qeeyaan una-caseeyaan si-baal-marsan xeerkan ganacasato ay gacan-wadaag-leeyihiin. Somalidu waxay ku-maah-maahdaa meyd maxaa u-danbeeyey iyo kaa la sii sido Xukuumada Siilaanyo oo ay hor-boodaan had-iyo jeer hawl-wadeyaal sita doobi-gun la' kuna caan baxey dabo-kanuugnimo ayaa waxa ay ku-dhaba-baceysey xukuumadu bishan 16/6/ 2013 Xeerkii Lr 23 , qodobkiisa 34 farqiisa 10aad kaas oo timaamaaya in golaha degaanka ee doorashada ku-yimi iyo gudi hoosaadkiisa loo doortey ay maamulkeeda iyo maareyn-teeda ay leeyihiin dhulka danta guud ah iyo dhulka la-bixinaayaba, xeerkaa ayaa isna ay xukuumadu si cadaan ah u-baal-martey kadib markii ay golihii degaanka ku bedeshay una wakiilatey cid kale oo metesha soona saartey Digreeto aan lagala tashan golihii degaanka kaas oo lagu jooji-naayo isticmaalka dhulkaa danta guud ee magaalo xeebeedka Berbera.Halkaas oo isna xeerkii baahinta iyo hoos-udaa-dejinta is-maamulka gobolada iyo deg-mooyinka ay isna xukuumadii dhabarka ka jebisey oo ban-jarisey.
Waxaa kale oo uu dastuurka qodobkiisa 42 aad far
aqiisa 3aad uu qeexayaa in shuruucda keliya ee doorashada loo-Joojin karaa ay tahay oo keliya hadii ay wadanka ka-jiraan duruufo adag sida dagaal, abaaro iyo wixii la mid ah.Markaas uun-baa golihii wakiilada ee hore waqtiga loo kordhin karaa. hadaba iyadoo aaney dhibaatooyinkaas oo dhami wadanka ka jirin ayaa xukuumada Siilaanyo ay si cadaan ah u baalmartey qodobkaa oo ay goysey cayntii iyo baydii usu hayey faraqyada qodonkan iyada oo xukuumadu ku raajicineysa jebinta qodobkan cimri dherersi kadib markii ay la gashey heshiis qarsoon golayaashii wakiilada, Baalmarista qodobkani wuxuu sababey in golihii wakiiladu qudoodu ay ka faa'ideystaan luub-holeka sharci-la'aanta ka-dibna ay isu-kor-dhiyeen sanad kale oo qarsoon oo ay mushahar-koodii sii qaadan-doonaan marka waqitgoodu dhamaado sanadkaas oo ay ula-baxeen (Sagootis) loona sharciyeeyey.
Qodobka 39-aad dastuurka qaranku wuxu cadeynayaa in Golaha wakiiladu ay yihiin xubno ka wakiil ah dadweynaha waana qeybta 1aad ee xeer-dejinta dalka ee ansixisa xeerarka, kuwaas ka masuul ah ogolaanshaha iyo ilaalinta siyaasada guud ee hogaaminta dalka. Xeerkani wuxuu isna ramiimka noqdey ka dib-markii xukuumada siilaanyo ay si-ba'an u-fara-gelisey isku-dhellitirnaantii awoodii dawladnimo taas oo ay ku milantey oo ay shidhka u-gashey oo ay ku fasaqantey golihii xeer-deginta iyo gar-soorkii halkaasana uu qodobkaasi ku-bur-burey oo ay meesha ka baxdey is-xisaabintii iyo xil-gudashadii la isku kantarooli jirey. halkaas oo maanta ay xukuumadii Siilaanyo noqotey Gaadhi-bilaa-bireg ah oo aan cidina odhan kari (stop) oo cid-walba jiidhaaya.
Waxaa kale oo ay isna ku-turun-turootey xukuumada Siilaanyo Qodobka 129 aad ee dastuurka qaranka oo ah qodobkii ay ku dhaarteen oo ay yidhaah-deen ( waxaanu ilaahay ugu dhaaraney in aanu daacad u-noqon-doono shacabkayaga, diintayada, iyo dalka-yaga kuna maa-muli doono sinaan iyo cadaalad inta aanu xilka hayno) halkaas oo ay dhaartiina ku-jebiyeen ka dib markii ay buriyeen qodoba iyo xeerarka badan ee aan kor kaga soo dhawaajiyey.
Guntii iyo geba-gebadii: Waxaa maamul uu hagaagi karaa marka uu sitoos ah ugu dhaqmo shuruucda u yaala wadanka iyo dastuurka qaranka iyada oo halbeega ay sharuucdaasi ku fadhi-daana ay tahay cadaalad, kal-danbeyn,wada tashi, wada-shaqeyn,dimuqraadiyad, nabadgelyo iyo kabista iyo kobcinta dhaqaalaha oo si-wada-jira ah loogu wada dhaqaaqo. Hadaba xukuumadeey xil-daruuran baa-dumadaada sudhan. Nasiib-daro intaaba waad burisey oo ka aradey kuna -fashilantey waxaana aanu kaa codsanaynaa in aad u-noqotaan dhaartii aad ummadda iyo dalkaba u-dhaarateen in aad wadanka ku-maa-mulaysaan sinaan iyo cadaalad horumar-gaadhsiiya.
Allah ayaa Mahad leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Billahi- Towfiiq
A/Rahman fidhinle
Intensive Ed PA
UK