QM oo ka deyrisay xaalada Abaareed ee dalka Nijer
New York Feb 19,2012(qurbejoog.com)-Warbixin ay maanta oso saaray qaramada midawday ayaa sheegaysa in xaalad abaar, gaajo iyo colaad ihi ku habsatay gobolka saxaraha Africa gaar ahaan dalka Nijar.
Hay’adda qaramada midowday waxa ay intasi ku dartay in ilaa laba iyo toban Milyan oo qof kuna nool saxaraha ay hayso abaar adag iyo gaajo, taasoo u baahan in loo gurmado dadkaasi si loo badbaadiyo.
Waxana qaramada midawday ka dalbatay dawladaha deeqaha bixya ilaa todoba boqol oo milyan oo dollar, si loogu taakuleeyo dadka abaaruhu ku dhufteen gaar ahaa dalka Nijar oo ay u badan yihin dadka ay abaaruhu barokiciyeen, iyadoo waliba ay dalkaasi ku soo qaxeen dadka ka soo yaacay dagaalada ka socda dalka Maali.
Sarkaal sare o u hadlay hay’adda qaramada midawday u qaabilsan dhinaca horumarinta oo lagu magacaabo Heelan Kalaarak, waxa ay sheetay in xaalad abaareed oo adagi ka jirto dalka Nijar, taasi oo saamayn xoog leh ku yeelatay dumarka iyo caruurta oo aad u caatoobay.
Qurbejoog-New York