” Qodobadan ka soo baxay Shirka Stanbul waxaanu u aragnaa kuwo u gogol xaadhaya Qadiyadda Madaxbanaanida Somaliland.” Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Guurtida
Hargaysa 25.Jan 2014 (SDN)- Gudoomiye xigeenka Golaha Guurtida Somaliland ahna ku simaha Gudoomiyaha Golahaasi Siciid Jaamac Cali oo ka mid ahaa Guddida Somaliland uga qayb gashay wada hadaladii Turkiga ku dhex maray Somaliland iyo Somalia ayaa maanta warbixin ka siiyay Qodobadii Kulankaasi ka soo baxay Mudanayaasha Guurtida.
Gudoomiye xigeenka Guurtida ayaa Sheegay in qodobada ka soo baxay Shirkii Stanbul ku dhex maray Somaliland iyo Somalia yihiin Guul u soo hoyatay Somaliland. Xildhibaanada ayaa muujiyay sida ay dood uga qabaan habsami u socodka wada hadalada, iyadoo buuq hadheeyay Gabagabadii Khudbada Gudoomiye xigeenka Guurtida.
“Waxaa meesha ku jirta in Dawladda Turkigu, hadii la ismari-waayo ay Warbixin ka siiso IGAD IYO AU-da arinta shirkan iyo wada hadalada Somaliland iyo Somalia dhex maraya.”ayuu yidhi Siciid Jaamac Cali oo ka hadlayay Doorka Waddamada kale ku leeyihiin wada hadalada.
Gudoomiye xigeenka Guurtida oo ka jawaabayay Dhaliilaha Mucaaradku u jeediyeen Qodobada ka soo baxay Shirkii Turkigu waxa uu tilmaamay inay jiri karaan siyaabo kale dawan oo wax loo Fasiran karo, balse ay wada hadaladu guul us oo hooyeen Somaliland.
” Marka Dad hawl loo diro kolay way jiraan Qaybo ka daba qayliyaa, laakiin Dadka haddii aanay dadkii meesha ka qayb galay warbixin siinin dee Turjumaado badan iyo Tafsiiro badan oo kala duwan ayaa laga bixinayaa. marka Nin wax doonaya iyo Nin wax kuu diidayaa ay is hor fadhiyaan kolay in badan ayaa la isla meel dhigi waayayaa, laakiin waxaanu qabnaa in Wada hadalada Somaliland iyo Somalia dhex maray ay ka soo baxeen waxyaabo badan oo Somaliland Guul u soo hooyay.” ayuu yidhi Gudoomiye xigeenka Guurtida.
Gudoomiye xigeenka oo haddalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland meel kasta loo galayo islamarkaana loo dhiraan dhirinayo sida ugu suurta gashan.
” Qodobadan ka soo baxay Shirka Stanbul waxaanu u aragnaa kuwo u gogol xaadhaya Qadiyadda Madaxbanaanida Somaliland.” ayuu yidhi Siciid Jaamac Cali oo Intaasi sii raaciyay inaanay sahlanayn helida Citiraafka islamarkaana ay tahay in dadaal loo galo.
Gabagabadii Warbixinta Gudoomiye xigeenka Guurtida ayaa Buuq iyo Sawaxan ka dhalisay Xildhibaanada dhexdooda kuwaasi oo ku kala qayb sanaa Qodobada Shirka Turkiga ka soo baxay. Xildhibaannada oo aad u Doonayay Su’aalo ay Gudoomiye Xigeenkooda waydiiyaan ayaanay intooda badan u suuro galin. Su’aal uu waydiiyay Xildhibaan fursad u helay Su’aalo xildhibaano badani gacanta u taagayeen ayaa nuxurkeedu ahaa in Bulshada Caalamka, gaar ahaana waddamada aqoonta u leh xidhiidhka Somaliland iyo Somalia ay soo dhex galaan wada hadalada, ayuu Gudoomiye xigeenku tilmaamay in haddii la isku mari waayo wada hadalada ay Wadamada kale soo dhex gali karaan marka loo baahdo, sidoo kalena Turkigu warbixin ka siinayo Midawga Africa iyo IGAD kulama Somaliland iyo Somalia yeesheen.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com