|

QM oo sheegtay in ISIS ku soo qulquleyso Soomaaliya

NY November 21, 2024(QJ) Tirada dagaalyahanada Ajaanibta ah ee ku biiraya Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa mar kale la sheegay inay sii kordhayaan, waxaana arrintani lala xiriirinayaa sida Qaramada Midoobay ay ku tilmaantay qulqulka dagaalyahanada Ajaanibta ah.

Warbixin dhawaan ay soo saartay kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka arrimaha Soomaaliya ayaa ka digtay in dagaalyahanno ajaaniib ah oo ay ku jiraan kuwa Bariga Dhexe ay gacan siiyaan Daacishta Soomaaliya.

Tirada dagaalyahanada Daacish ee hadda ku sugan Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 600 ilaa 700 oo dagaalyahan.

“Dagaalyahano Ajaanib ah ayaa ku soo wajahan Puntland iyagoo isticmaalaya marinada badda iyo berriga” ayaa lagu yiri warbixin sirdoon ah.

Dagaalyahannadan ajnabiga ah “waxay xoojiyeen oo ay kor u qaadeen awoodda kooxda,” ayaa lagu yiri warbixinta. Ilo-wareedyo sirdoon ayaa ku tilmaamay horusocodka Daacish ee buuraleyda Cal-Miskaad ee Puntland inuu yahay isbedel muuqda.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadan ajnabiga ah ee Daacish ay ka kala yimaadeen ugu yaraan lix wadan oo kala ah Syria, Yemen, Ethiopia, Sudan, Morocco, iyo Tanzania.

Waxa ay sidoo kale tilmaamtay in qaar ka mid ah dagaalyahanada Ajaanibta ah ee la qabtay ay qirteen in ay la shaqeynayeen tababarayaal ka yimid qeybo ka mid ah Bariga Dhexe.

Warbixintan cusub ayaa la socota digniino horay uga soo baxay Mareykanka iyo Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa hadaladii ka soo yeeray madaxa taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika oo VOA u sheegay bishii hore in Daacishta Soomaaliya ay laba jibaartay sanadkii la soo dhaafay.

Warbixintu waxay xaqiijisay in hoggaamiyihii hore ee Daacish-Soomaaliya, Cabdulqaadir Muumin, oo ka badbaaday duqayn Maraykanku bishii June, loo dalacsiiyay madaxa hoggaanka guud ee Daacish, wuxuuna door hoggaamineed ku leeyahay hawlgallada Daacish ee Afrika.

Comments are closed