|

Qiimaha Qaadka Muqdisho Lagu Cuno Oo Hoos U Dhacay iyo Sababaha Loo Aanaynayo

Muqdisho:July,02,2014(SDN/QJ)-Tan iyo intii ay dawladda Ingiriisku dalkeeda ka mamnuucday Qaadka, ayaa waxa Hoos u dhac weyni ku yimi qiimaha qaadka lagu kala iibsado Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia.

QaadMagaalada Muqdisho oo si weyn looga cuno qaadka, ayaa hadda Qiimuhu uu noqday mid aad uhooseeya, iyadoo sababtana lagu sheegay in qaad tiro badan oo Dalka Uk Loo iibgeyn jirey Haatan loo soo leexiyey Magaalada Muqdisho.

Marduufka Qaadka ayaa Magaalada Muqdisho waxaa markii hore lagu kala iibsan jiray lacag dhan $20 Doolarka Mareykanka ilaa $18 halka todobaadkan lagu kala iibsanayo lacag gaadhaysa $2 oo udhiganta 40-kun oo Shillin Soomaali ah.

Dadka Qaadka cuna ayaa si aad ah usoo dhaweeyay arintan, iyadoo xilliga Maqribka Afurka marka ay ku dhawdahay, haweenka qaadka iibiya dadka ay ku qasbayaan inay qaadka ka iibsadaan, kuwa cuna iyo kuwa aanan cunin intaba.

Ciidamada Dowladda ayaa la arkaa iyaga oo dhowr bac ama Marduufyo wata, taasina waxa ay muujinaysaa fursadda ballaadhan ee ay ku heleen Qaadka oo Qiimihiisa hoos udhac weyn ku yimid.

 

Maandooriyaha Qaadka ayaa si weyn looga Isticmaala Dhulka Soomaalida, iyadoo dadka Beeraleyda Kenya ay lacag badan ka helaan Soomaaliya, marka loo eego qaadka ay keenaan iyo lacagaha badan ee ay helaan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed