Qiimaha Sarrifka Boqolka Doollar Oo Hargeysa Hal Milyan Ku Siqiya, Walaaca Shaqaalaha Iyo Ciidamada Dawladda Iyo Xarakaadkii Suuqyada Ee Wax Kala Iibsiga Oo Hakad Galay
Hargaysa 09. October 2016 (SDN/QJ):-Sarifka Lacagta Qalaad ee Boqolka Dollar ah ayaa Hargeysa kor usii dhaafaysa 830,000 oo shilinka Somaliland ah,waxaana gabi ahaanba hakad galay dhaq dhaqaaqii iyo kala iibsigii caadiga ahaa ee ka socday Suuqyada Waa weyn ee Magaaladda Hargeysa,iyadoo sidoo kalena ay arintani walaac gaar ah ku abuurtay Guud ahaan Shacabka ku dhaqan Magaalooyinka Waa weyn ee Somaliland gaar ahaan dadka mushaharada ku qaaqata lacagta shilinka Somaliland oo qiime dhac kii ugu cuslaa ku habsaday.
Waxa ay qarka u saaran tahay in gabi ahaanba waxba lagu kala gadan waayo Lacagta Shilinka Somaliland Magaalada Hargeysa maadaama oo ay si xawli ah u sii qiime jabayso oo ay sii bahdilmayso. Waxa suuqyada Hargeysa ka istaagay Dhaq dhaqaaqii Ganacsiga,waxa kale oo goobaha lacagaha lagu sarifo ee ay sariflayaashu fadhiistaan dul heehaabaya dad wayne aad u tiro badan oo aad uga war warsan qaaliyawga Lacagta doolarka oo uu Boqolka Doolar ku sii siqayo inuu gaadho Hal milyan oo Somaliland Shilin ah,taasi keeni karta in nolosha caadiga ah ee Bulshadu wax wayni iska badelo, islamarkaana ay xidhmaan Meherado badan oo qoysas badan noloshoodu ku tiirsan tahay.
Wargayska Foore oo u kuurgalay Arintani ayaa soo ogaaday in Koox shirkad gaar ah u shaqeeya oo ka tirsan Sariflayaasha Suuqa Hargeysa fadhiistaa ay shoofeer ka yihiin Sixir jarista Qiimaha lagu sarifo Lacagaha qalaad, iyagoo aroor kasta u sargooya sariflayaasha hadba Qiimaha ay ku sarifayaan,Waxa ay ku darayaan iyo Waxa ay ka dhimanayaan labadaba, Waxaana dhacda in mararka qaar la sugo inta ay Sixirka jarayaan iyadoo wakhtiyada qaar qaadata in laga dhursugo Wakhti badan. Ragaasi ayaa si toos ah xidhiidh u leh Dawlada iyo Madaxda Banka Dhexe.
Waa arxan laawayaal aan marnaba u tudhin shacabka waxaana markasta oo uu sarifka Lacagta dolarku kaco suuqyada ka laabta Meherado door ah oo ay saamaysay gad gadoonka sarifka ku yimaado lacagta doolar oo sarjara Sixirka alaabada ay iibinayaan,maadaama oo ay alaabta ku iibsadaan lacagta doolar.
Shaqaalaha Dalwada iyo Ciidamada kala duwan ee dalka ayay arintani si gaar ah u taabanaysaa,Maadaama oo ay Mushaharooyinka ku qaataan shilinka Somaliland oo qiime dhacii ugu darnaa doorkan ku dhacay.
Waxa sidoo kale aamus biday oo yaaban dadka Shacabka ah oo aad u hadal haya qaaliyawga ku yimid Doolar oo Boqolkii Dolar gaadhay meel aanu waligii gaadhin.
Hadii ay sidan ku sii socota waxa laga cabsi qabaa inay nolosha dadku sii adkaato oo waxba la iibsan kari waayo islamarkaana ay xaalado kale oo umada wax u dhimaa Meesha yimaaddaan.