|

Qisada La Yaabka Lahayd ee Gabadh 19 Sanadood Ku Noolayd Baaldi Caag !

Kanu 30. December 2016 (SDN/QJ):- Markii ay dhallatay 19sano ka hor waxay aheyd qof caadi ah, balse intii danbe ee nolosheeda waxay ku dhex noolayd Baaldi caag ah, iyadoo aan awood u lahayn inay kacdo ama socoto waxaanay ku qaadatay19 sano oo nolosheedii oo dhan ah waxaanay geeiyootay 25kii bishan December ee aynu ku jirno.

 

Gabadh oo magceeda la odhan jiray Raxma Haaruun ayaa waxay ku dhalatay magaalada Kanu ee Dalka Nigeria, waxaanay ahayd markii ay dhalatay ilma si caadi ah u dhashay, kadibna waxa la ogaaday inay ku dhalatay arrin aan waxba laga qabin Karin oo ah in jidhkeedu aanu korayn, waxa koray oo kaliya madaxeeda iyo wajiga iyadoo laga dareemayay da’deeda, balse jidhkeeda kale oo dhammi muu Korin muddadaasi.

Raxma waxay dareemi jirtay xannuun aad u fara badan oo xaaladda ay ku jirtaa sabab u ahayd, waxaanay had iyo jeer u baahnayd in dhex fadhiisato Baaldi caag ah si uu jidhkeedu u tooso.

Geerida ku timid Raxma Haruun, ayaa Wargeyska Himilo soo xigtay Wargeyska Daily Mail ee kasoo baxa Dalka Britain.

Waa arrin runtii ina tusaysa mid ka mid ah mucjisooyinka ilaahay S.W.T isla markaana waa arrin u baahan in aynu ku cibra qaadano maadaama oo ilaahay inoo dhameystiray laxaadkeena, qofna ma sawiran karo xaaladda ay ku noolayd Raxma Haarun oo aan jidhkeedu korin muddo19 sano ah.

Comments are closed