Qoraalo Sir ah oo Xildhibaanada Mooshin diidka raacsan Raysal Wasaaraha Somalia u Gudbiyeen Beesha Caalamka
Muqdisho 27.Nov 2014 (SDN/QJ)- Qoraallo sir ah oo ay qoreen Xildhibaannada ka soo-horjeeda Mooshinka, isla markaana ah kuwa taabacsan Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sh. Axmed ayaa Beesha Caalamka u diray Qoraal ay kaga codsanayaan ina farro-gelin lagu sameeyo Khilaafka u dhexeeya Madaxda Somaliya, kuwaas oo sheegay in uu khatar ku yahay jiritaanka Somaliya
Qoraalladan oo laba ah ayaa loo kala diray Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Midowga Yurub, Marykanka, Britain, Norway, Imaaraadka iyo Talyaaniga. Sidoo kale, qoraalkan ayay u direen Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya oo ah Guddoomiyaha urur-goboleedka IGAD, iyaga oo ku andacoonayaan inay hay’adaha dastuuriga ah ee dalka xallin waayeen khilaafka Siyasadeed ee taagan.
Dhinaca kale Xildhibaannada gudbiyay Mooshinka ka dhanka ah Raysal-wasaaraha ayaa qaba in aanu jirin qalqal Siyaasadeed oo khatar ku ah Qarannimada Soomaaliya, isla-markaana uu Khilaafkani uu yahay mid la buun-buuninayo, waxaanay sheegeen inay aamisan yihiin in hay’adaha dastuuriga ee Somaliya ay ku filan yihiin xallinta Khilaafkan loona baahan-yahay inaan la jah-wareerin Beesha Caalamka.
Qoraalka ay Xildhibaanadani u direen Beesha caalamka ayaa u dhignaa sidan:-