|

QM oo ku baaqday sameynta shuruucda Xadgudubka Jinsiga

Muqdisho November 26, 2024(QJ) –  Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday maamul goboleedyada inay kordhiyaan maalgelinta la dagaallanka xadgudubyada ku saleysan jinsiga ee dalka.

James Swan, Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa sidoo kale ku baaqay in la sameeyo sharciyo lagu dacweynayo xadgudubyada ku saleysan jinsiga, iyadoo la raacayo waajibaadka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka oo ay Soomaaliya horay u ballan qaaday.

“Tani waxay xaqiijinaysaa in dambiilayaasha lala xisaabtamo, kuwa ka badbaadayna ay helaan cadaalad,” ayuu Swan ku yiri hadal uu ka soo saaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, isagoo ka hadlayay billowga ololaha 16-ka maalmood ee ka-hortagga rabshadaha ku saleysan jinsiga.

Mawduuca caalamiga ah ee ololaha sanadkan ayaa ah “Midow! Maal-gelin si loo joojiyo tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.”

Ololuhu wuxuu sidoo kale ugu baaqayaa dawladaha caalamka inay la wadaagaan sida ay u maalgelinayaan ka hortagga xadgudubyada ku salaysan jinsiga.

Wax ka qabashada xadgudubyada ku saleysan jinsiga waxay u baahan tahay dhaqaale iyo agab, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo ilaalinta haweenka, carruurta, dadka naafada ah, iyo kooxaha laga tirada badan yahay ee aadka ugu nugul xadgudubyada galmada iyo jinsiga ku saleysan, ayuu yiri Swan.

Muddada 16-ka maalmood ah, ayuu Swan sheegay in QM ee Soomaaliya ay la shaqeyn doonto dowladda iyo bulshada rayidka ah si loo muujiyo baahida loo qabo joojinta xadgudubyada ku saleysan jinsiga, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la dardargeliyo hannaanka sharci-dejinta si loo soo saaro sharciyo lagu ilaalinayo haweenka iyo gabdhaha.

Ololuhu waxa uu ujeedadiisu tahay in kor loo qaado wacyiga, dhiirigelinta dadaallada u doodista, iyo wadaagista aqoonta si loo joojiyo xadgudubyada ka dhanka ah haweenka.

Comments are closed