|

Qisada Askari Maraykan Ah Oo Loo Aqoonsaday Kan Dhiiggii Ugu Badnaa Daadiyey Taariikhda Ciidamada Maraykanka, Loona Diiwaan Galiyey Inuu Laayay 2746 Qof Oo Ciraaqiyiin Ah

Washington 28. July 2017 (SDN/QJ):- Gaashaanle Dillard Johnson oo ka mid ah Ciidamada Dhulka ee dalkaasi Maraykanka ayaa loo aqoonsaday ninkii tirada ugu badan dad ciidamada Maraykanka ka soo hor jeeda ku dilay adduunka guudkiisa kii ugu badnaa kadib markii la xaqiijiyey isna uu qirtay in uu qudha ka jaray in ka badan 2746 qof oo Ciraaqiyiin ah mudadii shanta sano ahayd ee uu ku sugnaa hawl-galka ciidamada Maraykanka ee dalka Ciraaq oo ahayd mudadii u dhaxaysay sannadihii 2005 illaa 2010, kaasi oo wakhtigan la sheegay in uu ku sugan yahay dalka Maraykanka oo uu dib ugu laabtay isaga oo dhinaca kalena la sheegay in uu la il daran yahay xanuun nafsaani ah oo ku dhacay kadib hawl-galkaasi Milatari ee uu sannadaha badan ugu maqnaa dalka Ciraaq.

Dillard Johnson oo ka mid ahaa ciidamada gaarka ah ee hawl-gallada dagaalka Ciraaq ee dalka Maraykanka ayaa taariikhda ku galaya ninkii dhiigga ugu badan ku daadiyey dagaalada ay abid taariikhda soo galeen ciidamada dhulka ee dalkaasi Maraykanku waxaanu dhawaan soo saaray buug uu ugu magac daray ‘Carnivore’ oo uu kaga warramayo xaaladda dagaalkii dalkaasi Ciraaq ee ay Maraykanku ku qabsadeen iyo tirada dadka uu ku dilay gacantiisa isaga oo sheegay in aanay mudadii uu Ciraaq ku sugnaa oo dhammayd shan sano aanay soo marin maalin kali ahi oo aanu qudha ka jarin qof ama Laba Ciraaqiyiin ah tirada uu dalkaasi Ciraaq ku dilayna ay gaadhay oo la xaqiijiyey in ay dhan yihiin 2746-qof oo uu kalidii rasaas ku dilay.

 

Qisada ninkan askariga ah ayaa bilihii ugu dambeeyey si weyn loogu baahinayay warbaahinta caalamka gaar ahaan tan dalka Maraykanka kadib markii uu askarigani soo saaray buuggiisa uu ula baxay Carnivore kaasi oo xambaarsan qisooyin layaab leh oo uu Ciraaq ka sameeyey isaga oo ka mid ahaa ciidamadii Maraykanka ee dalkaasi Ciraaq ku duulay.

 

Askarigan Dillard Johnson ee dilaaga ahi waxa uu sheegay in hawl-galkii ugu horreeyey ay guuto uu ka mid ahaa Ciraaq ka sameeyeen uu dil ka gaystay ay ahayd hawl-gal gaar ah oo isaga loogu saaray in uu ka fuliyo gaadhi bas ahaa oo ay saarnaayeen dad Ciraaqiyiin ahi kuwaasi oo uu isagu gacantiisa ku dilay 13 qof oo ka mid ahaa rakaabkii saarnaa baskaasi oo marayay jid ku yaalla magaalada Al-samaawah ee ku taalla Koonfurta dalkaasi Ciraaq.

Falkan ayuu ku sheegay in uu ahaa mid ay ku raadsanayeen kooxaha wax iska caabinta ee dagaalka kula jiray ciidankiisa dalkaasi Ciraaq iyada oo gaadhigaasi baska ahi ku soo dhawaaday gaadhigii gaashaannaa ee ay wateen ciidanka uu ka mid ahaa.

Gabadh Wariye ah oo ka tirsan Telefishanka Fox News oo waraysi la yeelatay Dillard Johnson, sidoo kalena uu idiin soo turjumay Wargeyska Foore, ayaa waydiisay dareenkiisa uu wakhtigan qabo maadaama uu laayay tiro xadkaasi le’eg oo Ciraaqiyiin ah oo aan la wada odhan Karin waxa ay ahaayeen dad cadaw ku ahaa Maraykanka waxaanu isaga oo arrinkaasi ka jawaabaya yidhi: “Dareenkayga kadib marka aan dilo Ciraaqiyiintu waxa uu iiga dhignaa mid ka wanaagsan haddii aan laayo ugaadha Garanuugta ama deerada. Markii aan ahaa 13 Jir waxaan ku toogasho bartay ugaadha Deerada iyo Garanuugta sidaa darteed in aan Ciraaqiyiin laayo ayaan kaga faxsanahay in aan laayo Deero” Waxaanu Dillard Johnson u sheegay Telefishanka Fox News in ka hor intii aannu ka mid noqon ciidamada dhulka ee dalka Maraykanka uu ahaan jiray nin ugaadhsada duur-joogta oo ku toogasho barta.

 

Dillard Johnson oo wakhtigan da’diisu tahay 48 jir ayaa la dhibtoonaya xanuun qulub iyo isku buuq ah oo ku habsaday tan iyo markii uu ka soo laabtay hawl-galkii Milatari ee uu ugu maqnaa dalkaasi Ciraaq waxaanu ka mid yahay kumannaan askari oo markii ay hawl-gallo dibadda ah ka soo laabteen dalkaasi Maraykanka ku dhibtoonaya oo xanuuno kala duwani ku habsadeen kuwaasi oo u badan xanuuno nafsaani ah.

Dillard Johnson ayaa la sheegay in ay xaaladda ku sii xumaysay kadib markii uu qoyskiisii ka burburay ee ay haweenaydiisa kala tageen waxaana xusid mudan in mudadii uu ciidanka dalkiisa ka mid ahaa la siiyay in ka badan 37 Billadood oo loogu aqoonsaday geesi dagaal.

Comments are closed