Q,M oo sheegtay in in ka badan 3,000 oo askari ay AMISOM Soomaaliya uga geeriyoodeen.
New York May 10,2013 (SDN)-Ku xigeenka xog’hayaha guud ee Q,M Jan Eliasson ayaa shir jaraa’id oo uu saxaafadda ugu qabtay magaalada New York waxaa uu sheegay in ciidamo ay tiradoodu ka badan tahay 3,000 oo askari ay ururka Midawga Africa uga geeriyoodeen gudaha Soomaaliya intii ay ku jireen dagaalka ka dhanka ah Xarakadda Al-Shabab.
Jan Eliasson waxaa uu sheegay in xog ururin ay sameeyeen ay kuogaadeen in khasaaraha intaa le’eg uu soo gaaray ciidamada AMISOM ee Soomaaliya hawlgalada ka wada dhawrkii sano ee lasoo dhaafay oo ay galeen dagaal xoog leh oo ka dhan Xarakadda Al-Shabab.
Ku xigeenka xog’hayaha guud ee JQM waxaa uu xusay in ciidamadaas Sadexda kun gaaraya ay u kala dhasheen wadamada Uganda iyo Burundi iyo qeyb kale oo ka tirsan ciidamada Kenya ee iyagu gadaal hawlgalkaan kaga soo biiray.
“Waad ka naxaysaan marka aad ogaataan in askarta AMISOM ee Soomaaliya ku naf waayay sanadihii dambe ay gaarayaan 3,000 oo askari waxaana ay askartaani naftooda bixiyeen iyagoo ka shaqeynaya amaanka Soomaaliya” ayuu yiri Jan Eliasson .
Eliasson waxaa uu ku nuux nuuxsaday in dawladaha ay askartaan ka geeriyoodeen uu umahad celinayo sida ay u muujiyeen adkaysiga intaas le’eg sida uu yiri.
Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga oo hadda tiradooda lagu sheego in ka badan 17,700 oo askari kana kala socda dhawr wadan oo African ah ayaa dagaal xoog leh waxay kula jiraan dhaq dhaqaaqa Al-Shabab oo ay dhul badan ka saareen.
AMISOM iyo Mdawga Africa midna kama hadlaan inta uu gaar siisan yahay khasaaraha kasoo gaara dagaalada ay Shababka kula jiraan.