|

QM oo xafiis cusub ka furtay Muqdisho

Muqdisho November 09, 2024(QJ)-Mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin wasiirro, wakiillada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo diblumaasiyiin ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda furitaanka xafiiska Qaramada Midoobay ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS).

Xafladda ayaa lagu muujinayey isbedelkii ka dhacay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) una guuray UNTMIS. Isbadalkani waxa uu astaan ​​u yahay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay dhanka isku-tashiga iyo doorka ay ku leedahay masraxa caalamiga ah.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Ku Simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, La-taliyaha Sare Yuusuf Garaad, Mas’uuliyiin kale, iyo Safiiro ka kala socday dalal kala duwan. Waxay ka qayb qaateen ku dhawaaqistii xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo loo bedelay UNTMIS.

Comments are closed