Qaybtii 3aad: Goosha Libaaxa Iyo Qaabka ay u Difaacdo Caga Baruuryadeeda, Iyada Oo Dhibaato La Maraysa & Xiisaha Ku Lamaan DAAWO
Botswana 04. July 2017 (SDN/QJ):- Okavango Delta ee dalka Botaswana, waaa goob ay ku nool yihiin duur joogta kala ceynka ah,meeshaan waxaa ku noolaan jiray 30 sanno ka hor 450,000 oo Libaaxyo ah, kuwaasi oo isugu jira Aar iyo Goolba, laakiin wixii xiligaan ka danbeeya waa ay sii dabar go’ayaan oo waxaa ku nool qiyaastii hadda 20,000 ama wax ka yar.
Qeybta seddaxaad ee barnaamijka gooshii difaacatay dhasheeda waxaa maanta kusoo qaadan doonaa, sida ay gooshii ugu soo dhaqaajisay cagabaruurtii yareyd, iyada oo ku sugneyd meel geeri go’an aheyd oo lo’ gisigga kusoo wajahan yihiin, nasiib darase cagabaruurtii yared waxaaku waliimaysatay Haad.
Laakiin nasiib wanaag Gooshii waxay dib u heshay cagabaruurkii labaad ee ka maqnaa oo ay la’saneyd meel uu jaan iyo cirib dhigay,Gooshu markaan looguma yeeri kari mid kali nool ah, ee waxaan dhihi karnaa markaan waxay dib u heshay magaceedii ahaa Ma Di Tau.