Qisada Ragga Sucuudiga u Dhashay ee Lagu Deldelay Dalka Yaman
Cadan 14. July 2017 (SDN/QJ):- Warbaahinta ay gacanta ku hayso Kooxda xuutiyiinta ee Reer Yaman ayaa waxa ay baahisay in afar nin oo u dhashay Boqortooyada Sucuudiga kana tirsana shabakada Alqaacida lagu fuliyey dil toogasho ah oo ay hore maxkamadi ugu xukuntay ka dib markii lagu eedeeyey inay dileen 14 askari oo ka tirsan Millateriga yaman sanadkii 2014.
Wakaalada wararka ee Routers oo soo xiganaysay warbaahinta xuutiyiinta ayaa sheegtay in afartan nin lagu eedeeyey inay fuliyeen mid ka mid ahaa weeraradii ugu xumaa ee ay 2014 dalka yaman ka fulisay garabka jasiirada carabta ee shabakada Alqaacida, waana hawlgal dhacay ka hor intii aanay Yaman ku dhicin marxalada maamul dhexe ka maqnaanshaha ah.
Dalallka xulafada khaliijka oo gacan siinaya xukuumada Cabdo Rabo Mansuur haadi ayaa xiligan qayb ka ah dagaalka yaman oo sababay dhimashada 10 kun oo qof, sidoo kalena ay ku barokaceen in ka badan 3 milion oo ruux.