|

“QM waxay Hargeysa ku leedahay 22 xafiis, waana Xarunta ugu badan ee aanu Geeska Afrika ka joogno” Philippe Lazzarini

New York, 17 June, 2015 (SDN/QJ)- Mr. Philippe Lazzarini oo ahaa madaxii hay’adaha QM ee Somaliland iyo Soomaaliya isla markaana ku magacow-naa ku-xigeenka Danjire Nicolas Kay, ayaa shaaca ka qaaday inaan hay’adaha QM iyo xafiiska UNSOM wax shaqo ah ku lahayn mowqifka siyaasadeed ee Somaliland.

Philippe LazzariniPhilippe Lazzarini oo ahaa masuulka ugu sarreeya ee Qaramada midoobay u qaabilsan Xafiiska Isku-dubba-ridka iyo Xidhiidhiinta mucaawimooyinka hay’adaha UN-ka (OCHA) ee ka hawl-gala Somaliland iyo Somalia, waxa kale oo uu sheegay in Somaliland tahay meesha hay’adaha QM ee ugu badan ka joogaan gobolka Geeska Afrika.
Mr. Lazzarini oo dhowaan loo bedelay wadanka Lubnaan ayaa sheegay mar shalay su’aalo lagu weydiiyey bartiisa Twitter in Qaramada Midoobay taageero ka geysato arrimaha horumarka Somaliland.
Madaxii hore hay’adaha QM Mr. Lazzarini oo la weydiiyey in QM, Midowga Yurub ama Midowga Afrika martigelin karaan wada xaajoodka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, ama xal ka gaadhi karaan, ayaa ku jawaabay, “Hay’adaha QM ama xafiiska UNSOM wax shaqo ah kuma laha mowqifka siyaasadeed ee Somaliland,” ayuu yidhi.
Mar la weydiiyey in waajibaadka QM dhaawaceen shaqadii ay ka wadeen Somaliland ayuu ku jawaabay, “QM waxay Hargeysa ku leedahay 22 xafiis, waana xarunta ugu badan ee aanu ka joogno ka joogno Geeska Afrika. Sidooo kale waxaan ka caawinaa Somaliland dhinaca horumarka sida sanduuqa New Deal iyo ka u gaarka ah Somaliland,” ayuu yidhi Danjire Philippe Lazzarini.

New York SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed