|

Qiimaha Magta Geella Iyo Meherka Lagu Kala Qaadan Doono Oo Wareegto Laga Soo Saaray

Hargeysa:Fer,01,2015(SDN/QJ)-Kadib Cabasho badan oo kasoo yeedhay Qiimaha Dadku ku kala qaataan Qiimaha Geela Magta ah iyo  Meherka Dumarka, ayey Guddida Caddaadalddu kasoo saartay Go’aanno kor loogu qaadayo Qiimahaas oo ay isbeddel kooban ku sameeyeen.

gudorvcGuddoomiyaha Guddida Cadaaladda Somaliland isla markaana ah Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa soo saaray dabayaaqada sanadkii 2014-kii wareegto ku saabsan qiimaha lacagta lagu kala qaato Magta iyo meherka dumarka, iyadoo tallaabadan loo qaaday Cabasho bulshadu ka muujisay Sixir-barar ku dhacay qiimihii hore loogu  kala qaadan jirey.

Wareegtada Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Somaliland uu soo saaray oo ku taariikhaysnayd 29/10/2014-kii oo haatan ay saxaafaddu heshay ayaa waxa ay u dhignayd sidan:-

Ujeeddo: Wareegto ku saabsan qiimaha lacagta lagu qaadanayo Magta iyo meherka Dumarka

Guddoomiyaa guddida cadaaladdu markuu arkay: go’aanka guddida cadaaladda ee fadhiga 7 aad eek u taariikhaysan 12/06/2014, kuna saabsan qiimaha lagu qaadanayo Qudh-gooyada Badheedhka ah (Dilka), meherka Dumarka iyo wixii ka soo hadhay magta.

Markuu arkay: in qiimaha xoolaha nooli aad sare ugu kacay intii ka danbaysay dikreetadii hore ee sumadeedu tahay MS/GMS/G-7/312/2005, EE 13/2/2005.

Markuu Arkay: Shareecada Islaamka mad-habka Imaam shaafici- kitaabka Minhaajka baabka diyada.

Markuu Arkay: Dastuurka JSL, Qodobada 97,98 ee Dastuurka.

Markuu Arkay: Xeerka madaniga qodobada 160, 161 ee ka hadlaya mag-dhawga madaniga.

Markuu Arkay: baahida loo qabo in digreeto lagu soo saaro qiimaha geela Magaha iyo Qoomaha .

Asbaabtaasi dartood Guddoomiyuhu wuxuu soo saaray wareegtadan.

Waxaa lagu kala qaadanayaa Magta Qoomaha ama Nabadarada 1500,000 Shilling Somaliland ah hashiiba.

Dhaqan galka wareegtadan waxa uu saameynayaa wixii aan la kala qaadan dhamaan ama aan qayb ka mid ah la kala qaadan ama fulintiisa aan Maxkamaduhu guda galin, ama aanay dhunacyaddu la iman heshiis ay ku kala qaadanayaan qiimaha Geela.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed