“Qolada Maxkamadda Derejaa Koowaad way isku Dhejiyeen inay Kiiskaas Soo Daayaan, amar Baana Lagu Riday oo Xataa Dawladda Dhexe ayaa Farogelisay” Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidanka Somaliland
Hargeysa:05-March-2014(SDN)-Guddoomiyaha Maxkamadda Derejada Labaad ee Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa Marii Ugu Horraysay ka Hadlay Xukunka ay Ku rideen Taliyihii hore ee Saldhiga Dalloodho Maxamed-siciid Aw Cabdi oo Maalin ka Hor Xabsi Daa’im lagu Xukumay.
Guddoomiye Xasan Aadan Sugulle oo waraysi Gaar ah siiyey Shabakadda Qurbejoog.com kadib markii Xukunku Dhacay, ayaa Sheegay inay Maxkamaddu Xukukan ay Ridday u cuskatay Markhaatiyaal Goob joog ahaa xilligii uu Dilku Dhacayey, kuwaas oo uu sheegay inay la Socdeen Marxuumka dhintay.
Guddoomiye Xasan ayaa Maxkamadda Ciidamada Derejada Koowaad oo markii hore Kiiskan Gashay, isla-marrkaana xukun ka Soo Saartay ku EEdeeyey inay iska Indha Tirtay Markhaatiyaashii la Keenay, waxana uu sheegay inay sidoo kale diideen rafcaankii Xukunkooda Dhibanayaashu ka Qaateen. “Maxkamaddu waxay Diidday inay Dhegaysato Markhaatiyaashii Goob Joogayaasha ahaa, iyadoo sheegtay inay Yaryar yihiin, laakiin waxa ay ahaayeen 17-jir iyo 16-jir, waana Dad Qaangaadh ah oo Markhaatigooda la Dhegaysan karo.” Ayuu Yidhi Guddoomiye Xasan Aadan Sugulle.
Guddoomiye Xasan ayaa Sidoo kale Xusay inay adkaatay inay Maxkamadda Derejada Koowaad Kiiskaas Laga Soo Saaro, waxana uu tilmaamay in Amar iyo Farogelin ka Yimi dawladda Dhexe lagaga soo Saaray Kiiskaas, waxana uu yidhi,
“Qolada Maxkamadda Derejada Koowaad ee Ciidamadu way isku Dhejiyeen inay kiiskii Soo Gudbiyaan ambiilkii laga qaatay, aakhirkiina Amar baa lagu Riday oo xataa Dawladda Dhexe ayaa Soo Faroglisay.”
Guddoomiye Xasan Aadan waxa kale oo sheegay in xukunkani yahay mid kama Dambays ah oo aan lahayn wax Rafcaan, isagoo tilmaamay inuu Kiiskaas u xilsaaray Shan Garsoore oo Aakhirkii Go’aankaas Gaadhay.
Maxkamadda Derejada Labaad ee Ciidamada Somaliland ayaa Xukunkan Xabsi Daa’imka ah ku Ridday Taliyahan Hore oo Booliska ka Tirsanaa, waxana jirey xukun hore oo Maxkamada Derejada Koowaad ee Ciidanka Qaranku ku Ridday Taliyahan oo ahaa muddo Shan sano oo xadhig ah iyo Magtii oo la Qaato, waxase uu Guddoomiyuhu sheegay inaanay jirin wax mag ah oo uu Aabaha Dhalay Marxuumka Dhintay uu qaatay.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com