“Qofka Aan Kaadhka Cod-Bixinta Qaadan Ma Jirayso Muwaadin-nimadiisii ….” Wasiirka Arrimaha Gudaha
Hargeysa 16. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa Dadweynaha Reer Somaliland, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Gobollada ay xilligan ka socoto Qaadashada Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashada ku adkeeyay inay qaataan Kaadhadhka, si ay uga qayb-qaataan Cod-bixinta Doorashada Madaxtooyada iyo kuwa ka dambeeyaba.
Wasiir Faratoon oo la hadlayey Dadweyne soo dhaweeyay Wefti uu Madaxweyne ku-xigeenku soo maray deegaanno Balligubadle ka mid tahay, ayaa sheegay in Qofka aan qaadan Kaadhka Cod-bixinta Doorashada aanay jirayn Muwaadin-nimadiisu.
Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Kaadhkani waa kii aad ku codayn lahayd Doorashada ee aad talada Dalka kaga qayb-qaadan lahayd, markaa Qofka aan Kaadhka Cod-bixinta qaadan wuu ka hadhayaa (Codaynta Doorashada) Muwaadin-nimadiisii ma jirayso..”
Wasiir Faratoon oo mar kale la hadlayey Dadweynaha Gobolka Gabiley oo uu Madaxweyne ku-xigeenku kormeer ugu tagay, ayaa wuxuu yidhi “Reer Tog-wajaale iyo Reer Gabiley iyo inta jiiddan deggan waxaad tihiin Dadka ugu ballaadhan baad tihiin, waxa la idinka eegayaa inaad si xoog leh Kaadhka u qaadataan, Codkiina, tiradiina, ilbaxnimadiina iyo Reer Magaal-nimadiina muujisaan Maanta, haddaad doonaysaan inaad Madaxweyne doorataan, Wasiirro badan aad yeelataan, waxa la idinka doonayaa inaad Kaadhka qaadataan oo aad ku dagaalantaan.”.
Si kastaba ha ahaatee 7 Cisho ee Rasmiga ahayd ee Kaadh qaadashadu ka Socotay Gobolada Maroodijeex iyo Togdheer ayaa ku eekaa Maalintii Jimcihii iyadoo Mudo 14 Cisho ah oo dheeri ah ay Kaadh qaybintu ka socon doonto Goobo Cayiman oo ku yaala Magaalooyinka Hargaysa Iyo Burco.