“Qolada meesha fadhida Waxan Leeyahay haddii aan wax laga Arrimahan waxa ay keeni doontaa in kuwii dalkan xoreeyey ee aan habran jirin marka carruurtooda la laayo ay rasaas qaataan”Sheekh Aadan Siiro.
Hargeysa:Aug,15,2015(SDN/QJ)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey(Aadan-siiro), ayaa xaaladda dalka ka dayriyey, waxana uu nasiib-darro ku tilmaamay dhacdadii dhawaan ka dhacday xaafadda Jigjiga yar oo ciidamada ammaanku dileen Wiil yar oo toban jir ahaa, kaas oo uu dhalay Mujaahid katirsanaa Halgamayaashii SNM.
Sheekha oo maalintii shalay khudbad ka akhriyey Masaajidka Quba ee Magaalada Hargeysa, ayaa ugu horrayn tilmaamay in caqligii wanaagsanaa xilligan aanu talinin oo xumaantu taliso,“Taladii dalka, ayaa ninba ninka uu ka hadal badan yahay ee uu ka been badan yahay ee wax aan jirin ka abuurid badan yahay ayuu noqday qofka meesha laga jecel yahay, haddii arrin yimaaddana oo dilalkii dhacay yimaaddeen halkii xikmad iyo caqli lagu daweyn lahaa ayaa intaas oo ka baayac mushtaranaysa dhiigii umaddu ay bateen.” Ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.
Waxa uu sheekhu ka Hadlay dil ay dhawaan Ciidamada Ammaanku u geysteen Wiil da’yar oo uu dhalay Aabe kasoo qaybqaatay Halgankii dalka lagu soo xoreeyey, waxana uu yidhi,“Aafaadka ugu waaweyn ee maanta dalka ka jiraa waxa ay noqdeen nin waliba ninka uu ka afmiishaarsan yahay uu noqday haldoorkii umadda. Maanta ilme 11-Jir ahi dhagaxa uu tuuraa halkuu gaadhi karaa intuuse wax yeelli karaa in xabad halkaas sujuudda lagaga dhuftaa oo waliba kuwa ku dhuftay ay wateen Gaadhi umaddu leedahay oo kamid ah kuwii uu dalka ku xoreeyey Axmed Jabaan”
Waxa uu ku baaqay in dhacdadadaas si degdeg ah wax looga qabto, haddii taas la waayana cawaaqib xumo badani ka dhalankarto,
“Waxanu leenahay qolada meesha fadhida arrinkaasi haddii aan wax laga qaban dhibaatuu dalka ku keenayaa, waxana ay keeni doontaa in kuwii dalkan la xoreeyey ee aan habran jirin marka carruurtooda la laayo ay rasaas qaataan illayn dadku waa wada hubaysan yihiine.” Ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.
Mar uu ka Hadlayey sababta dilka ilmahaas yar lagu dilay, ayaa waxa uu sheegay in lagu dilay goob yar oo dhul ah, isagoo intaas ku daray in qaar badan oo aan meelna u soo marini ay dhulkii Dan Guud iska qaateen, waxana uu yidhi,“ilamaha yar waxa lagu dilay qidcad yar oo toban mitir ka badan oo aabihii deggenaa, qaar kamid ah hoggaanka dalkuna waxa ay qaateen Toddobaatan Mitir iyo Soddon Mitir oo Halbawlaha Magaalada ah oo udhigan 14-Milyan oo dollar iyagoo waliba aan maalin usoo dhididin.”
Ugu dambayntii waxa uu sheekhu sheegay in Kuwa carruurta yaryar rasaasta la dhacayaa aan cidi usii joogi Karin,
“dilkaas dhacay waanu ka xunnahay, haddii ay maanta gacantayada wax ku jiraan waa hadal waxa aanu haynaaye kuwa ilme yar oo toban jir ah xabadda madaxa kaga dhufanayaa haddii aan wax laga qaban wadaad iyo waranle iyo nin magacyo waaweyn leh cidi la joogi mayso.” Ayuu yidhi.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com