Qodob Xasaasi ah oo Lagu Daray Ajandaha Fadhiga Beri ee Golaha Shacabka Somalia uu Muqdisho ku Yeelanayo!!
Muqdisho 08. September 2017 (SDN/QJ):- Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka ayaa Kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay ku go’aamiyeen Ajandaha looga hadli doono Kulanka Golaha Shacabka ee la filayo in uu Beri oo Sabti ah ka dhaco magaalada Muqdisho.
Guddiga ayaa isla gartay in xukuumada laga talo galiyo hindiso Sharciyeedyo dhowr ah, kuwaasoo ay horay u gudbiyeen Xubnaha Golaha Shacabka si ay u maraan akhrintooda Koowaad.
Guddiga ayaa Kulanka ayaa sidoo kale sheegay in kulanka ugu soo horeeya ee golaha Shacabka ee beri oo Sabti ah taariikhduna ku beegan tahay 9/9/2017 looga hadli doono arrintii Cabdi Kariin Muuse QalbiDhagax oo dowladda Soomaaliya u gacan dowladda Itoobiya.
Xildhibaanada Baarlamanka ayaa ku kala aragti duwan ka soo baxay shalay xukuumada Somalia oo qalbi dhagax ku tilmaantay inuu yahay argagaxsiso xiriir la leh Al-shabaab.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sh/Cismaan Jawaari ayaa shir-gudoomiyay kulankan ay Guddiga joogtada ah ee Golaha shacabka ku yeesheen Magaalada Muqdisho.