|

Qiimaynta hortaala Komishanka cusub iyo Sida ay Uga Gudbi Karaan Faalada Shabakada Qurbejoog

hargaysa 20.Feb 2015 (SDN/QJ)- Doorshooyinku waa dariiq Somaliland ku xidhaya Adduunka intiiisa kale, Waa Nidaam Saamaxaya in Xukunka lagula kala wareego doorasho Xor iyo Xalaal ah,Waa Xuquuq uu Muwaadinku u leeyahay inuu si Qarsoodi ah u codeeyo,si cadna u xisaabtamo waa Mustawe lagu qiimaynayo sida qaran ahaan aynu uga Midho dhalin karno hayaanka geedi socodka doorashooyinka.

Xubnaha Komiishanka SomalilandTan iyo intii aynu ka soo digo roganay nidaamkii cahdi qarameedka waxaa dalka ka qabsoomay Shan doorasho oo kala ahaa Laba Doorasho deegaan,Laba doorasho Madaxtooyo iyo Mid Gole Wakiilaad, Waxaa soo maamulay Afar Gudi doorasho kuwaas oo ah Hay’ad ka madax bannaan dhinacyada loolanku u dhexeeyo isla markaana loogu talo galay inay Garsoor u ahaadaan Waana Komiishanka doorashooyinka Qaranka.

Afartaas Gudi doorasho Xaaladihii ay ku shaqaynayeen way kala duwanayd qaarkood waxaa lagu sifeeyaa inay ku fashilmeen Xil hayntooda,dalkana gaadhsiin kari waayeen Marxaladii doorasho ee loo baahnaa,Waxaa ka mid ah Gudidii labaad ee doorasho ee dalku yeeshay kuwaas oo dhaliilaha Shaqadooda iyo Magaca Hay’ada qaran ee ay Mas’uulka ka ahaayeen dhulka la galay ay ka Mid ahayd Isku Qabsi dhinaca hogaaminta ah,Wada shaqayn la’aan dhexdooda ah iyo inay u xagliyeen dhinacyadii ay Garsoorka u ahaayeen Waxaa Gudidaas Xubno ka ahaa.

1.Mohamed Yusuf Ahmed (Gudoomiyihii Koobaad)

2. Mohamed Ismail Mohamed (Kaboweyne) (Gudoomiyihi Labaad)

3. Jama Mohamed Egeh (Sweden) (Gudoomiyihii Saddexada)

4. Hirsi Haji Ali Hassan (G/X Kobaad) wuxu iska casilay 6 May 2008 Waxa lagu badelay Mr Ali Mohamad Abdillahi (Bikalo),oo noqday (Gudoomiye ku Xigeenka Labaad)

5. Ahmed Mohamed Haji Dahir ( Waa la badelay kadib markii Barlamanku Ogalaada waxa lagu badelay Khadar Guleed oo mudo yar jooga)

6. Ismail Muse Nur

7. Hassan Mohamed Omer ( Wuu dhintay AHUN, Waxa Lagu Badelay Xasan Cumar Hoori).

Hasa Yeeshee Waxaa Gudidaas u Hirgalay inay dalka ka qabtaan Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha doorashooyinka oo qabsoomay 2008 – 2009,Waxaa Xusid mudan in Mudadii ay Xilka hayeen Gudidaasi oo ku astaysnayd 2007-dii ilaa 2009 Isla markaana noqonaysa laba sano iyo badh inay yeesheen kii inay yeesheen ( Saddex Gudoomiye iyo 2 Ku xigeen),Waxay laaleen natiijadii diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyadoo ay Xukuumadii Xiligaas Talinaysayna ku raacday Go’aankaas taasi waxay abuurtay Buuq ka dhex qarxay daneeyeyaasha dimuquraadiyada (Xisbiyadii Mucaaridka,Dawlada,Komiishanka iyo Qaadhaan Bixiyeyaasha).

Amuurtaasi Waxay soo dedejisay Cimrigii Komiishankaas Kadib Markii la kala diray taas oo ka dhalatay Heshiis ay Wada gaadheen Saddexda Xisbi Kaas oo ay dhex dhexaadiyeen UK, Qadhaan Bixiyayasha iyo Ethiopia laguna kala saxeexday (6 point Agreement) oo sheegayay in la kala diro dhamaan Komishankii Wakhtigaas Joogay laguna soo magaacabo,Komiishan Cusub oo haysta Kalsoonida dhinacyada Loolanku ka dhexeeyo kaas oo xilka la wareegay 2009 Oct,Waxaynu odhan karnaa Waxay Gudidaasi ka dhex dhasheen Wakhti Khilaaf siyaasadeed uu dalka ka aloosnaa balse Waxaa u Suurto galay in Todobaad Gudihii ay ku badaleen Kaadhadhkii hore ee Codbixiyeyaasha isla markaana ay si Kalsooni leh u sheegeen in Natiijadii Serverka kala shaandhaynayay Muwaadiniinta is diiwaangeliyay 90% saxal tireen Khaladaadkii hore loogu sameeyay waxaa kale oo ay dadajiyeen inay agaasimaan qabsoomida doorashadii Madaxtooyada oo in ka badan laba sanno mudo dhaaftay, Iyagoo Mudo 21 Cisho ah ku soo Koobay Mudadii Ololaha doorashada .

Waxyaabaha ay Gudidaasi kaga duwanaayeen kuwii ka horeeyay waxaa ka mid ah inay Si Qarsoodi ah u doorteen Hogaan ay isku wada raaceen,Waxay dajiyeen Qorshihii ay ku hawl galayeen kaas oo ay Sidiisii u fuliyeen,Waxay hambalyo ku muteen Hirgalinta Doorashadii Madaxtooyada oo dhinacyadii ku hirdamayay ay ku wada qanceen Natiijadii ay soo saareen.

Sidoo kale Waxay Gudidaasi dhaliil ku lahaayeen habkii ay u soo agaasimeen doorashadii Golayaasha Deegaanka oo ka baaxad weynayd tii Madaxtooyada,Isla markaana ay ku tartamayeen Urur Siyaasadeedyo laga rabay inay ka soo baxaan Sadexda Xisbi Qaran ee Distoorku xalaaleeyay Jiritaankooda Mudada tobanka sanno ah,Waxaa Sumcadii ay Gudidani ka kasbadeen doorashadii Madaxtooyada dhulka la galay Kadib markii ay soo saareen Natiijooyin khilaaf badani ka dhashay,Khal Khalna galin gaadhay nabadgalyada dalku ku naaloonayo Hasa yeeshee Waxay dhamaysteen Mudadii Shanta Sanno ahayd ee Distoorku Cadeeyay .

Waxaa Yimid Gudidan haatan oo Noqonaya Dufcadii Shanaad ee hogaanka u qabta Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Waxay Magacaabistoodu ku soo beegantay Xili uu Khilaaf ka dhex jiray Golaha Wakiilada taas oo ka cuntay Mudo bil ah, hasa yeeshee Waxay kaga Gudbeen Golaha Wakiilada Taariikhdu markay ahayd 29.Bishii November 2014 oo lagu ansixiyay qaab dur duro ah iyadoo maanka lagu hayo hawsha balaadhan ee qaranku uga fadhiyo,inkastoo Toban Cisho ay u Xanibnaayeen Dhaarintii Distooriga ahayd .

Tusaalihii kowaad ee Komiishankan Cusub ee haatan xilka haya durtadiiba lagu saluugay ayaa ahaa qaabkii ay hogaankooda u doorteen taas oo Xisbiyada Mucaaridku Madal loo dhamaa ka cadeeyee in aanay ogolaanayn in Labada Xil ee Gudoomiyaha iyo ku Xigeenkiisu ay Noqdaan Xubnaha uu Madaxweynuhu soo magacaabay Waxay Tusaale u soo qaateen in Labadaas Xubnood Mid ka Mid ahi ay ka iman jirtay Mucaaridka inkasta oo Sharcigu aanu Jidaynayn Waxaa kale oo ay doodooda u sibir saarayeen in Shir Doceedyo ay yeesheen ka hor doorashadooda ay Xukuumadu ku soo faro gelisay Komiishankii ay Kalsoonida siiyeen, Inkasta oo Axsaabta Mucaaridku ay markii danbe ogolaadeen is doorashada Komiishanka iyagoo sheegay in looga baahan yahay inay fuliyaan Dhaartii ay mareen.

Komiishankan haatan Joogaa ilaa iyo haatan may guda gelin sidii ay qodoxda uga saari lahaayeen arrimaha ka horeeya qabsoomid doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada oo la isku lamaaneeyay iyadoo aan rajo buuran laga qabin in doorashooyinku ku dhacaan Xiliga ay ku mudaysan yihiin ee 26 Bisha June ee Sannadkan.

Labada Xisbi Mucaarid ee Somalialnd ka Jira ee Waddani iyo Ucid ayaa Cod dheer ku shaaciyay in Wixii ka danbeeya 26 June aanay Aqoonsanayn Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyagoo iclaamiyay in la soo dhiso dawlad Wadaag ah oo dalka gaadhsiisa doorasho,Sidoo kale dawlada iyo Xisbigeeda ayaa sheegay in Komiishanka doorashooyinka ay ka Sugayaan Cayimaada maalinta doorashadu dhacayso.

Si kastaba ha ahaatee Waxaa la eegi doonaa dhawaqa ka soo baxa Maalmaha is guraya ee Mudada Xil haynta Xukuumadda Kulmiye iyo Aamusnida Komiishanka loo igmaday abaabulka hawlaha doorashooyinka.

Hargaysa SDN/QJ

 

contact@qurbejoog.com

Comments are closed