|

Qoraa Masri Ah Oo Ku Riyooday Isagoo Yimid Somaliland By: C/Raxmaan Cadami

Dhawaan waxaa soo baxay buug cusub oo laga qoray Somaliland iyo Puntland. Buuga waxaa la yidhaahdaa 29 Maalmood oo aan Soomaaliya joogay. Waxaa qoray suxufi Masri ah oo magaciisa ku sheegay Ayman As-siisi .

Buuga wuxuu ku bilaabay inuu yimid magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Putland isaga oo dooni ka soo raacay Yamen, waxa kale oo uu sheegay inuu tegay magaalooyinka Garoowe, Gaalkacayo, Eyl iyo kuwa kale oo ka mida Soomaaliya hase ahaatee inkasta oo uu wax badan ka qoray ama uu inta badan ka hadlayo Somaliland haddana buuga marnaba kuma uu xusin in uu tegay ama arkay magaalo qudha oo ka tirsan Somaliland. sidaa daraadeed, waxaa la odhan karaa Masrigu wuxuu ku riyooday isaga oo yimid Somaliland oo ka soo ururiyey macluumaad aan hore loo maqal.

Xogaha uu sheegay in uu soo ogaaday waxaa ka mida in Somaliland ku jirto dagaal ka dhan ah carabnimada iyo in la tirtiraayo raadadkii iyo taariikhdii carabtu ku lahayd dhulka Somaliland, wuxuu ku sii daray Somaliland inay ku tallo jirto in la mamnuuco ama hoos loo dhigo waxbarasahda carbeed iyo in la joojiyo macalimiinta Masaarida wax ka dhiga dugsiyada iyaga oo siyaasadaa taageero kaga helaya Maraykanka.

Qoraagu akhristayaasha buuga wuxuu xaqiiqo jirta uga dhigayaa in sirdoonada maraykanka iyo Israa’iil door weyn ku leeyihiin maamulka Somaliland iyaga oo soo dhex-maraya Itoobiya oo sida uu sheegay ah dalka keliya ee aqoonsan Jamhuuriayda Somaliland. Ninka buuga qoray wuxuu aaminsan yahay in gooni isu taaga Somaliland ka mid yahay tabaha cadowgu kula dagaalamayo dalka Masar.

Dawladaha Israa’iil iyo Maraykanku waxay rabaan  inay keligood ku amar ku-taagleeyaan biyo mareenka  Baab Al-Mandab, Itoobiyana waxay doonaysa in lagu teegeero isku daygeeda ah inay Masar ka cuna-qabatayso biyaha wabiga Nile-ka. Wadaadku isaga oo riyadiisii sii wata wuxuu sheegay in ay Somaliland ka jiraan laba aragtiyood oo kala taageersan carabnimada iyo Itoobiya oo iyadu xanbaarsan istaraatijiyada iyo danaha Maraykanka iyo Israa’iil ku leeyihiin Geeska  Africa.

Qoraagu wuxuu sheegtay inuu naftiisa halis ku geliyey si uu u gaadho xarumaha iyo saldhigyada budhcad badeedu kaga duusho maraakiibta iyo si uu u helo xogo dheeraad ah oo ku saabsan sida ay u hawl galaan, inkasta oo aanu sheegin cadaymo lagu qanci karo wuxuu yidhi  “Waxaan soo ogaaday in Maraykanku si qarsoodi ah u maal-geliyo budhcad badeeda ama gacan saar la leeyahay, la dagaalanka uu sheegtaana yahay afka baarkiisa oo keliya”

Si kastaba ha ahaatee Weriyuhu wararka uu ka faafiyey Somaliland isaga oo aan dhulkaba iman waxaa lagu tilmami karaa sheekooyin malo-awaal ah (Fiction) oo aan macno lahayn. Qoraalkiisa waxaa ka soo butaacaya nacayb iyo karaahiyo uu u hayo Maraykan, Israaiil, Itoobiya iyo Somaliland.

Xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland  wuxuu u arkaa in uu yahay dambi laga galay Masar, wuxuu aad u taageerayaa fekradii Soomaali weyn ee Masar ku danaysan jirtay. macluumaadka beenta ah ee laga qoray Somaliland waxaa si taxane ah loogu daabacaa wargeysyada Masaarida si akhristayaasha dunida carabta loogu talaalo naceybka iyo colaada Somaliland.

Ayman As-siisi  khurafaadka uu riyada ku qoray wuxuu ku mutaystay amaan iyo Abaal Marinta Dubai ee warbaahinta carbeed waxaana loo aqoonsaday warfidiyeenka carbeed ee ugu fiican sannadka dhinaca xog baadhista. Haddaba, muwaadin maxaa kaaga baxay dareenka qoraaga ee kacsan iyo aragtida buugiisu  xanbaarsan yahay ?

In nacaybka loo hayo Somaliland aanu waxba ka sokayn naceybka iyo colaada loo hayo dalka Israa’iil.

In xidhiidhka wanaagsan iyo iskaashiga Somaliland la leedahay wadamada jaarka ah iyo xasiloonida gobolku ka horimanayo danaha Masaarida.

In dawladaha carabtu si adag uga soo horjeedaan madaxbaanida Jamhuuriayda Somaliland.

Hadaba, marka aynu ka shiidaal qaadano sida ay warbaahinta carabtu u buunbuunisay ama u qiimaysay xogantan been abuurka ah ee Somaliland laga qoray shaki kuma jiro in Somaliland dagaal hoose ku socdo iyo in laga takooro beesha caalamka.

Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami@yahoo.com

 

Comments are closed