QM oo shaacisay mudada la qabanayo shirka wada tashiga Soomaalida iyo madaxweyne Shariif oo Garoowe u boqoolay
Garoowe Dec 19,2011(qurbejoog.com)-Xafiiska QM u qaabilsan siyaasada Soomaaliya ayaa maanta qoraal ay soo saareen waxa ay uga warameen mudada uu furmayo shirka wada tashiga Soomaalida ee dib u dhacu ku yimi.
UNPOS waxa ay qoraalkeeda ku sheegtay in Shirka wada tashigu furmi doono maalinta arbacada ah ee inagu soo fool leh,mase sheegin mudada uu soconayo.
Geesta kalena madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta u boqoolay dhanka Garoowe si uu shirkaasi uga qeybgalo.
Madaxweynaha ayaa gaadhaya Xarunta Puntland xili uu maamulka Puntland si adag uga hadlay dib u dhaca shirka wada tashiga Soomaalida qeybtiisa labaad iyo xil ka qaadistii guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan.
Qurbejoog-Garoowe
contact@somalidiasporanews.com