Qisado La Yaab Leh: Susan Xaddaad Waa Dhakhtaradii Reer Ciraaq ee uu Bush ka Codsaday inay ka Caawiso Amniga Qaranka Maraykan
Washington 02. August 2017 (SDN/QJ):- Susan Xaddaad oo ah xirfadle caafimaad oo u dhalatay dalka Ciraaq ayaa maalin maalmaha ka mid ah, waxaa talefan amakaag ku riday u soo diray qof isku sheegay in uu yahay basaas ka tirsan wakaaladda Dhexe ee sirdoonka dalka Maraykanka.
Waxa uu af kala qaadku ku sii batay markii qofkii la soo hadlay uu ku yidhi, “Madaxweyne Bush waxa uu aad u qaddarinayaa in aad Maraykanka ka caawiso sugidda amnigiisa qaranka iyo in aad gacan ka geysato dagaalka ka dhanka ah argagaxisada, adiga oo soo ururinaya xogo muhiim ah oo la xidhiidha hubka sida ba’an wax u gumaada ee dalka Ciraaq” Intaas kadib ayaa uu qofkii Susan ka codsaday bal in ay suurtogal tahay in ay u safarto dalka Ciraaq.
Hal sano ka hor qabsashadii Maraykanka iyo xulafadiisa ee dalka Ciraaq, ayaa Dr. Susan Xaddaad oo ahayd dhakhtarad isir ahaan reer Ciraaq ah oo haysata dhalashada Maraykanka, kana shaqaynaysay cisbitaalka Cleveland Clinic ee ku yaalla magaalada Cleveland ee woqooyiga bari ee gobalka Ohio, waxaa talefanka kala soo hadlay nin Maraykan ah, oo u sheegay in uu ka tirsan yahay wakaaladda sirdoonka ee CIA. Waxa uu ka codsaday in ay la kulanto. Susan waxa ay aad ula yaabtay sababta uu basaaskan Maraykan u doonayo in uu la kulmo, laakiin diidmo qayaxan kama ay hor keenin ee waxa ay doorbidday in ay hubsato sida xaal u jiro..
Susan Xaddaad waa dhakhtarad ku xeeldheer suuxinta, iyada iyo ninkeedu 25 sano ka hor markan la’ la soo xidhiidhay ayaa ay dalka Ciraaq ka yimaaddeen iyaga oo ka durkaya sirdoonka Ciraaq oo ay sheegeen in ay cidhiidhi badan kala kulmeen. Waxa ay yimaaddeen Maraykanka, waana rubuc qarni kadib imaanshiyahoodaa marka uu la soo xidhiidhay Chris oo isugu sheegay in uu yahay basaas ka tirsan CIA.
Susan waxaa galay cabsi aad u badan oo ay ka qabto in ay mar kale iska hor yimaaddaan sirdoonka iyada oo xasuusan saskii iyo baqdintii joogtada ahayd ee ay ka qaadday sirdoonka Ciraaq.
Waxa ay la xidhiidhay xafiiska wakaaladda FBI ay ku leedahay magaaladeeda Cleveland si ay u weydiiso qofka uu yahay Chris. Waxa ugu daran ee ay doonaysay in ay ogaataana waxa uu ahaa; Asalkiisu ma Ciraaqi baa mise waa Maraykan dhalad ah?! Waxa kale oo ay doonaysay in wakaaladda qaabilsan amniga gudaha ee dalka Maraykanku ay hubiso bal in amaankeeda iyo ammaanka odaygeeda iyo guud ahaanba qoyskeeda Maraykan joogaa uu khatar ku jiro?
Waxaa laga yaabaa in sababta cabsidan ku keentay Susan ay tahay iyada oo ogeyd in marar badan sirdoonkii Ciraaq uu dalal shisheeye ku khaarajiyey ama ka afduubay dad uu u arkayey in ay mucaarad ku yihiin jiritaankiisa. Laakiin FBI-du waxa ay Susan u sheegtay in qofka la soo xidhiidhay uu yahay Chris, oo ah sarkaal ka tirsan wakaaladda sirdoonka ee CIA.
Xafiiska FBI marka hore Susan waxa uu ka qoray magaca iyo macluumaad la xidhiidha talefanka loo soo diray, waxa aanu u sheegay in uu dib war ka soo siin doono. Kadib waxa uu la xidhiidhay maamulka sare ee FBI oo uu arrintan uu ka warsaday masuuliyiinta xarunta CIA-da ee magaalada Washington.
Susan markii loo sheegay xaqiiqada Chris, sidii ay ballantu ahayd ayaa ay dib ugu celisay talefanka waxa aanay ka cudur daaratay in aanay la kulmi karayn, sidii uu codsaday, iyada oo u sheegtay in ay mashquul ku tahay arrimo la xidhiidha daweynta hooyadeed oo xanuunsanaysa.
Intaas oo keliya ma’aha ee Susan waxa ay Chris u sheegtay in aanay filayn in ay fursad ay ku kulmaan isu heli karaan muddada dheer ee ku soo fool leh, sababtuna ay tahay hooyadeed oo Baqdaad laga keenay iyada oo aad ula sakaraad ah xanuunka Kansarka oo kaga dhacay midhicirada.
Markaas ay Susan fasaxday Chris waxa ay ahayd bishii Afaraad ee sannadkii 2002, Laakiin Chris intaas kagama uu hadhin ee marar badan oo kala duwan ayaa uu la soo hadlay, isaga oo muddo marka uu joogaba u soo dirayey talefan kale oo uu ku weydiinayo bal in ay weli heshay waqti ay ku kulmaan.
Bishii Lixaad ee sannadkaas ayaa ay Susan hooyadeed u dhimatay xanuunkii, markaas kadib oo uu Chris la soo hadlay ayaana ay ku qasbanaatay in ay aqbasho kulankan, maadaama oo aanay marmarsiinye kale haysan.
Saddex bilood ka hor markan uu Chris la soo hadlayey Susan Xaddaad ayaa madaxweyne Bush oo khudbad sannadeedkii madaxweynaha u jeedinayey golaha Kongareesku waxa uu sheegay in qabsashada uu Maraykanku qabsaday dalka Afqaanistaan aanu ahayn dhammaadkii dagaalka ka dhanka ah argagaxisada, waxa hadalladiisa ka mid ahaa, ‘In Argagaxisadu ay qorshaynayso in ay weerar Nukliyeer ah ku qaaddo dalka Maraykanka. Iyaga oo gacan ka helaya waxa uu ugu yeedahay dalalka Sharciga ka baxay, dalalkaas oo uu tusaale ahaa u soo qaatay Ciraaq’.
Bush khudbaddiisan waxa uu ugu hanjabay dalka Ciraaq oo uu sheegay in uu Maraykanku duqayn doono haddii uu fulin waayo go’aamada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ka soo saartay xakamaynta hubka Ciraaq, oo Ciraaq ay tirtiri waydo hubkiisa sida ba’an wax u gumaada.
Bilihii xigay khudbaddan, Bush waxa uu wasiirkiisii difaaca si qarsoodi ah u gaadhsiiyey amar uu ugu sheegayo in la isu diyaariyo qabsashada dalka Ciraaq, waxa aanu joogto ka dhigay in uu khudbadihiisa ku soo qaado hubka wax-gumaada ee dalka Ciraaq.
Isla waqtiyadaas ayaa uu taliyihii CIA-da oo ahaa George Tennet waxa uu isna bilaabay in uu gacanyareyaashiisa siiyo amarro joogto ah oo uu kaga dalbanayo in ay soo helaan xogo marag u noqon kara in Ciraaq ay haysato hubka wax gumaada, si uu u hordhigo madaxweyne Bush oo isagu raadinayey wax uu marmarsiinyo uga dhigto qabsashada dalka Ciraaq. Basaasiintii muhiimka ahaa ee CIA ayaa dhammaantood loo diray in ay xogo muhiim ah soo helaan, sidaa awgeed waxa ay raadsanayeen xidhiidho ay la yeeshaan xeeldheerayaashii hubka ee dalka Ciraaq, gaar ahaan saynisyahannadii xogogaalka u noqon karayey barnaamijyada Nukliyeerka ee dawladda Ciraaq.
Khubaro badan oo Ciraaqiyiin ah ayaa uu sirdoonka Maraykanku siyaabo kala duwan ula soo xidhiidhay iyaga oo dalka Ciraaq jooga, qaar badanna waxaa loo diray martiqaadyo been abuur ah oo loogu sheegayo in ay dalal Ciraaq ka baxsan kaga qaybgalaan aqoon-korodhsiyo iyo shirar muhiim ah oo cilmigooda la xidhiidha, khubaradan Ciraaqiyiinta ah kuwooda loo arko in ay ka qanceen sii joogista Ciraaq ama u dhegonugul yihiin bixitaanka waxaa loo sheegayey in dal kasta oo ay doonaan dal-ku-galkiisa loo soo dirayo, marka ay tagaanna loo fududaynayo in ay baxsadaan oo ay iska dhiibaan dalka ay hadba doonaan, haddii ay Maraykanka xiisaynayaanna in la siin doono sharciga deggenaanshiyaha.
Sababta uu sirdoonka Maraykanku ula soo xidhiidhay Susan waxa ay xidhiidh la’ lahayd mashruucaas qancinta saynisyahannada Ciraaq, waayo waxa ay walaalo yihiin mid ka mid ah saynisyahannada muhiimka ahaa ee Ciraaq.
Chris ayaa ay CIA du u xilsaartay in uu la xidhiidho Susan kuna qanciyo in ay la shaqayso, oo ka caawiso sidii ay ula xidhiidhi lahaayeen walaalkeed uguna qancin lahaayeen qorshahan ay wateen.
Susan iyo Chris waxa ay ku kulmeen maqaaxida Star Park ee ku taalla magaalada Cleveland. Susan oo sabir waa ku sugaysay waxa uu ula iman doono sarkaalkan ka tirsan CIA, ayaa waxaa kaga nixiyey warkii uu u sheegay, “Madaxweyne Bush, waxa uu qaddarinayaa in aad dawladda Maraykan ka caawiso in ay sugto amniga qarankeeda iyo in aad ka qayb qaadato dagaalka ka dhanka ah argagaxisada” waa arrin weyn oo dabcan Susan aanay filayn in ay gacan ka geysan doonto, laakiin Chris oo sida muuqata ay badheedh ka ahayd in uu halkaas warka ka bilaabaa waa uu sii waday hadalkii oo waxa uu u jilciyey sida ay gacan uga geysan karto sugidda amniga qaranka Maraykan, waxa aanu yidhi, “Waxa aad gacan ka geysan kartaa in aad xog ka soo ururiso hubka sida xun wax u gumaada ee Ciraaq” Weli warku waa uu adag yahay, waxa se uu Chris dulucda ku sii dhowaaday markii uu si toos ah diirka uga qaaday warkiisa, “Waxa aan kaa codsanaynaa in aad dalka Ciraaq ugu safarto hawlgal sirdoon oo qarsoodi ah, si aad ula kulanto walaalkaa”
Chris waxa uu Susan u tiriyey arrimaha ay socdaalkeedaas iyo kulankaas ka keeni karto waxa aana ka mid ahaa:
Kow: In aad walaalkaa ku qanciso in uu ka baxsado Ciraaq, isaga oo ka baxaya dhinaca gobalka Kurdistaan ee Ciraaq oo in badan oo ka mid ah ay markaas jabhaduhu gacanta ku hayeen, meelo badanna awoodda dawladdu ku daciif ahayd.
“Waxa aad u sheegaysaa in wakaaladda sirdoonka Maraykanka ee CIA ay ka caawinayso baxsashadaas, isla markaana ay u ballan qaadayso in ay geyso dalka Maraykanka oo weliba la siiyo magangelyo siyaasadeed iyo jinsiyadda Maraykanka” ayaa uu Chris faray Susan.
Laba: Haddii uu walaalkaa ku diido waxa aad ka codsataa in uu kuu soo dhiibo xogo la xidhiidha hubka wax gumaada iyo barnaamijka Nukliyeerka ee Ciraaq.
Dalabkaas markii ay cabbaar ka fikirtay Susan Xaddaad aakhirkii waa ay aqbashay in ay fuliso, laakiin ma’ay ahayn aqbalaad ay nafteedu aad ugu xasishay oo waxaa maskaxdeeda ku soo dhacayey su’aalo aad u tiro badan. Waxaa ka mid ahaa oo culays laabteeda ku haysay su’aasha uu damiirkeedu ku soo celcelinayey ee ahayd, “Hadda kadib ma’ waxa aad tahay basaasad u shaqaysa sirdoonka Maraykanka?”
In kasta oo ay ahayd su’aal muhiim ah oo ay tahay in ay arrintan aad uga fikirto maadaama oo ay saamayn ku yeelanayso masiirkeeda shakhsiga ah iyo qoyskeedaba. Haddana Susan waxa ay go’aansatay in ay ka dhego-adaygto dareenka taban ee uu hankeedu arrintan ka qabo, waxa aanay isku qancisay arrin aan lahayn muhiimadda ay leedahay arrinta hortaalla oo ahayd, “Booqashadan waxa aad uga faa’idaysan doontaaba in aad la soo kulanto walaalkaagii aanad arag muddada Tobanka sano ka badan”
Susan Xaddaad waxa ay Chris ku kala tageen in ay aqbashay go’aankii waxa xigaana uu yahay in laga shaqeeyo u diyaar garowgii safarkaas khatarta badan. marar badan oo dambe oo ka horreysay safarkeedii Ciraaq ayaana ay kulmeen Chris. Mararka qaarkood waxa ay ku kulmeen gurigeeda.
Sida oo kale waxa ay la kulantay farsamo yaqaanno CIA da ka socda iyo tababarayaal sirdoon si loo baro xirfadda basaasidda. Waxyaabaha la barayna waxaa ka mid ahaa sida wax loogu qoro khadka aan warqadda ka muuqan ee ay sirdoonnadu u isticmaalaan farriimaha ay isu dirayaan. Sida loo akhriyo farriimaha ku qoran khadkaas ee soo gaadha. Isticmaalka kamaradaha kala duwan ee sirdoonka oo qaarkood ay qalinka wax lagu qoro le’eg yihiin. Raad gadashada iyo qaabka ugu habboon ee si dhaqso badan uu basaasku isugu qarin karo. Waxa kale oo si fiican loogu tababaray habka ugu habboon ee ay dhaqso ugu qarin karto qalabks sirdoonka iyo wax kasta oo basaasnimo muujin kara, haddii ay sirdoonka Ciraaq ku soo kediyaan.
Susan oo ahayd dhakhtarad maskax badani kuma ay koobnaan tababarkan la siiyey ee waxa ay ku darsatay fikirkeeda iyo hal-abuurkeeda wax yaabaha ay soo kordhisay ee tababarayaasha CIA ka aqbaleenna waxaa ka mid ahaa in xogta ay hesho oo qaab xuruuf ay iyadu hadhow isu geysanayso ah ku qorto shaxda hal-xidhaalaha ah ee ay wargeysyadu qoraan si akhristuhu uu isugu geeyo xuruuf si dadban loogu sheegayo.
Mar ka mid ahayd intii ay diyaargarowga ku jirtay ayaa uu Chris weydiiyey, “Maxaa kuu damaanad ah in uu walaalkaa kula shaqayn doono, marka uu garto in aad sirdoonka Maraykanka u shaqaynayso?” Waxa aanay Susan ku jawaabtay in soddohdeed (Saygeeda hooyadii) oo Ciraaq uga timid si ay uga qaybgasho tacsida dhimashadii hooyadeed, ay ka codsan doonto bal marka ay noqoto in ay walaalkeed weydiiso in uu diyaar u yahay inuu ka jawaabo su’aalo la xidhiidha hubka Nukliyeerka ah ee Ciraaq, oo jawaabtooda ay raadinayso CIA.
Bilowgii soddohdeed arrintaas aad ayay uga baqatay, waxa ay sas ka qabtay in ay gasho sheekooyinka la xidhiidha dunida basaasidda. Laakiin markii dambe Susan ayaa dejisay, waxa aanay isla waafaqeen; In soddohdu marka ay Ciraaq ku noqoto ay Susan walaalkeed oo ay hubto in aanay cid kale maqlayn ku tidhaahdo, “Maraykanka ayaa doonaya in ay kula soo hadlaan, iyaga oo kuu soo dhex maraya Susan, si ay kaaga waraystaan arrimo la xidhiidha hubka Nukliyeerka ah ee Ciraaq. Waxaa kula soo hadli doonta Susan, waxa aanay ku weydiin doontaa; ‘Caafimaadkaagu ma fiican yahay?’ Haddii aad ku jawaabto, ‘Aad ayaa aan u fiicanahay’ waxa ay u fahmi doontaa in aad ogolaatay codsigaas ahaa in aad Maraykanka la shaqayso, sidaa awgeed waxa ay iyaduna iman doontaa Ciraaq”
Sidii ayaa uu qorshihii ku fulay oo markii Susan Xaddaad soddohdeed ku noqotay Ciraaq, ee ay tagtay gurigii Susan walaalkeed oo magaciisu ahaa Sacad, waxa ay ka codsatay in ay guriga bannaankiisa ku faqaan, iyada oo ka cabsi qabta suurtogalnimada in sirdoonka Ciraaq si qarsoodi ah guriga Sacad ugu rakibay qalabka wax lagu dhegeysto, markii ay bannaanka u baxeenna warkii ayaa ay u sheegtay.
Maalintii labaad ayaa ay Susan la hadashay walaalkeed, waxa aanay weydiisay su’aashii ahayd, ‘Caafimaadkaaga ka warran?’ Laakiin walaalkeed waxa uu ku jawaabay, ‘Haye’ halkii ay ka filaysay in uu yidhaahdo, ‘Aad ayaa aan u fiicanahay’ waa haddii uu ogolaaday la shaqaynta sirdoonak e’.
Mar labaad iyo mar saddexaad ayaa ay Susan Xaddaad isla su’aashaas ku celisay walaalkeed, si ay u hubiso in jawaabtan uu siinayaa ay tahay mid uu ka badheedhay. Jawaabta keliya ee uu siinayeyna waxa ay ahayd ‘Haye’
Susan Xaddaad waxaa u caddaatay in walaalkeed aanu diyaar u ahayn shaqada ay ka rabtay. Haddii kale uu jiro wax ka qaldan farriintii, kadib su’aashii waa ay ka gudubtay oo Sacad Xaddaad waxa ay u sheegtay in toddobaadka soo socday ay iman doonto Ciraaq si ay qoyska u soo aragto. Markanna isla jawaabtii aan caddayn ayaa uu Sacad bixiyey.
Susan Xaddaad, jawaabta aan caddayn ee walaalkeed cabsi ma’ay gelin. Isla toddobaadkii labaad waxa ay u safartay dalka Ciraaq. Markii ay maalin joogtay, maalintii xigtayba waxa ay la kulantay walaalkeed oo ay gurigiisa ku booqatay. Waxa ay markiiba dareentay in walaalkeed uu shaki aad u weyn ka qabo iyada shakhsi ahaanteeda iyo ujeedada runta ah ee booqashadaas ka dambaysayba.
Isaga oo aad dareemayso in uu la yaabban yahay ayaa aanu weydiiyey sababta keentay in ay soo noqoto iyada oo muddadaas dheer ee ay Ciraaq ka maqnayd aanay mar keliya dib ugu soo noqon. Susan Xaddaad waxa ay dareentay in walaalkeed aanu muhiimaddii ay ka filaysay siinayn. Waxa ay ka codsatay in uu shaqada fasax ka qaato si ay waqti fiican oo ay sheekaystaan isugu helaan. Mar kale waxaa Susan u qaadan waa ku noqday markii uu walaalkeed diiday in uu laba ama saddex maalmood u soo fasax qaato si ay waqti fiican isugu helaan walaashiisa aanay muddada aadka u dheer is arkin, si ay fursad isugu helaan in ay dib uga sheekaystaan waayo badan oo tan iyo carruurnimadii iyo dhalinyaronimadii soo wada qaateen iyo wararka u kala dambeeyey.
Susan waxa ay dareentay in aanu walaalkeed diyaar u ahayn in uu fahmo waxa ay ka doonayso, sidaa awgeed waxa ay go’aansatay in ay si cad ula hadasho. Habeennimadii labaad ayaa ay goor saqdhexe ah ka codsatay in uu bannaanka guriga u raaco si ay warka ugu caddayso. Sidii ayaa uu ka yeelay, laakiin markii ay xasuusisay heshiiskii ay islaanta soddohda iyada u ah ku kala yimaaddeen, Sacad Xaddaad oo ay cadho badani ka muuqato ayaa walaashii ereyo kuwii hore ka kulul waxa uu ku yidhi, “Dhib kasta oo jirtaba, In aan Ciraaq joogo oo qoyskayga dhex joogo aad ayaa aan ugu badhaadhaysnahay” Sacad Xaddaad waxa uu u sheegay walaashii Susan in aanu ahayn dadka u samaysan in ay hawlo sirdoon galaan, Ciraaq iyo Maraykan midka la doonaba ha loogu shaqeeyo ee.
Waxa uu u sheegay in uu aad ula yaaban yahay in ay basaasad u noqotay Maraykanka. isaga oo intaas ugu daray in uu aad uga cabsi qabo Sirdoonka Ciraaq oo ay suurtogal tahay in ay imikaba dabagal ku hayaan oo ay la socdeen imaanshiyaha ay Maraykan ka timid iyo in ay isaga guriga ku soo booqatay.
Sacad waxa uu walaashii u caddeeyey in aanu marnaba wax xog ah oo dalkiisa ku saabsan siin doonin Maraykanka, iskaba daa taas oo in uu la yaabban yahay in ay u shaqayso sirdoonka Maraykanka iyo in aanu jeclaysanayn in iyada oo Maraykan ka timid ay si gaar ah isaga ula faqdo, waayo waxa uu ogaa khatarta sirdoonka Ciraaq oo ay suurtogal tahay in ay isaga qudhiisa dhaqdhaqaaqiisa la socdaan.
Kulankii habeenkani waxa uu ku dhammaaday Susan Xaddaad oo si kama dambays ah ugu qanacday in aanu walaalkeed ka ogolaanayn in uu Ciraaq ka goosto.
Markaas kadib waxa ay u gudubtay qaybtii labaad ee ujeedada safareeda oo ahayd in ay hor dhigto su’aalihii uu sarkaalkii CIA da ka tirsanaa u soo dhiibay si ay u weydiiso. Waxa aanay u caddaysay in wakaaladda sirdoonka Maraykanka ee CIA ay u soo dhiibtay su’aalo ay doonayso in uu Sacad ka jawaabo oo la xidhiidha mashruuca Nukliyeerka ee dalka Ciraaq, su’aalahaas waxaa ka mid ahaa; In uu ka warbixiyo illaa heerka uu gaadhay mashruucaas Nukliyeerka ee Ciraaq? Magacyada saynisyahannada ugu magaca weyn ee ku hawlan mashruuca? Halka ay ku taallo xarunta dhexe ee barnaamijkaas saldhigga u ah?
Susan walaalkeed isaga oo yaabban ayaa uu weydiiyey, “Maraykanku marka hore xaggee ay ka keeneen xogta ay su’aalahan ku dhiseen?! Waa xog gabowday oo beri hore shaqayn lahayd laakiin aan hadda macno lahayn. Waayo Ciraaq imika ma’ laha wax barnaamij ah oo la xidhiidha samaysashada Nukliyeerka. Marbaa jirtay ay Ciraaq isku dayday in ay barnaamijkaas yeelato, markaasna waxaa lagu burburiyey dagaalkii Gacanka (Ciidamada Ciraaq lagaga saarayey Kuweyt) oo toban sano ka hor ahaa, ayaa uu u sheegay walaashii. Susan Xaddaad laftigeeda ayaa la yaabtay arrintan laba sababood awgood:
– Waa marka koowaad ee waxa ay u haystay in xogta ay CIA haysaa ay tahay xog la hubo, oo ilo aan shaki geli karin ay ka soo xigteen in Ciraaq ay waddo qorshe ay ku dhisayso barnaamij Nukliyeerka ah, marna kama ay shakiyin in taasi been noqon karto.
– Marka labaadna, Laba malamood uun ka hor markii ay ka soo safraysay Maraykanka ayaa ay maqlaysay warbaahinta Maraykanka iyo xukuumadda oo ku celcelinaya in Ciraaq uu yaallo hub Nukliyeer ahi.
Taas ayaana ahayd sababta ugu muhiimsan ee maamulkii George Bush uu ugu marmarsoonayey dagaal uu ku qaado dalka Ciraaq.
Qisadan waxaa lagu baahiyey buugga ‘Xaalad dagaal’ (State of War) ee uu qoray James Risen oo ah saxafi caank ah oo ka tirsan wargeyska New York Times, waxa aanu xogta sheekadan iyo sheekooyin kalaba ka helay ilo u dhuundaloola wakaaladda CIA.
James Risen waxa kale oo uu aad ugu soo shaac baxay war aan hore loo hayn oo uu faafiyey dabayaaqadii sannadkii 2006. Waa fadeexaddii maamulka Maraykan gilgishay kadib markii uu fashiliyey in dawladdu ay dhegeysato talefannada muwaadiniinta Maraykanka iyada oo ugu marmarsoonaysa la dagaallanka argagaxisada. Waxa uu caddeeyey in madaxweyne Bush weerarradii 11 Sabtembar kadib, uu wakaaladda Amniga Qaranka ee NSA u adeegsaday in ay dhegeysato talefannada muwaadiniinta.
Wakaaladdan oo lagu tilmaamo in ay ka sir badan tahay wakaaladda CIA ayaa hore ugu hawlanayd dhegeysiga talefannada, dhexgalka kombiyuutarrada iyo farriimaha Faakiska la isugu diro ee laakiin ka baxsan dalka Maraykanka.
Waxa kale oo uu James Risen fashiliyey in uu xogtan helay dabayaaqadii sannadkii 2004, kadibna uu la xidhiidhay Guriga Cad ee Maraykanka si uu xogo dheeraad ah u weydiiyo, laakiin guriga cad uu amray in aanu xogtaas faafin, isaga oo ku sababaynaya in ay khatargelinayso amniga Qaranka. Waxa uu saxafigu sheegay in madaxweyne Bush laftiisu mar uu la kulmay tifatiraha wargeyska New York Times uu ka dalbaday in aan warkaas la faafin, tifatiruhuna uu arrintaas ka aqbalay.
Laakiin hal sano kadib uu tifatirihii arkay in duruuftii isbeddeshay, oo uu xaalku marayey in tiro kala badh ka badan oo dadka Maraykan ahi ay ka soo horjeeddo weerarkii Ciraaq, hoosna ay u dhacday shacbiyaddii Bush, markaas ayaanu warkii faafiyey isaga oo weliba ku qoray magaca saxafiga marka hore xogta helay oo ahaa James Risen.
Saxafigu waxa uu buuggan ku sheegay xogo badan oo arrintan la xidhiidha iyo eedaymo lagu tilmaamay in xukuumadda madaxweyne Bush ay ka dhigayaan tii ugu basaasidda iyo sirta badnayd taariikhda Maraykanka. Buuggu waxa uu sheegay in Ciraaq ay mar heshay qayb ka mid ah tiknoolajiyadda samaynta hubka sida ba’an wax u gumaada, oo weliba dawladda Maraykanka lafteedu ay markaas siisay, xilligii uu aadka u fiicnaa xidhiidhka Maraykanka iyo Saddaam Xuseen.
Waqtigaas oo ahaa sannadkii 1982-kii waxaa safar arrintaas la xidhiidha Maraykanka ku tegey Sacad Tawfiiq oo ahaa caalimkii Nukliyeerka ee Ciraaq, dabadiina waxaa tegey Saynisyahankii weynaa ee Jacfar Diyaa’ oo ay wada shaqaynayeen Sacad, khubaro kale oo badan ayaa iyaguna yimid xilliyadaas, dhammaantoodna waxa ay Ciraaq ku noqdeen iyaga oo sida xogo tiknoolajiyadeed oo la xidhiidha samaysashada hubka Nukliyeerka.
Waqtigaas Maraykanku waa ay ogolaayeen in barnaamijkaas ay Ciraaq yeelato, laakiin waxa ay ka soo horjeesteen markii uu xumaaday xidhiidhkii labada dhinac. Waxa aanu Maraykanku bilaabay in uu soo qodo xogihii la xidhiidhay Nukliyeerka Ciraaq ee uu hore u hayey, isla markaana ku andacoodo in Ciraaq ay ku hawlantay samaysashada hubkan.
Waxaa jira dareen laga qabo in Maraykanku maadaama oo uu xogogaal u ahaa barnaamijkan Nukliyeerka ee Ciraaq, xogta tiknoolajiyadeed ee uu Ciraaq siiyeyna ogaa, isla markaana si fiican u garanayey khubarada reer Ciraaq ee markaas ku hawlanaa in uu u fahmay in Ciraaq ay la’aantii horumar badan ka samaysay barnaamijkan Nukliyeerka. Laakiin waxaa la xaqiiyey in khubarada reer ciraaq ee uu la xidhiidhay oo ay ka mid ahaayeen kuwii hore uu isagu u tababaray ee uu ku jiray Sacad Tawfiiq in ay dhammaantood u xaqiijiyeen in aanu barnaamijkaasi imika jirin.
Xaqiiqada ay Susan kala soo noqotay walaalkeed iyo xogtaas hore u diidanayd in Ciraaq ay hub khatar ah haysataa waxba kama ay beddelin go’aankii Bush iyo saaxiibbadiisa garabka ‘Jamhuuriyiinta cusub’ ee xisbiga Jamhuuriga oo ay ka go’nayd in Ciraaq la burburiyo.
(Buugga: Spies war)
Waxaa Soo Turjumay Kamaal A.Cali