Qoraalkii Lagu Xidhay Gudoomiye Ku Xigeenka Ururka Suxufiyiinta Solje ee uu Bartiisa Facebook Ku Baahiyey Akhri.
Burco 10.Sep 2016 (SDN/QJ):- Halkan Hoose Ka akhriso Qoraalkii Lagu Xidhay Gudoomiye Kuxigeenkii Ururka Suxufiyiinta SOLJA Keyse Axmed Digaale ee uu bartiisa Facebooka soo dhigay
“GALABTA SALAADII CASAR IYO MUCJISADII KA DHACADAY MASJIDKA”QALINKII KAYSE AXMED DIGAALE.
“Waxaan ku ordayay dhinaca Masaajidka xaafada si aan u gaadho tukashada salaadi casar , oo anigoo hurda la eedaamay, markaan ku dhowaa albaabkii masjidka balse wali galin ,ayaan maqlay Qaylo ah “Laa ilaahay ilaalaa ,laa ilaahay ilaa”. Waa naxay ka dibna hareeraha ayaa eegay.
Waxa markiiba inadhaygii ku dhuftay nin da,dhexe ah oo caloosha ku marmaraya gacmihiisa oo ,wali qaylinya, ka dibna dadkii masaajidka ayaa dibada u soo baxay ,waxa uu hadana ninkii ku dhawaaqaya ila soo gaadha milixda.waan gartay oo wuxuu ka mid nin jamaca salaada nagala tukan jiray masjidka balse aanan aqoon badan u lahayn balse wejigiisu igu cusbayn.
Hore ayaan u dhaafay waxaan galay masjidkii waxaan tukuday Salaadii Casar ,markaan dhamaystay ee ducaystay ,ayaa inan xaafada ah oo deris nahay ayaa igu soo dhawaaday,waxaanu igu yidhi maad garanaysaa ninkan qaylinaya,waxaan ku idhi maya,waxa uu markale igu celiyay waa garsoore ka tirsan maxkamada Degmada Burco oo dhowaan la keenay. Waxaan idhi alle haw sahlo.
Masjidkii markaan ka soo baxay ayaa waraystay dadkii xaafada waxaanay ii sheegeen in ninkan markasta sidaa loo qabto ,haseyeesyee marka milixda la siiyo ay ka go,do kaarka iyo kurbada uu la qaylinay..Cajiib badanaa amuuraha ilaahay.Bal Ogow Ninkaasi Waxa uu ka mid yahay Garsoorayaasha Maxkamada, Illahaw naga badbaadi Xaqa binu aadamka.
Keyse Axmed Digaale
Burco