|

QM oo ka hadashay colaada Ceerigaabo

Ceerigaabo (QJ) – Colaadda u dhaxaysa ciidamada Somaliland iyo ciidamada SSC-Khaatumo ee magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa waxaa ku barakacay ku dhawaad ​​43,000 oo qof oo ay ku jiraan carruur, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada ee UNOCHA.

Barakacayaashan ayaa gaaray Ceel Afweyn iyo Laasqoray oo ka tirsan gobolka Sanaag, iyadoo tiro aan la cayimin ay gaareen qeybo ka mid ah degmooyinka Boosaaso, Laascaanood, Xuddun, iyo Burco, sida ay sheegtay UNOCHA.

Warbixinta hay’adda Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in qoysaska barakacayaasha ah ay si degdeg ah ugu baahan yihiin hoy, biyo, nadaafad, cunto, daryeel caafimaad iyo adeegyo waxbarasho. Dhaqdhaqaaqa bini’aadantinimo ee Ceerigaabo ayaa si weyn u hakad galay, iyadoo iskuuladii iyo goobihii ganacsiga la xiray colaada awgeed.

Xiisada u dhaxaysa Somaliland iyo SSC ayaa 14-kii bishan December ka bilaabatay koonfurta magaalada Ceerigaabo iyo deegaanada ku xeeran. Tan iyo 16-kii Disembar, xaalad degenaansho ayaa laga soo sheegayaa magaalada Ceerigaabo ka dib markii ay isaga baxeen ciidamadii SSC-Khaatumo. Si kastaba ha ahaatee, dadka deegaanka ayaa sheegaya in xiisaddu ay weli taagan tahay, isla markaana laga yaabo in xaaladdu ay ka sii xumaato.

Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo colaadda u dhaxeysa ciidamada Somaliland iyo dagaalyahanada SSC-Khaatumo, iyadoo ku baaqday in wada hadal lagu soo celiyo nabadda gobolka.

Comments are closed