Qiso Jaceyl Ah Oo Dareenka Taabanaysa oo Ka Dhacday Dalka Sucuudiga: Q.1aad
Hargaysa 12.October 2016 (SDN/QJ):-Gabadh ku nool Caasimada dalka Sucuudiga ee Riyad oo magaceeda la yidhaa Ruhaam ayaa waxay la fadhiisatay gabadh ka shaqaysa guriga ay ku nooshahay, waxaanay ka wareysatay arrimaha la xidhiidha caashaqaga iyo inuu qofku wax jeclaan karo iyaga oo qaadanaysay fikirka ay siiso gabadhan shaqaalaha ahi.
Ruhaam oo aad ugu kalsooneyd gabadha shaqaalaha ah had iyo jeerna ku sir qarsan jirtay ayaa waxay u sheegtay inay haatan diyaar u tahay inay yeelato xidhiidh jaceyl, balse ay ladahay qof ku habboon, islamarkiiba gabadhii shaqaalaha ahayd ayaa soo booday oo ku tidhi anaa kuu haya qof aad u wanaagsan oo Diin iyo Dhaqanba leh ee arrintaa ka seexo oo haka warwarin.
Gabadhii shaqaalaha aheyd ayaa waxay marrar dhawr ah soo martay wiil dhalinyaro ah oo magaciisa la yidhaa Fahad, islamarkaana ay Ruhaam qaraabo ahaan isku dhawaayeen, labadooda gurina aanay kala fogeyn, waxaanu u sheegay gabadha shaqaalaha inuu aad u jecel yahay Ruhaam oo uu rabo inuu guursado, laakiin aanu awood u lahayn inuu soo hor istaago gabadhaa u jecel yahay jaceylka uu u qabo awgeed.
Gabadhii shaqaalaha ahayd ayaa islamarkiiba inta ay ka kacday Ruhaam teleefanka kula hadashay Fahad, waxa aanay u sheegtay inay Ruhaam raadinayso wiil wanaagsan oo ay jaceyl isku guursadaan, waxa aanay ku tidhi gabadhii shaqaalaha ahayd Fahad “Waxa aad marrar badan I weydiisay Ruhaam iyo in la soo doonayo oo ay guur go’aansatay, waxaanse kuu sheegay in arrinkaasi aanay waxba ka jirin, laakiin maanta Ruhaam waxa ay ii sheegtay inay guur diyaar u tahay oo ay raadinayso wiil wanaagsan oo diin iyo dhaqan leh oo jaceyl kula noolaada, aniguna waxaan ku idhi waan kuu hayaa ee ka seexo, markaa haddii illaahay yidhaa waa inaad xaafada noogu timaadaa si aan isku kiin baro”.
Fahad oo isagu marka horreba jeclaa Ruhaam, balse aanay loo ogeyn ayaa farxad kala batay, waxaanu ku yidhi gabadhii shaqaalaha aheyd “Waayahay, aad ayaad u mahadsan tahay waan idiin imanayaa sida ugu dhakhsaha badan, aniga ayaa waqtiga aan idiin imanayo kuu soo sheegaya”.
Fahad markii uu warkaa maqlay aad ayuu u farxay, balse gabadhii shaqaalaha ahayd ayaa waxay go’aansatay inay teleefanka Fahad siiso Ruhaam si ay u wada xidhiidhaan ka hor inta aanu ku soo booqan guriga, waxaanay ku dhiirigalisay Ruhaam inay wacdo oo ay teleefanka kala hadasho Fahad.
Ruhaam ayaa markii la siiyay teleefankii Fahad ayey fikirtay waxaanay nafteeda ku tidhi “Maxaan ula hadli waayay, waayo waxa uu ka mid yahay qaraabadayda waa inaan la hadlaa”.
Labada qoys ee ay ka soo kala jeedeen wiilkan iyo gabadhani ayaa kala ahaa laba qoys oo dhaqaale ahaan kala duwan, Ruhaam waxay ka soo jeeday qoys lacag leh, halka Fahad uu ka soo jeeday qoys faqiira, islamarkaana Fahad muu dhamays tiran waxbarashadiisii.
Kadib markii ay wada xidhiidheen Fahad iyo Ruhaam waxa dhex maray xidhiidh aad u wanaagsan, islamarkaana xidhiidhkaasi waxa ku dheehnaa muxibo iyo kalgacal, waxaanay bilaabeen inay teleefanka ku wada hadlaan muddo dheer, waxa ay maalmuhu is guraanba waxa ka dhex dhashay Fahad iyo Ruhaam jaceyl dhab ah, Ruhaam ayaa aad u jeclaatay Fahad jaceyl aan la qiyaasi karayn.
Muddo kadib ruhaam hooyadeed ayaa ogaatay jaceylka ku dhacay gabadheeda iyo xidhiidhka ay leedahay Fahad, waxa aanay hooyadeed u sheegtay Ruhaam in aanay ka raalli ahayn xidhiidhka ka dhexeeya iyada iyo Fahad sababtuna ay tahay in uu Fahad ka soo jeedo qoys faqiir ah, islamarkaana aanu u qalmin inuu guursado Ruhaam.
Ruhaam ayaa jaceyl aan la qiyaasi Karin u qaaday Fahad, balse markii ay Ruhaam hooyadeed ku cannaantay xidhiidhka ay leedahay Fahad, islamarkaana ay u sheegtay in aanay nolol wadaagi Karin ayay tallo ku baahday Ruhaam.
Fahad ayaa isagu maqlay in Ruhaam hooyadeed ay diiday xidhiidhka uu la leeyahay gabadheeda oo aanay ogolayn inay nolol wadaagaan ama is guursadaan, markii ay arrintaasi gaadhay ee uu maqlay ayaa waxa uu bilaabay in Ruhaam u hanjabo, waxaanu ku yidhi haddii aan ku guursan waayo, waxaan soo bandhigayaa sawiradadii aad ii soo dirtay oo aan cid kasta tusaya.
Ruhaam hooyadeed ayaa ogaatay in uu Fahad u hanjabay gabadheeda, waxaanay u tagtay Ruhaam adeerkeed oo ay ka codsatay inuu arrintan soo fara galiyo oo wiilkan uu caqli celiyo si aanay gabadheedu u ceeboobin.
Ruhaam adeerkeed ayaa markii ay arrintu gaadhay waxa uu u yeedhay Fahad iyo Ruhaam oo kaliya, isagoo mid kasta si gaar ah u wareystay, waxaanu ka weydiiyey sidii ay isku barteen iyo waxa dhex maray.
Fahad ayaa isagu ka been abuuray Ruhaam iyada oo hor fadhida, waxaanu ku yidhi adeerkeed “Aniga, iyada ayaa waligeedba gabadhani I jeclayd oo ii daba carrari jirtay, markii aan u soo istaagay ee aan ka yeelay jacaylkeediina waadiga arkaya waxay samaynayso”.
Ruhaam way adkaysatay oo wax jawaab ah kamay bixin hadalkii Fahad uu lahaa,waayo? . Aad ayay u jeclaatay Fahad, waxaanay go’aansatay inay nolosha la wadaagto.
La Soco