QM oo Yemen u tagtay si ay ula socoto doorashooyinka madaxtooyada ee dalkaasi
Sanca Feb 19,2012(qurbejoog.com)-Ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan dalka Yaman Mr Jamaal Binu cumar ayaa maanta yimid caasimadda dalkaasi ee Sanca, si uu ula socdo habka ay dalkaasi uga qabsoomayso doorashada madaxtinimada iyo waqtiga kala guurka ah.
Waxana la filayaa in doorashada madaxtinimada dalkaasi ka qabsoonto maalinta salaasada ah ee soo socota, hase yeeshee waxaa dalkasi ka jirta xaalad amaan xumo ah, taasoo looga baqayo in doorashada madaxtinimadu uga dhici waydo si xor oo xalaal ah gobolada qaarkood, oo ay ku xoog badan yihiin mitidiinta islaamiga ah.
Dhinaca kale, waxa todobaadkii hore lagu dilay dalkaasi xubno ka mid ah guddiga d oorashooyinka oo komeer ku marayey gobolada, si ay u diyaariyaan agabkii doorashooyinka, hase ahaatee waxa jira in doorshadaasi ay qaadaceen qowmiyadda Xuutiyiintu iyo dadweyne ka tirsan koonfurta Yaman oo doonaya in ay ka qo’aan yaman inteeda kale.
Qurbejoog-Sanca