|

Qisadii Shirqoolkii Afganbi ee Dhicisoobay ee Turkiga Ka Dhacay,Xogo Ku Siinaya Faham Buuxa Iyo Go’aan Qaadasho Waa Qallinkii Kamaal A.Cali

Hargaysa 22.July 2016 (SDN/QJ):- Habeennimadii Sabtidu soo gelaysay ee 15kii Julaay 2016ka, xilli goor sheegtu ku beegantahay 9.30 fiidnimo ee Turkiga iyo Bariga Afrika, dadka Turkiga iyo dadyowga Muslimiinta ah ee duniduna ay soo dhammaysteen maalin fasax ah, ayaa waxa mar keliya lagu soo naxay, war degdeg ah oo ku soo dhacay talefishanka TNV ee dalka Turkiga, oo sheegaya in cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida oo wata gaadiid dagaal ay xidheen labada biriish ee Bosfurus (Bosphorus) ee isaga gudba badda Madow iyo badda Marmara, magaalada Istanbul daanteeda ku taalla qaaradda Eeshiyana ku xidha daanteeda Yurub xadkeeda ku jirta.

 

gettyimages-576531214Fahmi waagii warkan iyo su’aalo daqiiqado yar jawaab loo la’aa kadib waxaa soo dhacay warkii mid ka daran, warbaahinta oo dhan ayaa soo tebinaysa in diyaaradaha qummaatiga u kaca ee ciidamadu ay dul heehaabayaan xarunta sirdoonka qaranka iyo dhismaha taliska guud ee ciidamada  qalabka sida, haddana taliyihii guud ee ciidamada qalabka sida Khaluusi Aakaar ayaa xarunta taliska guud ay ka kaxaysteen ciidamo aan la garanayn, oo meel aan la garanayn geystay. Ma noolyahay mise waa la dilay? Labadaba warbaahintu waa ay sheegaystay.

Diyaarad kuwa dagaalka ka mid ah ayaa bambo ku tuurtay qasrigii madaxtooyada. Isbeddel xawaaraha dabaysha ku socda ayaa ilbidhiqsi kasta soo kordhayey, raysalwasaarii dalka Bin Cali Yelderiim ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dalka uu Iskuday Afgembi ka dhacay, oo la fashiliyey xukuumadduna talada dalka boqolkiiba 90 gacanta ku hayso. Waa dood hor leh; Intii afgembiga la jirtay gudo iyo dibadba waxa ay warka raysalwasaaraha ka qaateen in xaalku faraha ka baxay, haddii xukuumaddu sidaa uu raysalwasaaruhu sheegay awooddii dalka hayso, muxuu isagu toos ugu hadli waayey? Madaxweynihii dhiirranaa ee Rajab Dayib Erdogan mee? Ayaa shaashadaha ka yeedhay. Intii afgembiga diiddanayd warka raysalwasaaruhu waa uu galay, laakiin weli su’aalo badan ayaa ay qabeen, waxa aanay garawsanaayeen in boqolkiiba 10 ka uu qiray in farahooda ay ka maqan tahay ay soo celintoodu ka dhib badan yihiin 90 ka ay xukuumaddiisu hayso.

Maxaa jimcihii ka dhacay Turkiga?

Ciidamadii afgembiga ayaa gudaha u galay xarunta talefishanka dawladda, waxa aanay saxafiyaddii fadhiday ku qasbeen in ay akhrido Warmurtiyeedka caanka ku ah “WARMURTIYEEDKA KOOWAAD” ee ay ciidamadu soo saaraan xilliga ay talada dalalka afgembiyaan, tirada Kow ee la siiyeyna waxa ay astaan u tahay in tirsigii hore ee xukuumaddu hadda ka hor ku soo socotay halkaa ku joogsaday oo kani kow u yahay, nidaam cusub.

Wariyaha ayaa loo dhiibay War-murtiyeedkan oo marka la eego sida nidaamsan iyo tayadiisa laga garanayo in uu hore u sii diyaarsanaa, waxa aana la faray in ay qasab ku akhrido.

Ciidamada qalabka sida ee dalka Turkiga, oo curiye aasaase ah u ah jamhuuriyadda, isla markaana haya amaanada hoggaamiyihii weynaa ee Ata-Turk, iyaga oo ka duulaya hal-ku-dheggooda ah, ‘Dalka oo Nabad ah, dunida oo nabad ah’ waxa ay soo saareen war-murtiyeedkan; laga bilaabo saddexdii galabnimo ee …. Bishan Julaay (Lama sheegin taariikhda) waxa ay la wareegeen taladii dalka, si ay u dhisaan xidhiidho iskaashi oo si sidii hadda jirtay ka xoog badan, oo uu dalku la yeesho ururrada iyo beesha caalamka, si nabad iyo xasilooni dunida looga dhaqangeliyo”

Intaa kadib kooxda afgembigu waa ay qoraalkoodan ku sheegeen in ciidamada qalabka sidaa ay hadda kadib gacanta ku haynayaan amniga, xasiloonida iyo barwaaqaynta shacabka Turkiga, dibna u soo celinayaan kaalintii caalamiga ahayd ee ay dawladdoodu dunida ku lahaan jirtay. Waxa ay dammaanad qaadeen in ay dib u soo celinayaan dawladdii Calmaaniga ahayd, ee dimuqraadiyga, ahayd shacabka iyo qanuunkana ku dhisnayd.

Intaas kadib war-murtiyeedka Koowaad ee talefishanka laga akhriyey waxa ay ciidamadu ku sheegeen in hadda laga bilaabo lagu dhawaaqay xaalad degdeg ah oo dalka oo dhan laga dhaqangelinayo, “Isla daqiiqaddan laga bilaabo, waxaa lagu dhawaaqayaa xaalad degdeg ah oo dalka daafihiisa oo dhan ka dhaqan gelaysa. Sidoo kale illaa amar dambe waxaa dalka lagu soo rogay bandoo” ayaa lagu yidhi.

Intaas kadib waxaa warmurtiyeedka lagu soo gabagabeeyey, liiska magacyo dad ay ciidamadu sheegeen in ay u magacaabeen in ay xaaladda degdegga ah hoggaamiyaan, goballada iyo degmooyinkana iyagu maamulaan. Waxa aana lagu soo koobay in guddida xaaladda degdegga ahi ay isla markaasba hawlaheeda bilaabayso.

Ninkii u digay madaxweyne Erdogan:

Madaxweynaha dalka Turkigu maalintan waxa uu fasax nasasho ah ku joogay xeebta bariga fog ah ee dalka Turkiga, Janaraal Dawndaar oo ahaa taliyaha ciidamada Koowaad ee dalka turkiga ayaa loo tirinayaa in uu ahaa ninka tiirka koowaad u siibay kooxdii afgembiga wadday.

Isla habeennimadii Jimce ee hawshani dhacaysay ayaa uu talefan u diray madaxweye Rajab Dayib Erdogaan, waxa aanu uga warramay in uu bilowday dhaqdhaqaaq afgembi, tallaabada koowaad ee ay tahay in uu qaadaana ay tahay in uu beddelo halka uu haddadaa uu la hadlayo ku sugan yahay.

Janaraal Umiit Dawndaar oo dhashay sannadkii 1955kii waxa uu ka soo jeedaa qoys muslim sunniya ah, waana aabe laba carruur ah dhalay. Tan iyo markii uu dugsiga dhammaystay waxa uu ku soo dhex jiray ciidamada qalabka sida, waa Injineer milateri oo kulliyadda dagaalka ee Turkiga ka qalin jebiyey sannadkii 1975kii, mar labaad ayaanu haddana ku noqday oo uu ka soo qalinjebiyey sannadkii 1985kii.

screen shot 2016-07-15 at 2.31.56 pmWaxa uu soo noqday taliyaha qaybta makaanikada ee taliska guud iyo maamulka Loojistikada ee ciidamada dabaabadaha, waxa uu u wareegay ciidamada berriga, waxa uu noqday xoghayaha xoghaynta guud ee ciidamada, waxa uu noqday xubin ka tirsan haayadda sare ee qorshaynta Istaraatijiyadeed ee ciidamada qalabka sida. Sidoo kale waxa uu soo maray qaybta farsamada ee ciidamada badda, kadib waxaa loo beddelay xoghayaha difaaca ee safaaradda dalkiisu ku lahaa Loondon, waa uu soo noqday oo loo magacaabay xubin ka mid ah qaybta qorshaynta iyo maamulka hawlgallada hubaysan, waxa uu noqday taliyaha ciidadmada ilaalada xuduudaha. Waxaa la dallacsiiyey sannadkii 2001da waxa aana loo wareejiyey dhinaca ciidamada NATO. Kadib waxa uu darajooyin iyo xilal sare qaatay sannadihii 2005, 2009, 2011 iyo 2013kii oo uu noqday Janaraal taliye u ah ciidamada Saddexaad ee Turkiga. Sannadkii hore ee 2015kana waxa uu noqday taliyaha guud ee ciidamada Koowaad ee dalka Turkiga, xilkaas oo uu hayey illaa jimcihii markii si ku meelgaadh ah loogu magacaabay taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, xilligii afgembigu socday kadib markii taliyihii guud la qafaashay.

Umiit Dawndaar hal saac ka hor bilowgii hawlgalka afgembiga, ayaa sida uu ku warramay Wargeyska Xorriyeet ee dalka Turkigu waxa uu la xidhiidhay madaxweyne Erdogaan, si uu ugu sheego waxa la damacsan yahay, ugana digo qorshaha koowaad ee kooxda afgembiga oo ahaa in ay xoog ku galaan hudheelka uu madaxweynuhu deggen yahay si ay u qabtaan ama u dilaan.

“Waxa aad tahay madaxweynahayagii sharciga ahaa, aniguna adiga Ayaan ku garab taaganahay. Waxaa dalka ka socda qorshe afgembi oo aad u ballaadhan, xaaladduna durba faraha ayaa ay ka sii baxaysaa magaalada Ankara (Caasimadda). Kaalay magaalada Istanbul, aniga ayaa sugaya ammaankaaga, ammaanka jidka aad marayso iyo halka aad degeyso” ayaa uu Janaraal Umiit Dawndaar talefanka kaga yidhi madaxweyne Erdogan oo fasaxiisii ku qaadanaya goobta lagu raaxaysto ee Marmariis.

Madaxweyne Erdogan isla markiiba sidii uu Janaraalku faray ayaa uu yeelay, waxa aanay xaqiiqda warka Umiit Dawndaar muuqatay markii isaga oo hal saac oo keliya ka sii maqan hudheelka ay ciidamada afgembigu xoog ku galeen si ay u soo xidhaan ama u khaarajiyaan, laakiin waxa ay ahayd goor uu Erdogan u ambabaxay Istanbul.

Madaxweyne Erdogan isla markiiba sidii uu Janaraalku faray ayaa uu yeelay, waxa uu goobtii kaga soo duulay diyaarad rayid ah oo loo diyaariyey. Xaqiiqda warka Umiit Dawndaar waxa ay sida dharaarta u caddaatay muddo saacad ka yar gudaheed, markii uu Erdogan ka baxay hudheelka.

44 Daqiiqo oo keliya markii uu madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ka sii maqnaa hudheelka nasashada ee uu deggenaa markii farriinta Janaraal Dawndaar u timid, waxaa goobtii yimid ciidamo wata laba ka mid ah diyaaradaha qummaatiga u kaca oo amarka ay qabaan uu yahay in ay Madaxweynaha soo qabtaan nolol ama maydkiisa ka soo tallaabsadaan, laakiin nasiibkoodu waxa uu goobtii geeyey goor uu Erdogan Istanbuul hawadeeda galay.

Wakaaladda wararka ee Turkiga ayaa xaqiijisay in diyaaradahan kuwa Qummaatiga u kaca ahi ay rasaas toos ah la beegsadeen hudheelka uu deggenaa Erdogan ee ku yaalla galbeedka fog ee dalka, muddo ayaa ay diyaaraduhu goobta dul heehaabayeen si ay u hubiyaan in aanay cidi qarsoodi u baxsan, kadib mid ka mid ah ayaa inta ay dhulka u soo degtay waxaa ka soo daatay 15 ah rag afka duubtay oo si aad ah ugu hubaysan noocyada kala duwan ee hubka daran-doorriga u dhaca, hudheelka ayaa ay dhan walba ka istaageen.

Bilowgii waxaa isku dhac aan waqti badan qaadanin dhex maray ciidamadii diyaaradda ka soo degey iyo rag booliiska ka tirsan oo goobta amnigeeda sugayey, laakiin waxaa khasaare loo geystay booliiska oo laga gacan sarreeyey. Madaxweyne Erdogan oo sida muuqata diyaaradda dhexdeeda loogu soo sheegay in hudheelkii uu hadda ka soo baxay loo weydaartay ayaa arrintan lafteeda ka hadlay isla markii uu ka soo degey diyaaradda, gegida diyaaradaha ee Istanbul.

Isla saacaddaas ayaa diyaarado kale oo aan tiradooda la cayimin ay garaaceen qasriga madaxtooyada dalka Turkiga ee magaalada Ankara waxa aana la arkayey qiiq iyo uuro kor u kacday. Sida muuqata diyaaradda qasriga Ankara garaacday waxa ay weli raadinaysay madaxweyne Ergodan oo ay markaas kooxaha Inqilaabku xaqiiqsadeen in uu ka baxay hudheelkii Marmara, in halka uu madaxweynuhu saacaddaa ku sugan yahay aanay ogaaninna waxa ay khatar ku ahayd qorshaha afgembiga oo dhan.

Dareenka ka dhashay raad-gurkii uu maxad Maraykan ahi ku sameeyey diyaaradda Erdogan:

Maxadka Maraykanka ee Saadaasha Istaraatijiga ah, Strategic Forecasting oo magaciisa loo soo gaabiyo Stratfor waa xarun soo saarta warbixinaha iyo daraasaadka sirdoonka oo fadhigeedu yahay gobalka Texas ee dalka Maraykanka, waxa aana ka tirsan ama la shaqeeya xeeldheerayaal milateri iyo waayo-arag arrimaha sirdoonka ee caalamiga ah muddo ku soo lug lahaa oo u dhashay dalka Maraykanka.

Warbaahinta Maraykanka iyo dadka wax ka qora maxadkanina waxa ay inta badan ku naanaysaan, ‘CIA da hadhka ku jirta, ama CIA da gaarka loo leeyahay’ iyaga oo ugu duurxulaya xaqiiqada hawlaha sirdoon ee ay xaruntani hayso iyo sida ay waabayda uga qaataan inta badan ee haayadaha sirdoonka ku shaqada leh ee dalka Maraykanku.

Haddaba arrinta yaabka iyo afkala qaadka ku noqotay dalka Turkiga iyo in badan oo dunida ka mid ah ayaa ahayd markii Maxadkan Stratfor uu si rasmi ah boggiisa Twitter ka ugu faafiyey xogo aad xasaasi u ah oo la xidhiidha safarkii uu madaxweyne Ergodan kaga soo firxaday Marmaris ee uu ku yimid madaarka Ataturk ee magaalada Istanbul.

Xilli iskudayga afgembigu halkii ugu sarraysay marayo, guulna haab-haabanayo, isla markaana hoggaamiyeyaashii afgembiga oo ogaaday in ciidamadoodii tegey Marmaris ay waayeen Erdogan oo hortood baxay, sidaa awgeedna laba diyaaradood oo nooca F-16 ka ah ay hawada geliyeen si ay u raad-goobaan Erdogan, oo aanay sida muuqata weli ogeyn in diyaaradda uu ku baxsaday ay tahay diyaarad rayid ah, ayaa uu maxadka Stratfor waxa uu boggiissa barkulanka bulshada ee Twitter ka ku qoray, in Erdogan uu diyaarad rayid ah ku safrayo. Intaas kuma uu joogsan ee xarunta STRAT FOR waa ay boggeeda ku qortay war kaa ka sii xasaasisan oo sheegaya halka ay markaas diyaaradda Erdogan ku sugnayd, “Raad-goobidda diyaaradda madaxweynaha Turkiga Erdogan, hadda waxa ay dul haadaysaa badda Marmara” ayaa uu maxadku faafiyey, taas oo dad badani u fahmeen farriin toos ah oo haddii uu ula badheedhay iyo haddii kalaba ay ka faa’idaysanayeen kooxda afgembigu.

Waana ay u muuqataa in ay ka faa’idaysteen, oo sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyey masuul sare oo Turki ahi, diyaaradda uu madaxweynuhu saarnaa waxa ay la kulantay iskuday hor-istaagid ah oo ay ku sameynayeen labada diyaaradood oo kuwa F-16 ka loo yaqaanno ahi, laakiin ay diyaaraddu faraha ciddidood kaga baxsatay kana horgashay hawada Istanbul oo dabcan ay markan maamulayeen ragga Janaraal Dawndaar. Masuul sare oo kale oo Turki ah ayaa isna Reuters u sheegay in diyaaradda madaxweynaha ay dhibaato soo gaadhay, in kasta oo aanu faahfaahin.

Qoraalo kale oo uu maxadka Stratfro faafiyey ayaa ay dad badani u fahmeen in uu ahaa farriin qalbi qaboojin ah oo ku qancinaysay dadka Turkiga, dalalka Carabta iyo guud ahaan dalalka laga yaabo in ay ka soo horjeedaan waxa Turkiga ka socday, in ay aqbalaan afgembiga, in kasta oo aan la xaqiijin karin in maxadku uu farriintiisan u jeedinayey ciddaa aynu xusnay, haddana waxa ay ahayd mid macnahaas bixinaysa, waxa aana ka mid ahaa qoraal uu maxadku si dadban ugu sheegayo in afgembiga oo guulaysta ay dan u tahay ammaanka dunida, in uu fashilmaana ay dhibaato weyn gaadhsiin doonto dagaalka lagula jiro ururka DAACISH isla markaana daciifin doonto awoodda milateri ee dalka Turkiga.

Saaxiibkii labaad ee maalinta adag:

Haakaan Faydaan waa taliyaha guud ee sirdoonka qaranka Turkiga, waa saaxiib aan aad loo fahmin oo ku dhow madaxweyne Erdogan, waxa aanay horeba warbaahinta iyo dadka Turkigu ugu bixiyeen naanayso badan oo dhammaantood muujinayey xidhiidhka adag ee uu la’ leeyahay Erdogan, waxaa ka mid ahaa, “Waardiyaha Sirta Erdogan” .. “Daljirka Daahsoon” .. “Dacowga Turkiga” .. “Gacanta birta ah ee Erdogan” .. “Jeedalka Erdogan” iyo sida mararka qaarkood ay dadka Turkigu ku xaman jireen, “Mindida” magacyadaas oo kii la qaataaba run noqonayo marka lagu eego go’aanka uu ka qaatay afgembiga iyo daacadnimadii uu ku garab istaagay madaxweyne Rajab Dayib Erdogan.

Haddii uu Janaraal Dawndaar ahaa ninka badbaadiyey nolosha Erdogan, ee sababta u ahaa in uu daqiiqado yar ku weydaarto ciidankii ku dili lahaa Marmaaris, Janaraal Haakaan isagu waxa uu noqonayaa ninka badbaadiyey kursiga Erdogan. Isaga ayaa lahaa fikirka ahaa in uu madaxweyne Erdogan toos ula hadlo shacabka Turkiga.

 

Haakaan Faydaan waxa uu sannadkii 1968kii ku dhashay magaalada Caasimadda ah ee Ankara, waxa uu ka baxay akademiyadda dagaalka dhulka sannadkii 1986kii, xilli uu hawlo dawladdiisu leedahay u joogay dalka Maraykanka waxa uu uga faa’idaystay in uu shahaadada Koowaad ee Jaamacadda (Bachelor) oo cilmiga siyaasadda iyo maaraynta ah ka qaato jaamacadda Maryland. Intii u dhexeysay sannadihii 1986kii illaa 2001dii waxa uu ka shaqaynayey Cutubyada fal-celinta degdegga ah ee Isbahaysiga NATO, sidoo kale waxa uu la soo shaqeeyey NATO Laanteeda ururinta xogaha degdegga ah oo xarunteedu tahay dalka Jarmalka.

Jaamacadda Bilkent ee dalka Turkiga ayaa uu ka qaatay shahaadada Labaad (Masters) oo cilmiga xidhiidhka caalamiga ah, sannadkii 2006dana isla jaamacaddan ayaa uu ka diyaariyey shahaadada sare ee PhD-da. Isaga oo weli waxbarashadii sii wadana waxa uu daraasado sare oo kala duwan ka qaatay maxaddo iyo haayado waxbarasho oo uu ka mid yahay maxadka Qaramada Midoobey ee daraasaadka hub-ka-dhigista.

Haakaan shaqooyinka ka baxsan milateriga iyo sirdoonke ee uu soo qabtay waxaa ka mid ah, la taliyaha dhaqaalaha iyo siyaasadda ee safaaradda Turkigu ku leeyahay Ustareeliya, sannadkii 2003dii oo uu madax ka noqday haayadda horumarinta iyo Iskaashiga ee Turkiga, la-taliyaa wasiirka arrimaha dibadda ee arrimaha amniga caalamiga ah iyo siyaasadda dibadda, la-taliyaha raysalwasaaraha iyo markii dambe oo sannadkii 2007da loo doortay xubin ka tirsan golaha fulinta ee Wakaaladda Tamarta Atoomikada ee caalamiga ah.

Sirdoonka Turkiga:

Haakaan sannadkii 2009kii ayaa uu madaxweyne Erdogan u magacaabay ku xigeenka taliyaha guud ee sirdoonka Turkiga oo lagu magacaabo Mit. Sannad kadibna waxaa hawlgab noqday oo shaqada ka fadhiistay taliyihiisii Emiirih Aniir, isaga oo markaas ay da’diisu ahayd 42 sano ayaa aanu madaxweyne Erdogan u dallacsiiyey taliyaha guud ee sirdoonka.

Maraykanka iyo Israa’iil waa ay ka biyo diiday in uu sirdoonka hoggaamiyo:

Magacaabista uu Hakaan Faydaan kula wareegay sirdoonka Turkigu waxa ay si aad ah uga cadhaysiisay Israa’iil iyo Maraykanka, oo xasuusnaa sida adag ee uu Haakaan uga soo horjeeday qaabka uu ahaa iskaashiga uu sirdoonka Turkigu la lahaa wakaaladda sirdoonka Israa’iil ee MOSSAD, kaas oo uu u arkayey in dalkiisa lagu dullaystay. Xidhiidhka sirdoonka Turkiga ee Mit iyo MOSSAD waa uu soo jiray tan iyo sannadkii 1958kii, waxa se uu halkii ugu sarreeyey gaadhay bilowgii sagaashamaadkii, oo uu noqday waxa lagu magacaabo Iskaashi Istaraatijiyadeed, heshiisyadii ay markaas labada dhinac wada galeenna waxa ay MOSSAD fursad u siiyeen in ay si fiican basaasiinteedu uga dhex shaqaysan karaan gudaha Turkiga. Arrintaas iyo guud ahaan qaabka wada shaqayntoodu u taallay oo aanu Haakaan qarsan jirin sida aanu uga raallida ahayn xaalkaas. Laakiin Israa’iil bilowgii arrintaas muhiimad ma’ay siinin oo waxa ay ku ekaatay in ay labada dhan u dhaafto Haakaan. Dhinaca sare oo ay taliyihiisa la shaqaynaysay iyo dhinaca hoose oo ay si toos ah ula shaqaynaysay saraakiisha sirdoonka ee ka hooseeya. Bilowgii markii isaga xilka loo magacaabayna hab-dhaqankaas ayaa ay sii wadday oo ragga ay aaminsanayd ee ka hooseeya ayuun baa ay la shaqaynaysay.

Madaxweynaha Turkiga Rajeb Dayib Erdogan dheg uma dhigin cabashooyin si toos ah iyo si dadbanba ay Israa’iil uga muujisay magacaabista Haakaan Feydaan, iyaga oo cudur daar ka dhiganayey in Haakaan uu ka qaybgeli jiray wada hadalladii sirta ahaa ee la xidhiidhay Hubka Nukliyeerka ee Iiraan, xilligaas oo uu ka tirsanaa wakaaladda Atoomikada ee caalamiga ah, sidoo kalana uu qayb ka ahaa wada hadalladii aan tooska ahayn, qarsoodiga u dhex mari jiray Israa’iil iyo Suuriya, kuwaas oo uu Turkigu waday mar uu doonayey in uu labada dhinac heshiisiiyo.

Israa’iliyiintu waxa ay ku doodayeen in waayo-aragnimadaa ay u leeyihiin Haakaan ay ka soo arkeen in uu yahay nin kalgacal badan u haya Iiraan.

Bilawgii hore ee xilkan taliyaha guud loo magacaabay Haakaan Israa’iil waxa ay u haysatay in uu u shaqayn doono fikirkaas ahaa in shakhsiga diiddan iyaga uun dhinac laga dhaafo oo canaasiir adag iyo saaxiibbo daacad ah lagu dhex yeesho kuwa awoodda badan laakiin darajo ahaan ka hooseeya, waana habka ay Israa’iil kula shaqayso dalal badan oo dunida ah oo u badan kuwa muslimka. Aaminsanaanta Israa’iil ee ahayd in uu fikirkaasi shaqaynayo ayaana sabab u ahayd in Ehud Olmert, raysalwasaarihii hore ee Israa’iil oo markiii Haakaan la magacaabay ahaa wasiirka difaaca, mar wax laga weydiiyey uu ereyo aflagaado u dhow ku tuuray, “Waxa aanu ka baqanaynaa in taliyaha sirdoonka Turkiga ee cusubi uu xogta aanu is weydaarsanno u gudbiyo Iiraan. Sir badan oo aanu leennahay ayaa uu ogyahay, waxa aana warwar nagu haya dareenka aanu ka qabno ee ah in ay suurtogal tahay in uu sirahaas daalacsiiyo Iiraan”

Israa’iil iyo Maraykanku waxa ay bilowgii u haysteen in cadaadis noocan ah iyo cabashadan tooska ah oo ay ka gudbiyaan Haakaan ay madaxweyne Erdogan ku qasbi doonto in uu xilka kala noqdo, laakiin sidaas ma’ay noqon. Eedihii reer galbeedkuna waa ay sii socdeen oo xitaa waa kii wargeyska Wall Street Journal uu sannadkii 2012kii qoray warbixintii uu ku soo daray, “Faydaan waxa uu Iiraan ka caawiyey in ay dabagal ku samayso oo ay khaarajiso shabakad basaasiin ah oo ay MOSSAD ku lahayd gudaha dalka Iiraan” Mar kale warbaahinta Turkiga ee u jan-jeedhay dhinaca reer galbeedka ayaa qortay in Haakaan Faydaan uu Iiraan u gudbiyo xogo xasaasi ah oo ay Israa’iil iyo Mararykanku sannadkii 2010kii ka ururiyeen dalka Iiraan.

Dagaalka Israa’iil iyo Maraykanka oo ay wehelinayaan xulafadiisa reer galbeed waa uu sii socday oo sannadkii 2015kii, wargeysyo reer galbeed ah ayaa faafiyey maqaallo taaxane ahaa oo aragti taban ka bixinaya kaalinta uu Turkigu ku leeyahay guud ahaan gobalka uu ku yaallo ee Bariga Dhexe. Warbixinahaas iyo maqaalladaas oo qaarkood ilo ah sirdoonnada reer galbeedka iyo Israa’iil laga soo xiganayey waxaa inta badan lagu dhex arkayey magaca Haakaan Feydaan oo ku soo noqnoqonaya, kuna xidhiidhinaya arrimahaas Turkiga lagu eedeynayey. Qaarkoodna waxa ay ku eedeeyeen in uu suurtogeliyey xidhiidh dhex mara Islaamiyiinta xagjirka ah ee Suuriya ka dagaallanta iyo turkiga, isla markaana uu ka shaqeeyey qorshayaal ururradaas awooddooda aad u kordhiyey. Waxa kale oo ay sheegeen in basaasiin Israa’iil leedahay oo Turkiga uu qarsoodi ugu qabtay uu u gudbiyey dalka Iiraan.

Waa suurtogal in Haakaan Feydaan qudhiisuna colaadda reer galbeedka iyo Israa’iil mid la mid ah qaatay oo dhinaciisa uu dagaalka ka waday, warbixinno ay faafiyeen qaar ka mid ah shabakadaha wararka ee Turkigana waxaa lagu sheegay in Haakaan uu dagaal basaasnimo oo bahalnimo ah ku qaaday sirdoonka Maraykanka ee CIA. Masuuliyiin Maraykan ah ayaa iyaguna qiray in labada dhinac kalsooni darro ka jirto oo ay isbasaasaan, waa MIT iyo CIA qudhooduna warbaahinta u sheegay in, “Maraykanku uu basaasay Turkiga, sirdoonka Turkiguna uu dhankiisa isna ol’ole basaasnimo oo jawaab ah, balse aad u kulul ku qaadeen wakaaladda sirdoonka Maraykanka ee CIA” La soco…

Comments are closed