Qisada Ninkii Mahdiga Sheegtay ee Ciidankiisu Xaramka qabsadeen iyo Dagaalkii lagaga xoreeyey Waa Qallinkii kamaal A. Cal
Riyadh 15.Dec 2015 (SDN/QJ):-Juhaymaan Bin Muxammed Bin Sayf Al Cutaybii, waxa uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada ilaalada qaranka ee dalka Sucuudiga oo uu ka mid ahaa muddo 18 sano ah, muddadaas oo uu mar ka mid ahaa ilaalada boqorkii dhowaan geeriyooday ee dalka Sucuudiga boqor Cabdalla bin Cabdalcasiis, oo xilligaas aan boqor ahayn balse xilal sare dowladda ka hayey. Dhinaca kalana waxa uu ahaa aqoonyahan Jaamacadda Makah Al-Mukarramaha ee Islaamiga ah ka bartay cilmiga Falsafadda Diiniga ah, kadibna shahaadada darajada labaad ka qaatay Jaamacadda Islaamiga ah ee Al-Madiinaha Al-Munawaraha.
Intii uu joogay magaalada Barakaysan ee Maddiinah Juhaymaan waxa ay is barteen nin lagu magacaabo Muxammed Bin Cabdillaahi Al-Qaxdaani oo ka mid ahaa ardayda Sheekhii Weynaa ee Cabdalcasiis Bin Baas (Alle ha u naxariisto). Xidhiidh adag ayaa labadan nin dhex maray, gaar ahaan waxa sabab u ahaa in ay aad isugu sii dhowaadaan arrimo badan oo ay isku aragti ka ahaayeen iyo caqiido xag-jir ah oo midaysay. Waxa ay si aad ah uga midaysnaayeen gaalaysiinta dowladda, iyo guud ahaan bulshada, arrintaas oo keentay in ay bulshada ka faquuqmaan, iskana ilaaliyaan macaamilka madaniga ah ee dunida casriga ah ku badan, sida Idaacadaha, talefishannada iyo guud ahaanba warbaahinta.
Saaxiibtinimadii Maxamed Al-Qaxdaani iyo Juhaymaan AL-Cutaybi waxaa u sii dheeraatay xididnimo, kadib markii Qaxdaani uu guursaday gabadh ay walaalo ahaayeen Cutaybi, taas oo sidii hore si ka sii adag kana sii khatar badan isugu soo dhoweysay labadan nin.
Saaxiibbadan isu seediga ahi waxa ay bilaabeen in ay fikirkooda xagjirka ah si qarsoodi ah u faafiyaan afkaartaas ay aaminsanaayeen, gaar ahaan waxa ay duruus ka dhigi jireen masaajidda yaryar ee magaalada Maddiinah, dad dhalinyaro u badan oo diinta barashadeeda xiiso u qaba ayaanay duufsadeen oo fikirkii ay xambaarsanaayeen ku shubeen, maalinba maalinta ka dambaysa waxaa sii ballaadhanayey urur uu Juhaymaan si qarsoodi ah u aas-aasay, illaa tirada xubnaha ka tirsani ay gaadheen illaa kun qof.
Juhaymaan iyo ururkiisu waxa ay si aad ah uga soo horjeedeen dowladda Sucuudiga iyo guud ahaan maamullada siyaasiga ah ee ka jira dunida Islaamka oo ay u arkayeen in maadaama oo aanay Shareecda Islaamka sidii ay ahayd oo dhamaystiran ugu dhaqmayn ay gaalo noqdeen. Sida laga akhriyey qoraalladoodii markii dambe la helayna, waxa ay iskula dardaarmi jireen in bulshada iyo qalabka iyo aaladaha casriga ah ee ay isticmaalayso laga dheeraado, taas oo ay u arkayeen in ay ka qayb qaataan faafinta xumaanta iyo fisqiga bulshada dhexdeeda, tubta toosan ee xaqa ahna ka weecinayso.
Sida caadiga ah Muslimiintu waxa ay aaminsan yihiin in boqolkii sannaba mar uu Muslimiinta u soo baxayo hoggaamiye ama Sheekh Diinta Islaamka boodhka ka jafa oo aqoonteeda, karaamadeeda iyo awooddeedaba kor u soo qaado, arrintani waxa ay ku aroortaa Xadiis nebi Muxammed (SCW) laga soo wariyo oo macnihiisu noqonayo, “Alle boqolkii sano ee kastaba waxa uu soo saaraa qof ummaddayda diinta u cusboonaysiiya”
Waxa kaleo o iyaduna jirta in Muslimiinta Sunniga ahi ay aaminsan yihiin in uu soo bixi doono hoggaamiye ay ku tilmaamaan (Mahdiga la sugayo) oo abtirsiintiisa fogi ku isir leedahay Aala Baytii Rasuulka (SCW), magaciisu waa Muxammed aabihiina waxaa lagu sheegay Cabdillaahi, taas oo noqonaysa in uu Mahdigu la magac yahay Nebi Muxammed (SCW). Waxaa la sheegaa in Mahdigu uu waqti waqtiyadiisa ka mid ah magan geli doono masjidka Xaramka Barakaysan isaga oo ka soo firxaday Cadow Alle oo raadsanaya.
Dabayaaqadii sannadkii Hijriyada ee 1399kii oo ku beegnayd isla dabayaaqadii sannadkii 1978kii ayaa Muxammed Bin Cabdillaahi Al-Qaxdaani oo markaas loo arkayey Sheekh cilmiga ku fogaaday xertiisuna aad u qaddarisaa waxa uu u tegey seedigii saaxiibkii ahaa ee ururka dhisay, waxa aanu u sheegay in uu ku riyooday in Mahdiga la sugayaa uu isaga yahay!!! Waxa uu u sheegay in manaamkaas lagu soo faray in uu yahay kii Daallimiinta iyo talisyada tacaddiga ka xorayn lahaa Jasiiradda Carbeed iyo dunida oo dhan.
Maadaama oo sida taariikhdaas Hijriga ah ee markaa la joogay ku cad uu xilligaas bilaabanayey Qarni cusub oo ah 1400, Juhaymaan waxa uu isku qanciyey in seedigii uu yahay ninkii Nebigu (SCW) sheegay ee boqolkaas sano diinta cusboonaysiinayey, waxa kale oo sii qalday magaca saaxiibkii ee ah Muxammed Bin Cabdillaahi oo sida aynu horeba u soo sheegnay uu ku sammi yahay Nebi Muxammed (SCW), waxa keliya ee uga dhiman in uu noqdo Mahdigii la sugayeyna uu yahay in uu galo Xaramka Barakaysan. Taasna ay tahay in isagu dhammaystiro.
Bilowgii qabsashada Xaramka:
Markii uu beryey waagii ugu horreeyey ee bisha Muxarram (Koowaad ee Hijriyada) sannadkii 1400 oo ku begnayd 20kii Noofambar 1979kii ayaa Juhaymaan iyo kooxdiisu ay galeen masjidka Xaramka ee Makah, iyaga oo isu dhigaya dad kala socda oo salaadda Subax soo gudanaya. Arrinta xiisaha lihi waxa ay ahayd habka ay hubka ku soo geliyeen gudaha xaramka.
Dhowr Naxashka maydka lagu qaado ah ayaa ay ku soo gureen hubka, saanadda iyo sahayda kale ee ay qiyaasayeen in ay u baahan karaan, kadibna inta ay maro soo huwiyeen ayaa ay Naxash kasta kooxi soo qaadday iyaga oo ka dhigaya mayd ay doonayaan in lagu tukado salaadda subax kadib, koox kastaa dariiq gaar ah ayaa ay soo martay umana ay muuqan dad wada socda. Xilligaas oo aanu ammaanka dunidu xasaasi u ahayn sida imika jirta, awgeed ilaaladii xaramku waxa ay u qaateen dad maydad sida sida caadiga ah ee mar kasta dhacda, ujeedkuna yahay uun in salaadda kadib lagu tukado.
Hore ayaa ay kooxdani marar kala duwan u gashay qaybaha Xaramka oo ay qorsheysteen aagagga iyo gabboodyada ku habboon dagaalka ay maaggan yihiin iyada oo sidoo kalana qof kasta oo kooxda ka mid ah si fiican loo sii baray halka uu dagaalka ka gelayo, tusaale ahaan ragga qaar shiishyahanno khatara ah waxaa la saaray minaaradda Masaajidka, qaarkood waxaa la istaajiyey kadimada laga soo galo, si dadka ay ugu diidaan bixista, kana difaacaan ciddii damacda in ay soo gasho.
Maalintan oo sida aynu kor ku soo xusnay ku beegnayd curashada sannadka cusub ee Hijriyada 1400 isla markaana bilow u noqonaysa qarni cusub, ragga Juhaymaan watay oo lagu qiyaasayey illaa 600 oo si fiican u tababar qaatayna ay ku dhamaystirmeen gudaha Xaramka iyaga oo sahaydoodii iyo saanaddoodii ciidan ay gudaha Xaramka diyaar ugu yihiin. Ayaa markii la aqiimay salaaddii Subax ee uu Imaamkii oo ahaa Sheekh Muxammed Bin Cabdillaahi As-Sabiil xaga hore u soo baxay, waxaa soo booday wiil dhalinyaro ah oo gadh isku jooga leh, si aad u qallafsan ayaanu ula booday gacanta sameecadda ee Imaamka hortiisa taallay, kadib waxa uu dadkii salaadda u kacay ku amray in ay fadhiistaan oo dhegeystaan war muhiim ah oo loo sheegi doono.
Cabsi iyo jaahwareer aan bilowgii badnayn ayaa dadkii Xaramka salaadda Subax u yimid iyo Imaamkiiba ku dhacay, gaar ahaan markii la maqlay dhawaqa rasaas ka dhacday qoriga uu sitay mid ka mid ah ciidanka Juhaymaan oo ay is af-dhaafeen waardiyihii Xaramka oo u diiday in uu kadinka xidho, laakiin rasaastii qaraxday isla ninkii sitay qoriga ayaa ay ku dhacday oo ku dhintay.
Ogeysiiskaas wiilka dhalinyarada ah kadib ayaa waxaa soo kacay Khaalid Al-Yaami oo ka mid ahaa raggii Juhaymaan ee aqoonta u lahaa diinta, waxa aanu jeediyey hadal wacdi u dhigan oo uu dadka ku fahamsiinayo Mahdiga iyo waxa ay diintu ka tidhi iyo hawlaha uu qaban doono iyo sida uu ku soo baxayo, kadib waxa uu dadkii u sheegay in Mahdigaa uu ka sheekaynayaa uu isla saacaddaa ay taagnaayeen ku sugan yahay xaramka gudihiisa isaga oo cadow Alle ka soo baxsaday, waxa uu sheegay in uu yahay ninka taagan Rukniga Kacbada iyo Maqaam Ibraahiim (CS) dhexdooda, sugayana in uu dadka Mubaayacada Amiirnimada ka qaado.
Dhinaca kalana Muxammed Bin Cabdillaahi seedigii Juhaymiin oo isagu qaybta milateriga ahaa hawlgalkana hoggaaminayey ayaa ciidankiisa ku amray in dadka ay qasab ugu soo ururiyaan halka uu taagan yahay seedigiisa uu Mahdiga moodayey, si ay u bilaabaan mubaacayadii Mahdiga la sugayey. (Mubaayacadu waa qaab wacad ah oo islaamku dhigayo in amiir kasta oo talada qabta ay dadku wacad ugu maraan in ay adeecayaan taladiisa inta uu xaqa Alle ku sugan yahay). Intii Mubaayacadu socotay ayaa kooxdii hubaysnayd ee diyaarka ku ahayd masjidkuna si dhaqso ah u xidheen albaabadii xaramka ee laga bixi lahaa oo dhan.
Dadkii Masjidka ku tukanayey go’doon ayaa ay galeen. Qaar ka mid ah gacanyarayaashii Muxammed Bin Cabdillaahi Al-Qaxdaani ayaa dadkii u qaybiyey qoraallo yaryar oo Juhaymaan qoray, dadkana uu ku barayo Kooxdoodan iyo waxa uu u arko xaqiiqda ah in uu seeddigii yahay Mahdigii la sugayey.
Muddo saddex maalmood ah ayaa ay Juhaymaan iyo ciidamadii uu abaabulay xoog ku haysteen Xaramka oo ay gudahana ku afduubeen dad tiro badan oo salaaddii subax ee maalintii falku dhacay ku tukanayey, laakiin saddexdaa maalmood kadib Juhaymaan waxa uu sii daayey dumarkii iyo carruurtii ku jirtay dadkan uu afduubay.
Soo Afjariddii qabsashada Xaramka:
Arrintani waxa ay jaahwareer iyo cabsi badan gelisay dowladda Sucuudiga oo sida muuqatay aan filayn in tan oo kale dhici karto, isla markaasna aanay ciidamadeeda la dagaallanka rabshadaha iyo amnigu sidii saxda ahayd ugu tababarnayn qalab ahaanna diyaar ugu ahayn falal noocan ah. Dunida Islaamka oo dhan ayaa sidoo kale ay arrintani naxdin iyo u qaadan waa ku keentay, waxase xaalka sii murgiyey amarka Islaamiga ah ee mamnuucaya in Xaramka lagu dhex dagaallamo, kaas oo muslimiinta dhexdooda muran badan ka dhaliyey, kuwo diiddan in xabbad iyo dagaal la’ adeegsado iyo kuwo aaminsan in xaaladdan oo kale mamnuucista dagaalka Xaramku aanay ku jirin, oo xaramka laftiisii la difaacayo.
Sucuudigu bilowgii waxa uu galay dadaal uu doonayo in waan-waan iyo wada hadal lagu dhammeeyo xaalka, waxa aanay wada xaajood la fureen Juhaymaan oo ay ka dalbadeen in uu si nabadgelyo ah isu soo dhiibo ciidamadiisana ka saaro Xaramka, isla markaana ay sii daayaan dadka ay Xaramka ku dhex qafaasheen. Juhaymaan oo si aad ah u rumaysnaa sheegashada seeddigii ee Mahdinimada ayaa soo jeedintaas dowladda Sucuudiga diiday, kana dalbaday in isaga iyo kooxdiisa la soo raaco oo Mahdiga laga taageero xoraynta dunida Muslimka.
Boqorkii xilligaas ee Sucuudiga Boqor Khaalid Bin Cabdalcasiis ayaa golaha sare ee Fatwada Diiniga ah ee dalkaas oo ay ku jiraan culimada ugu waaweyn dunidu waxa uu ka dalbaday in ay go’aan diinta waafaqsan ay ka soo saaraan qorshaha weerar ee uu damacsanaa in Xaramka lagu xoreeyo.
Maalmahaas xaaladdani jirtay waxaa joogsaday gebi ahaanba salaadihii iyo cibaadooyinkii kale ee Xaramka loo imanayey. Aakhirkiina waxa ay gaadhay in ay labada dhinac rasaas aan dagaal rasmiya ahayn ay isweydaarsadaan. Aakhirkii waxa ay Culimadu soo saareen fatwo bannaynaysa in dagaal hubaysan lagu qaado kooxda Xaramka xoogga ku haysata, dowladda Sucuudiguna waxa ay xalka kama dambaysta ah u aragtay in xoog ciidan lagu galo gudaha Xaramka, maadaama oo Juhaymaan iyo kooxdiisu si aad ah u habaysnaayeenna waxa uu Sucuudigu go’aansaday si aanu Xaramka khasaare weyni u soo gaadhin in la adeegsado xeelado iyo farsamo milateri oo ka casrisan ta caadiga ah.
Ciidamada Sucuudiga ee hawlgalkan ka qayb qaatay oo tiradoodu dhammayd 10 kun oo Kamaandoos ah oo qaarkood dusha sare diyaarado kaga soo taageen waxaa iyaguna garab siinayey ciimado ka yimid dalal badan oo muslim ah oo ay ugu horreeyaan Urdun iyo Masar. Maadaama oo Juhaymaan uu ahaa sarkaal milateri oo si gaar ah u tababaran isla markaana uu si aad ah u diyaariyey ciidanka uu Xaramka ku qabsanayey, dagaalku waxa uu ahaa mid aad u kulul oo marar badan is-caabbinta kooxdani ay riiq-dheeraanaysay.
Marka laga tago gelitaanka xoogga ahaa iyo ciidamada dallaayadaha ku boodayey ee dusha sare kaga soo daatay xaramka, hababka kale ee ay ciidamada xoraynayey Xaramku u adeegsadeen ciidanka Juhaymaan waxaa ka mid ahaa:
1. Biyo lagu qarqiyey qudbiyada Xaramka kadibna Koronto la raaciyey si ay ugu dhegaan ragga gabboodka ka dhiganayey.
2. Dowladda Faransiiska ayaa iyaduna dalka Sucuudiga ku caawisay Sun gaar ah oo loogu talogalay in ay hawlgab ka dhigto xubnaha qofka, oo qofku uu dhacayo isaga oo aan far dhaqaajin Karin. Suntaas Faransiisku siiyey Sucuudiga, waqti yar ka hor bilowga hawlgalka xoraynta ayaa magaalada Daa’if ay kula kala wareegeen dowladaha Faransiiska iyo Sucuudigu, waxaana dheeraa Faransiiska oo khubaro ku xeeldheer isticmaalka suntan iyo guud ahaan deminta colaadaha noocan ah u soo diray Sucuudiga si ay tababar degdeg u siiyaan Kamaandoosta Sucuudiga ee hoggaaminaysay hawlgalka xoraynta Xaramka Barakaysan.
Markii dagaalkii kululaaday sidii la filan karayeyna ay ciidamadii Sucuudigu hoggaaminayey gudaha u galeen Xaramka dadkii dhintay ee ugu horreeyey waxaa ka mid noqday Juhaymaan seeddigii Muxammed Bin Cabdillaahi oo ahaa ninka dartii loo dagaalamayey ee sheegtay in uu yahay Mahdigii la sugayey. Arrintani waxa ay u qaadan waa iyo af-kala-qaad ku noqotay Juhaymaan, oo dabcan isaga iyo taageerayaasha kalaba ay aaminsanaayeen in cid kale ha joogto ee aanu Juhaymaan dhimanayn markan, waayo hawshii Mahdiga la sugayeyba ma’ay dhammaan oo weli bilow baa ay ahayd. Dhimashada Muxammed Bin Cabdillaahi oo Ciidamada Sucuudigu sameecado waaweyn ka baahiyeen si askartiisa gudaha ka dagaallamaysaa u maqasho, ayaa sababtay in ciidankii niyad jabo raggii hoggaaminayey ee Juhaymiin u horreeyeyna ay arkaan in qalad ay ku dagaal galeen oo nin aan Mahdigii ahayn ay moodeen in uu isagii yahay. Aakhirkiina Juhaymaan iyo intii ha hadhay ciidankii uu abaabulay waa ay is dhiibeen.
Muddo gaaban kadibna xukun dil ah ayaa lagu fuliyey 68 nin oo kooxdan ka mid ahaa, kuwaas oo uu ku jiray Juhaymaan, halkaas ayaanay ku soo afmeerantay qisada qabsashadii xaramku. Dagaalkan waxaa ku dhintay askar badan oo ka mid ah ciidamadii Kamaandoosta ee Sucuudiga iyo dalalkii kale ee garab istaagay. Waxa aanay natiijadiisu noqotay in kooxdan laga xoreeyo xaramka laakiin ciidamadii dowladda Sucuudiga iyo dalalka kale ee taageerayey iyo dadkii rayidka ahaa ay ka dhinteen 127 ruux, halka ay ka dhaawacmeen 451 qof. Dhinaca kalana ciidamadii uu watay Juhaymaan ee Mahdi is-moodka taageerayey waxaa ka dhinteen 117 nin, waxaana maxaabiis ahaan looga soo qabtay 97 nin oo badankoodu iyagu iskood isu dhiibay, 68 ka mid ah maxaabiistaas waxaa lagu fuliyey xukun ciqaabeed dil ahaa, halka 19ka soo hadhayna xabsi waqtiyo kala duwan ah lagu xukumay.
Dhammaad.