|

Qofka Oo Dhego Cuslaada Waxa U Sabab Noqon Kara Waxyaalaha Uu Dhegeysto

Hargaysa 11. July 2017 (SDN/QJ):- Daraasad cusub oo ay sameeyeen koox khubaro Maraykan ahi ayaa lagu ogaadey in maqalka dhegaha oo daciifaa ama yaraadaa ay sababto dhegaysiga qofka oo ay la xidhiidhiyeen hadba waxyaalaha uu dhagaystaa,sida ay kooxdani ku sheegeen warbixin hor dhac ah oo ay soo saareen .

Kooxdan cilmibaadheyaasha ah oo ka socotay maxadka lagu magcaabo Albert Einstein College of Medicine kana tirsan Jaamacadda Yeshiva oo ku taala magaalada NewYork,iyaga oo intii daraasadani socotay tijaabooyin ku sameeyey jirka loo yaqaano Mice-ka ,waxaanay is barbar dhigeen dhexta hoose iyo maskaxda oo ay xidhiidh lee yihiin.

Natiijooyinka la soo saaray ayaa muujinaaya tilmaamo sheegaaya inay jiraan xidhiidh u dhexeeya dhegta gudaha iyo waxyaalaha uu qofkaasi dhegaysto,gaar ahaan qalabka dhegaha la gashado,iyaga oo ka reebay oo keliyaata qofka sida dabiiciga ah ugu soo dhasha dhego culayska.

Waxaanay sheegeen in inta badan ay sameecaduhu samayn ku yeeshaan inay lumaan qaybo kamid ah maqalka ,iyaga oo qaybo kamid ah xididada dhegta gudeheeda marana ku keena inay kala fogaadaan,taasina ay keento inay wax u dhinto fariintii sida fudud laysugu gudbinaayey ,iyada oo ku qaadata waqti inay dadkaasi wax maqlaan ama fariinta helaan.

“daraasadayadani waxay ku tusaysaa in ay jiraan qaybo badan oo ay waxyeelo soo gaadhsiiyaan waxyaalaha ay dadku dhegaystaan ama dhegaha geliyaan iyaga oo ku hadlaaya ama wax ku dhegaysanaaya,taasina ay noqoto ta sababta u noqota inay wax noqdaan dhegohoodu,gaar ahaana dhinaca maqalka oo ay adkaato inay si fiican wax u maqlaan”sidaasi waxa yidhi madaxa kooxdan daraasada samaynaysay oo lagu magcaabo Jean M Hebert kana tirsan qaybta maqalka iyo neerfaha ee maxadka Einstein.

Waxaanay sheegeen khubaradani inay jiraan dheecano ay dheguhu soo daayaan kuwaas oo ah kuwa keenay inuu maqalku si fudud u gaadho dhegta qaybeheeda kala duwan,iyada oo ay inta badan sii maraan xididada dhegaha dhex mara,kuwaas ayaa dhibaato badani ka dhex dhacdaa,waxaana timaada inay isku darsamaan,gaar ahaana dheecanada loo yaqaano S1c12a2.

Iyaga oo khubaradani sheegay in labadan Protein ee loo yaqaano pERK iyo pCREB oo ah kuwa signaliska u kala qaada dhegaha qaybohooda kala duwan y dariiqa ka leexdaan ,taas oo ay dhacdo inuu maamulku ka lumo,iyada oo ay sidoo kalena aad xadi ahaan u bataan ,iyaga oo dhaafaya intii loogu talo galay.

Daraasadan ayaa muujisay inay jiraan khataro badan oo ku dhici kara dadka dhegaysta waxyaalaha kala duwan iyaga oo adeegsanaya sameecadaha kala duwan ,waxaanay kula taliyeen dadkaasi dhegaysta waxyaalahaasi kooxdan khubarada ahayd inay yareeyaan xadiga codka ee ay dhegaystan haddii aanay iska joojin karayn ama aana iska dayn karayn,sida lagu qoray wargeyska lagu magcaabo Science Journal.

Comments are closed