|

Qisada 300 Ee Ceel-Biyood Oo La Sheegay In Jinkii Nabi Saleebaan CS Uu Qoday !

Riyadh 09. March 2017 (SDN/QJ):- Liina waa Tuulo ku taala Dalka Sucuudiga, waxaana tuuladaasi ku yaalla Ceelal lagu sheegay inay yihiin Mucjisooyin muujinayay Awoodii aadka u ballaadhan ee uu  Illaahay ku mannaystay Nabi Saleebaan CS.

Ceelashu ayaa tiradooda lagu sheegay inay yihiin 300 oo Ceel, waxaanay ka qoddon yihiin Goobo Dhagax ah oo aad u adag, waxaana la sheegay in Jinkii Nebi Saleebaan ay Qodeen ceelashaasi si ay Ciidammadu uga sii Cabbaan markii ay u kala gooshayaan Bayt Al-Maqdis iyo Yeman.

Xaamid Al-Jaasir oo ka mid ah Taariikhyahanada Dalka Sucuudiga oo wareysi siiyay Shabakada Wararka ee Al-arabiya ayaa waxa uu yidhi “Waxay Tuuladani jirtay ilaa iyo xilligii Nabi Saleebaan, waxaana la xaqiijiyay in Jinkii Nabi Saleebaan ay qodeen ceelashan oo ah 300 oo Ceel, Ceelashaasina waxay ka dul qodon yihiin dhagaxaan waxaana loo qoday si Xikmadaysan oo aad u layaab badan, dadka taga goobtaasina aad ayay u layaabaan, balse nasiib darro xilliyadan danbe way wada aasmeen badanka Ceelashaasi lamana ilaalin Muhiimada ay Tuuladaasi leedahay iyo taariikhda ku duugan”.

Qisooyin aad u fara badan ayaa ka warramaya Qoddista ay Jinkii wehelinayay Nabi Saleebaan u qodeen Ceelashaasi, waxaanay ahayd markii uu Nabi Saleebaan uu ka soo baxay Dhulka Al-Maqdis ee uu soo socday Yeman, sida ay Qisyooyinku ku warramayaana waxa uu Nebi Saleebaan ku qadeeyay Tuuladaasi Liina, waxaanay ahayd Dhul aad u Adag, Dadkii wehelinayay Nabi Saleebaan ayaa Harraad qabtay waxaana ku adkaatay sidii ay Biyo u heli lahaayeen waxa aanu Nabi Saleeban eegay Mid la odhan jiray SABDAR oo ahaa mid ka mid ah Ciidammadii Jinka ahaa ee Wehelinayay Nabi Saleebaan, waxaanu Nabi Saleebaan arkay Jinki SABDAR oo qoslaya waxaanu weydiiyay Maxaa kaa Qosliyay?, Jinkii SABDAR ayaa ugu jawaabay Nabi Saleebaan CS “Waxa iga qosliyay harraadka aad la liidataan biyuhuna waxay ku jiraan lugihiina hoostooda, intaasi kadibna Amar ayuu siiyay waxa aanay dhulka ku dhufteen Ulahoodii ay siteen intaasi  kadibna waxa ka soo baxay Biyihii”.

Awooda uu Ilaahay siiyay Nabi Saleebaan CS waxay ahayd mid aad u ballaadhan waxa aanu Ilaahay kaga warramay Qur’aanka Kariimka ah gaar ahaan suurada AL-namal.

Comments are closed