QOFKII AF-LAGAADEEYA XUKUMADA WAXAA U YAAL SHARCI ADAG, LAAKIIN KA DIINTA CAAYA WAXBA LAGAMA SOO QAADIN!!!!
Xukumada uu hogaamiyo Axmed Maxamed siilaanyo ayaa baryahan danbe sidaynu wada ogsoonahay ku mashquulsanayd cabudhinta saxafada madaxa banaan oo aan wali hore uga dhicin xukuumadii ka horeeyay inay ku talaabsada arimahaa sidaas oo kale ah iyo wax u dhawtoona, iska daaye ,wali may hore u dhicin tirada suxufiyiinta ay xidhay tiro leg intii ay talada haysay xukumada Axmed Siilaayo .
Waxaa jiray sadex xukuumadood oo mid waliba mudadeeda wadanka hogaaminaysay ,hadana marka laysku daro mudadii dheerayd ee ay soo jireen sadexdaa xukumadood tirada suxufiyiinta madaxa banaan ee xabsiga loo taxaabay waxaa iskaga badan mudadan gaaban ee labada sano iyo badhka ah ee xukumadan Axmed Siilaanyo talada haysay.
Hadana iyadoo sidaasa oo ay qarankan u sii weheliyaan hagardaamoyin kale oo hadaan in yar ka xuso ay ka mid yihiin ,barlamaankii aynu soo dooranay oo ku danbeeyey in uu noqdo ,saylad xukuumadu wasiirada iyo agaasimayaasha ka soo naqaysato ,
Ayaan-darada waliba sii jirtaa ay tahay intay ka naqaysato mooyane inta kalena aanay is dhaqdhaqaajin Karin iyagoo sugaaya intay gacan kale saylada soo galayso,
Arintaas oo aan ku matali karo , bahalka la yidhaa waraaba ayaa marka uu habeenkii helo xoolaha nooc ka mida ee loo yaqaan adhiga gaar ahaan idaha ,ayaa waxaa cado ah marka uu warabuhu mid qabsado inta kale ma yaacdo ee halkan ayey madaxa isgaliyaan intaa uu taas madhinaayo, ka dib ayuu takale bilaaba, sida caadiyan lagu yaqaan marka u dhargo ama ka fulana qaylo dhaan uu ugu baaqayo habar waraabihii kale oo dhan ayuu afka gacanta galiyaa,
Hadaba barlamankii waxaa uu noqday sidii adhigii badh uu ku shaqaysto oo xilkii loo doortay loogu badalo dan isaga (xildhibanka) cajabisay ,intii kalena waxa uu ugu baaqay inay midaynta somaliwayn u ololeeyan.
Iyadoo sidaasa biyo meel godan ayey isugu biyo shubtaane ,hadaan ku soo dhawado biyo dhaca qormadan , xukuumadu siday xilwayn isaga saartay inay shuruuc adag u samaysato cidi soo fara galisa kurasta ay ku fadhiyaan , misna talada kumay darin in diinta islaamka ay masuuliyadi ka saarantahay xukumada hada jirta ,
Waayo hadaad booqato saldhigayada iyo suuqyada casimada kala duwan ee Somaliland, ninka diinta caaya ee shacabku ku soo eedeyaan inu aflagadeeyay diinteeni subanayd, waxaa la huba inaan laga hooos qaadin ,sababta taas keentayna hadaad usii dhabo gasho , gaar ahaana aad ka waraysato hayadaha ay tooska u khusayso sida
- Maxakamada dalka
- Ciidanka abniga (police army)
- Wasaaarada arimaha gudaha
Waxaay hayadahaas an kor ku soo xusay kugu qancinayaan inaanay haba yaraate hayn wax sharciya oo arintaas lagaga hortago, ka dib taasina waxaay ina dhaxalsiisay ( diintii ilaahay inoo soo dajiyey inay inagala waynaato kursi hadaad ugu badato aad ayaamo yar ku fadhiyeyso)
TALO BIXIN
ü Waxaa talo bixin iga ah, in xukumadu iyada wax walba anu u dooranaye in ay xil wayn iska saarto diintana kor u qaado, sidaas ayey liibanta akhiro iyo ta aduunyaba ay ku jirta.
ü Inay xukuumadu saxdo dibna isugu noqoto, ka mudan in sharcigiisa la horumariyo , cidi aflagaadaysa xukumada ,iyo cidi aflagaadaysa diinteena suban ,
ü Hadaynu nahay shacabkana aynu galino dadaal badan diinta iyo ku dhaqankeeda ,inta aynu galino mid ka badan aqoonsi raadinta Somaliland.