|

Qayladhaanta Abaaraha iyo Socdaalka Gudoomiyaha ahna Murashaxa Xisbiga Ucid uu ku tagayo qaar ka mida dalalka Khallijka

London 26. December 2016 (SDN/QJ):- Musharaha Madaxweynaha ahna Gudoomitaha Xisbiga UCID ayaa ka amba baxay London isagoo qaylidhaan dhinaca abaaraha gaadhsiin doona qaar ka mid aha dalalka Khaliijka.

Gudoomiyuhu wuxuu laba cisho ku hakan doona Dubai isagoo la hayda bisha Cas bis ugal hadli doona sidii ay gargaar degdega u gaadhsiin lahaayeen dadka ay abaaruhu halalaynayaan ee ku barakacay Somaliland.

Ka dibna gudoomiyuhu wuxuu uga sii gudbi doona Kuwait oo uu xaaladda abaaraha kala hadli doono Dawladda iyo hayadaha khayriga ah isagoo ka faaidaysanaya xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya gudoomiyaha iyo madaxda Kuwait isla markasna wuxuu usii gogol xadhi doonaa in wafti dawladda Somaliland ka socda tago Kuwait.

Gudoomiyahu wuxuu hore uga soo dhameeyey dawladda Kuwait iyo hayaddaha khayriga ahba mashariic badan dalka laga hirgeliyey kana mid yihiin School-ka Agoomaha ee Kuwait iyo mashuucyo lagu kordhiyey dhinaca Wasaradda Caafimadka sida qalabaynta iyo dhismaha qaar ka mid ah Cusbitasladda Dalka.

Gudoomiyuhu wuxuu Khamiistii ka soo ambabaxay dalka Ethiopia isagoo udub dhexaad u ahaa qabsoomidii iyo gebagebadii shirkii is afgaradhka ku dhamaadey ee waftigii Somaliland iyo Khatumo ee Addis Ababa.

Waxaa la filayaa in Gudoomiyuhu markay hawlaha qayladhaanta Abaaruhu u dhamaadaan in uu si dhakhso ah ugu laaban doono dalkii si uu u dardargelyo hawla ka qabyada ah Xisbiga UCID oo xilligan ay Carqalado badani ku Meersan Yihiin.

Gudoomiyuhe Faysal oo ku sugna laba habeen London wuxuu ingiriiska u timid hawlo ku saabsan dhinaca dardar gelinta hawlaha Xisbiga iyo kulamo uu la yeeshay masuuliiyin iyo dad doonaya in ay Xisbiga ku soo biiraan.

Comments are closed