|

Qiimaha Jaadka ee Suuqyada Hargaysa oo Cirka isku Shareeray iyo Ganacsato la sheegay inay Xulufo wadaag Noqdeen.

Hargaysa, 08.April 2016 (SDN/QJ):-Qiimahii rubuca jaadka Jibiska loo yaqaano ee horaanti bishii hore (March) ahaa SSh 25,000 ayaa magaalada Hargeysa Maalintii Shalay Gaadhay 60,000 halka mijinta qaadka Dadarta ah lagu iibsanayey SSh 12000 iyadoo ay todobaadkii hore mijintu taagneyd SSh 7000-8000.

qaadka-hargeysa-300x169Sicirkan Jaadka ee mar kaliya cirka isku shareeray ayaa loo aanaynaya heshiis qarsoodi ah oo dhawaan dhex maray sadexda Qaadle ee ugu tunka weyn dalka kuwaasoo isku afgartay inay sicir isku mid ah oo ay isla ogyihiin markasta u jaraan jaadka si ay badeecadooda ugu qaali garawdo

.Sadexdan Qaadle oo kala ah Kowsar Afdiinle,Aamina Gaafane Iyo Faraska ayaa sida la sheegay qaba isku haleyn ah in dadka jaadka cunaaa aanay iska dayn karin balwadoodaasi oo si kastoo qaadku loogu qaali gareeyo ay iibsanayaan,Sidoo Kale Ma Jirto Wax Cashuur ah oo intii hore ka badan oo Ganacsatada Qaadka ay Xukuumaddu ku soo rogtay.

 

Lacag adag oo lagu qiyaasoo sadex boqol oo milyan oo Doolar ayaa Somaliland sanadkii kaga baxda qaadka lagu isticmaalo kaasoo laga keeno dalka Ethiopia, marka laga reebo qaad magaalada Laascaanood uga yimaadda dhinaca Kenya oo nooca Miraha loo yaqaano ah,halka aanay Somaliland wax badeecad ah oo bedel u noqda Lacagta adag ee ka baxaysa Jaadka in aanay u dirin dalka Itoobiya.

Warkan ayaa Noqonaya Mid ka nixiyey dadka Jaadka ku walfay halka ay aragtidan badalkeeda soo dhaweeyeen dadka aan isticimaalin Jaadka.

Comments are closed