“Qofku Wuxuu Murashax Noqon Karaa, Marka Xisbiyadda Qaranku Soo Gudbiyaan…” Komiishanka Doorashooyinka Qaranka
Hargaysa 09.May 2016 (SDN/QJ):– Xubno ka mida gudida komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa sheegay inay soo afmeereen wejigii 1-aad ee diiwaangalinta codbixiyayaasha gobolka maroodi-jeex, Islamarkaanna waxay saluugeen qaabka ay gobolka maroodi-jeex uga socoto diiwaangalintu, iyagoo sidoo kalena baaq u diray bulshada gobolka, uguna baaqay inay is diiwaangeliyaan qaataana kaadhka codaynta.
Gudoomiyaha komishanka doorashoyinka qaranka Somaliland Cabdiqaadir Imaan oo ugu horayn goobtaa ka hadlay ayaa sheegay inay habacsanaan wayni jirto dhanka diiwangalinta codbixiyayasha gobolka maroodi-jeex“Waa in la barbar gallaa oo waajibaadka dawladda iyo dalku ku leeyahay dadweynihii fuliyaan oo ah inay doortan markay doorasho timaado qofkii xukumi lahaa ee ay u arkaan inuu yahay ka ugu haboon, si taa loo gaadho waa in diiwaangelin la helaa. Diiwaangelintii gacantiinay ku jirta oo mar bay idiin soo maraysa dadweynoow, waxaanna halka laga dareemaya marka aynu hargeysa ka hadlayno inay wax dhiman yihiin, waxaan jecelnahay inaad kasii badisaan oo is diwaangalisaan jaaniska labaad waa todoba cisho oo danbe oo maanta ka bilaabmaysa waxii intaa ka danbeeya way koobmaysaa markaa bulshooy waa inaad is diiwaangelisaan oo qaadataan kaadhka ”ayuu yidhi Gudoomiye Cabdiqaadir
Sidoo kale, xubin ka mid ah komishanka doorashooyinka ayaa sidoo kale sheegay in la soo afjaray 104 goobood ee diiwaangelintu ka socotay“Wareegi koowaad ee diiwaangelintu wuu ka soo dhamaaday gobolkan maroodijeex ee uu ka socday waxa inoo soo hoyday goobo dhan 104 goobood, oo ahaa goobihii aynu diiwaangelinta ka bilownay, ha ahaadaan Cadaadlay, Dacarbudhuq, daarasalaam, sabawanaag iyo farawayne ee ka baxsanna degmadda Hargeysa iyo degmadda salaxlay ayaa inoo soo hoyday. Sidoo kale waxaanu ku dhiirigelinayna in diiwaangelintii la sii waddo Hargeysa gudaheeda oo dhammaan doonta wajigeeda koowaad 13-ka may oo ah maalin jimce ah.”ayuu yidhi mid ka mid ah xubnaha komishanka doorashooyinku, waxaanu hadalkiisii sii raaciyay “Qofku wuxuu murashax noqon karaa, waa marka xisbiyadda qaranku soo gudbiyaan liiska murashaxiinta, ha noqoto baarlamaan ama ha noqoto madaxweyne, inta ka horraysa labadda ee aanay asxaabta ka iman murashaxnimadu, murashax kaliya oo jira ma jiro, qadiyadda xisbiyaddu way ka hadleen, anagunna waanu ka hadlay, xitaa maayarka waanu kala hadlay waar boodhadhkan gidaaradda ku yaalla waa sharci darro.”
Dhinaca kale, xubno ka mid ah xisbiyadda mucaaridka oo shirka jaraaid ka hadlay ayaa si isu-mid ah ugu baaqay bulshadda inay isdiiwaangeliyaan“Gobolka awdal oo aynu ka warhayno in abaaro ba’ani ka dhaceen, goobaha aanu soo maranay ilaa 80 baa ka mid ahaa, tiiyoo halka lagu aasayo dadkii abaaraha u dhintay, haddanna kuyuuga waad yaabaysay ilaa habeenkii, midna abaara ka socday midna bilow buu ahaa. Waxa loo qaadan la’yahay caasimaddii Somaliland oo cidkasta oo Somaliland ahi ama siyaasi ahaado ama madaxdoodii ka joogto in kaalintii laga filayay ka muuqan, waxaanu ku saarnay komishanka culays tiiyo goboladda kale nala qabin.”
“Goboladii ay ka soo gabagaboowday way idiin soo eegayaan, fiiro gaar ahna way idiin leeyihiin, tiradiinna iyo codkiinana way eegayaan, siday hawsha diiwaangelintu u socotanna way eegayaan. Kolay goboladdu tiro ahaan iskuma farraxsanna inuu gobolba gobol ka bato.”