|

Qiimaha Sarifka Dollarka oo Suuqyada Somaliland ka Maraya Heerkii u Sareeyay & Saamaynta Nolosha Mujtamaca

Hargaysa 01. December 2016 (SDN/QJ):- Qiimaha sarifka dollarka, ayaa gaadhay halkii u saraysay, waxaanu suuqyada caasimadda Hargeysa halkii dollar ka marayaa (8,000SL/SH), waana qiimihii u sareeyay ee la arko dollarka oo gaadhay.

Ganacsatada Sarifka ee BeledweyneSi rasmi ah looma garanayo sababta wakhtigan kicisay sarifka dollarka, waxase uu kor u kaca sarrifku saamayn ku yeeshay quutal daruuriga maceeshada oo iyaguna kor uga kacay suuqyada Hargeysa.

Ma jiro qorshe cad, oo ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u dejisay xakamaynta sarifka dollarka, marka laga reebo hadalo hanjabaad oo ay hawada u mariyaan sariflayaasha caasimadda oo ay aaminsanyihiin inay sabab u yihiin kor u kaca sarifka.

Dadka dhaqaalaha aqoonta u leh ayaa aaminsan in kor u kaca sarifka ay keentay xukuumadda oo suuqyada ku soo daysay lacag faro badan oo Somaliland ah, taas oo meesha ka saartay isu dheelitirkii sarifka, maadaama oo lacagta suuqa la soo geliyay ku eekayd Somaliland keliya.

Si kastaba ha ahaate, qiimahan sarifka ee kor u kacay ayaa wuxuu saamayn ku yeelanayaa bulshada Somaliland ee danyarta u badan, mana muuqato wax qorshe ah oo ay xukuumadu ku waajahayso.

Comments are closed