QM oo Shaacisay inay dalka Waqooyiga Kuuriya kusoo rogayso cuno-qabateyn dhan Walba ah
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si adag u cambaareeyay tijaabadii gantaalkii riddada dheeraa ee ay maalin ka hor hawada u dirtay xukuumadda Waqooyiga Kuuriya.
Qoraal ay soo saareen xubnaha Golaha Ammaanka ee QM kaddib kullan deg-deg ah oo ka dhacay Magaalada New York, waxaana goluhu uu shaaciyay in cunna-qabateyn si dhaqso ah u dhaqan galeyso la saarayo dalka Waqooyiga Kuuriya.
Xukuumadda Pyongyang ayaa lagu eedeeyay inay waddo halis iyo qalalaase aad u xun oo dunida ka dhaca. Iyadoo bishii Jannaayo ee lasoo dhaafayna ay sidaan oo kale u tijaabisay afar gantaal oo nooca Nuclear-ka xambaara ah.
Sidoo kale, Dowladda Waqooyiga Kuuriya ayaa iyadana sheegay in tijabada Gantaalada ay qayb ka tahay Barnaamijkeeda Hawada.
Safiirka Koonfurta Kuuriya u fadhiya QM, Oh Joon ayaa isna Tilmaamay in la joogo xilli Golaha Ammaanka uu Meel-marin lahaa go’aan Adag oo Kuuriyada Waqooyi dhan ka ah, iyadoo la ogyahay in labadan waddan uu ka dhexeeyo khliaaf dhanka dhulka ah.
Ugu dambeyn, Safiirka Dowladda Japan u fadhiya QM, Motohide Yoshikawa ayaa wuxuu dhankiisa tilmaamay inay waajib tahay in la beddelo xiriirka lala wadaago North Korea.