“Qofkii rajo ka qabay in ay dowladdu dalka ka saarto xaaladda aan ku jirno, waxaa niyaddiisa shalay gaadhay dhaawac culus,” Siyaasi Yuusuf Garaad
Muqdisho 22.Feb 2014 (SDN)- Siyaasiga Yuusuf Garaad Cumar ayaa dawladda Soomaaliya ku dhaliilay guul-darrada ka soo gaadhay sugida amniga dalkaasi. Waxaanu tilmaamay in siyaasadda dalkaas lagu dhaqayaa ay gaadh siisay Soomaaliya in la qarxiyo madaxtooyadii dalka looga tallinayay.
Madaxii hore ee laanta afsoomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar oo ku sugan magaaladda Muqdisho ee dalka Soomaaliya waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu ku daabacay bogga uu ku leeyahay barta xidhiidhka dadweynaha ee Face-book.
“Wax aan dhici jirin ayaa shalay dhacay. Siyaasadda dalka lagu dhaqayaa halkaas ayay na gaadhsiisay.Xaalad aan caadi ahayni waxay u baahan tahay xal aan caadi ahayn. Qofkii rajo ka qabay in ay dowladdu dalka ka saarto xaaladda aan ku jirno, waxaa niyaddiisa shalay gaadhay dhaawac culus,”ayuu yidhi Yuusuf Garaad.
Yuusuf Garaad waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dawladda Soomaaliya ay shacabka tusto wax lagu aamino oo aan hadal ahayn, waxaanu yidhi “Dowladdu haddii ay dooneyso in lagu kalsoonaado in ay xal u raadineyso Soomaaliya, dariiqaasna ay ku joogto, ha na tusto wax aan ku aamminno oo aan ahayn erayo la isku soo aaddiyay oo aan had iyo goor maqalno.”
“Erayadaas oo aan inta badan ficil daba joogin ama ficilkii daba joogaa uu yahay mid burinaya hadalkii ka horreeyay,”ayuu intaas raaciyay.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com