|

Qodobo ay isku mari la’ yihiin dawlada Federaalka iyo Maamul Goboleedka Punt land iyo Ifafaalaha Muuqda

Garowe 13.Oct 2014 (SDN/QJ)- Waxaa Maanta ay Noqonaysaa Maalintii Sadexaad ee  shirka u socda DFS iyo xukuumada Puntland kaasi oo lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafaadka u dhaxeeya Puntland iyo DFS kaasi oo laga doodayay qodobo loo arkayay inay dawo u yihiin khilaafkan mudada soo jiitamayay.

cabdiwali-gaas-300x168waxaana  soo baxaya warar hor dhaca oo soo gaadhaya Shabakada Qurbejoog.com ayaa sheegaya in intooda badan xal laga gaadhay  balse ay jiraan qodobo  dhawr ah oo ay isku mari la’yihiin labada dhinac kuwaasi oo ay ka mid yihiin; Saami qaadashada khayraadka dalka Soomaaliya, Dhismaha aqalka odayaasha, iyo qaabka loo marayo doorashada la filayo inay Soomaaliya ka qabsoonto 2016.

Laba dhinac ee loo saarey xal ka gaadhista khilaafkaasi ayaa  ku dadaalaya qaabka la isugu soo dhawaan karo si xal looga gaadho qodoban la isku mari waayay.

Madaxweyne Gaas iyo Ra’isal wasaare C/weli ayaa labadu rajo wanaagsan ka qaba xal ka gaadhista arimahan la kala tirsanayay.

Dhowr jeer ayay Dawlada Federaalka iyo Maamul Goboleedka Punt land ay Heshiisyo wada galeen kuwaasoo intooda badani ay hal bacaad lagu lisay noqdeen..

Garowe SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed