|

QM oo ugu baaqday dowladda Soomaaliya in ay wax ka qabato xadgudubyada Haweeynka Soomaaaliyeed

Muqdisho March 09 2013 (SDN)– Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augostin Mahiga,oo ka hadlay maalinta caalimiga ee aduunka kaga caalameysan maalinta haweenka,ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga hortago rabshadaha ay la kulmaan haweenka oo ah horseedka Nabada.

Mahiiga ayaa Xukuumada Soomaaliya si gaar ah kaga codsaday in xil weyn iska saarto ilaalinta xaquuqda iyo sharafta ay leeyihiin haweenka Soomaaliyeed oo tacadiyo iyo dhibaatooyin la kulmayay mudo 21-sano ah oo dalka dagaalo ka jiray.

Wuxuu sheegay Ergayga gaarka ah ee QM Mr Mahiga in Hooyada ay tahay Hogaanka iyo horseedka dalka,islamarkaana muhiimad weyn ay ku dhex leedahay bulshada loona baahan yahay in si wadajir looga hortago dhibaatooyinka soo gaara.

Mahiiga oo ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay Maalinta 8-Maarso,ayaa ugu danbeyntii qeexay in Soomaaliya ay tahay meelaha inta badan lagu dhibaateeyo haweenka Soomaaliya,isagoona u micneeyay arintaasi xil iska saaris la’aan xaquuqda haweenka ay leeyihiin.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo sharaxay qaabka looga hortagi karo tacadiyada haweenka Soomaaliyeed loo geysto,isagoona tilmaamay in la sameeyo,wacyigelin,heeso ka tarjumeysa ahmiyada hooyada iyo waxa ay keeneyso dhibaatadeeda.

Comments are closed