Q,M oo sheegtay in Al-Shabab ay willi halis ku yihiin amaanka Soomaaliya
New York May 11,2013(SDN)-Madaxa hay’adda la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada ee hoosta tagta golaha amaanka ee Q,M Gary Quinlan oo ka hor hadlay fadhi ay xalay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa waxaa uu sheegay in ururada hubeysan ee ka jira qaaradda Africa ee xiriirka la leh ururka Al-Qacida ay aad u xoogaysanayaan xilligaan suurta galna ay tahay inay dhibaato geystaan.
Gary Quinlan waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in marka la eego xilligaan dhaq dhaqaayada ay wadaan ururada hubewysan ee ka dagaalamaya wadamada Soomaaliya, Mali iyo wadamaa Saxaraha ka hooseeya ay muujinayso in willi ay jirto awood aan la dafiri Karin oo ay ururadaan leeyihiin.
Waxaa uu dulbaday in xoog loola socodo hawlaha ururadaan oo xusay inay xataa ay jirto xiriir ay wadaagaan isla markaana la cuna qabateeyo cid kasta oo loo arko inay gacan siiso.
“Xarakadda Al-Shabab waxaa ay wadaan dhibaatooyin amaan oo ay ka geysanayaan gudaha Soomaaliya dhibaatooyinkaasna waxaa ay saameys ku yeesheen dadka rayidka ah, sidoo kalena ay dhibaatooyinkaas oo kale ay qabaan dadka ku nool wadamada Morocco, Mali iyo dalka Yemen oo xaduud dhanka badda ah ay Soomaaliya wadaagaan” ayuu yiri Gary Quinlan.
Quinlan waxaa uu xusay in dawladaha ay dhibaatadu ka haysato la dagaalanka garabyada hubeysan ee lagu xagliyo inay Al-Qacida ka amar qaataan lagu caawiyo dagaalka ay amaanka ku soo ceshanayaan.
War kooban oo gabo gabadii kulankii xalay laga soo saaray ayaa waxaa lagu sheegay in lagu isku raacayin dawladaha Saxaraha ka hooseeya lagu taageero qorshaha la dagaalanka argagixisida iyo sugida amaanka sida hadalka lagu yiri.
Xubno sar sare oo ka tirsan Q,M dhawr jeer oo hore ayay muujiyeen walaaca ah in Xarakadda Al-Shabab oo ku jirta dagaal ay kala kulmaysa dawlada iyo ciidamada AMISOM ay willi leedahay awood dagaal.