|

Qiso Cajiib ah: Wiil yar oo Afkiisa laga soo saaray 232 ilig!

Mumbai 26.July 2014 (SDN/QJ)- Dhakhaatiirta dalka Hindiya ayaa afka wiil yar oo 17 sano jir ah ka soo saaray 232 ilkood. Qalliinka wiilkan looga soo saaray ilkahaasi ayaa qaatay muddo toddobo saacadood ah.

ILWiilkan oo lagu magacaabo Ashik Gavai ayaa isbitaalka la keenay isagoo ka bararay daanka midig. Waxaa la sheegay inuu xanuunsanaa muddo 18 bilood ah ka hor inta uusan ka soo safrin tuuladiisa, oo takhaatiirta joogta ay wax ka qaban waayeen arrintiisa.

Takhaatiirta qalliinka fulisay ee magaalada Mumbai ayaa sheegay in xaaladda wiilkan ay tahay mid dhif ah oo aan horey loo arag. Waxay sheegeen in ilkaha wiilkan laga soo saaray ee tirada badan ay u egyihiin luul yar yar oo cad cad.

Ilkaha Wiilkan yar laga soo saaray

Ilkaha Wiilkan yar laga soo saaray

Dr Dhiwaare, oo ka mid takhaatiirta qalliinka sameeysay ayaa sheegay in ugu horreyntii ay ku adkayd inay soo saaraan ilkaha, oo taas ay ku qasabtay inay jeexaan ciridka iyo daanka Ashik.

Markaan furnay, ilka yar yar oo tiro badan ayaa ka soo baxay, hal hal ayaan u soo bixinay, ilaa aan ka daalnay. Tirada ilkaha laga soo saaray ayaa gaaray 232 ilig.”

Mumbai SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed