Qaylo dhaan Biyo la’aan oo ka soo Yeedhaysa Dadka Deegaanka Garbahaaray degmada Saaxo DHAGAYSO
Garbahaaray, 29 March, 2016 (SDNQJ): – Waxaa wali Cabashada ugu badan ka soo yeeraysaa deegaanada ay ka jirto abaaraha dhulka Puntland waxaana qaylo dhaan ay kasoo yeeraysa dadka reer guuraaga ah kuwaas oo xoolihii iyo iyagiiba ay saamayn ku yeelatay.
Nabadoon Cali Cabdi Aadan oo kamid ah waxgaradka deegaanka garbahaaray oo 16KM u jira degmada Saaxo ee gobolka Mudug ayaa ka hadlay saamayn ay dadka iyo duunyada ku yeelatay biyo la’aanta ka jirta deegaanadaasi.
Nabadoonka ayaa sheegay inaysan xiligan lahayn wax awood ah oo ay wax ugu qaban karaan dadka reer guuraaga ah ee deegaanadaasi wuxuuna xusay inay tiro ahaan gaarayaan 184 qoys kuwaas oo soo foodsaartay xaalad nolol xumo oo dhanka biyaha ah.
Nabadoonka ayaa dhamaan shacabka ganacsatada ah iyo dawlada Puntland ugu baaqay inay waxka qabato abaaro saamayn ku yeeshay dadkaasi.
Nabadoonka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in 3 qof labadii bilood ee lasoo dhafay ugu dhinteen deegaankaasi xanuun ay u maleeyeen inuu yahay malaariyo deegaankuna malahan wax aadeeg caafimaad ah.
Dhawaan ayey ahayd markii madaxwaynaha Puntland uu gudi u magacaabay sahaminta deegaanada ugu daran abaaraha kuwaas oo soo wariyey in kabadan 72 degmo iyo deegaan abaaro ka jiraan.