|

Qaybta Korontada ee Madaarka Cigaal oo Dib u habayn Balaadhan lagu sameeyay Iyo adeegyada laga Heli karo

Hargaysa 15.Nov 2015 (SDN/QJ):- Qaybaha Dabka ee kala duwan, ee Madaarka Caalamiga ah Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa ayaa dib-u-casriyan ah lagu sameeyay, hawshan oo in muddo ah socotay ayaa dhawaan la soo gunanaday qaybteedii hore.

Madaxa qaybta Dabka (Electrical Engineer) ee Madaarka Xamse Macalin Aadan, ayaa ka war-bixiyey sidii hawshaasi loo qabtay, waxaanuu yidhi:-

BBBBBBBBBBBBBBBBBBB“Waxaanu dibuhabayan balaadhan ku samayn korontada Madaarka Cigaal, dib u habayntaas oo aanu Diirtada ku saraarayna dhanka tayada, bilicda, “safety” iyo qiimaha oo aan ku dadaalayay inuu Madaarku helo kornto jaban, Hadaba anoo soo koobaaya meelaha la taban karo ee aanu wax ka qabanay waxaa kamida:-”

” Interconnection point (halka ay ku kulmaan korontada KAAH, Marawaxadaha dabka dhaliy, Generator ka iyo Korontada Madaarka tegaysa), Halkan waxaanu ku samaynay panel cusub oo aan odhan karo wuxuu lajaan qaadayaa casriga,waana kuwa laga isticmaalo wadamada horumaray.”

“Dhamaan waxaanu saxnay cabirkii lines ka qaada dabka iyadoo aanu ku salaynay calculation iyo formulas dhaba.”

Waxaanu ka dhisnay qaybta laga soo dego ee madaarka dushiisa qol aanu ku qaybinaynoo korontada madaarka si heerka caalamiga ee korontada waafaqsan.

“Waxaanu miisaamid iyo cabir saxa siinay dhamaan” phases “ kii madaarka, si aanu uuga hortagno I dheeli ku yimaado.:

” Waxaanu kusoo kordhinay qaybta loo yaqaan “Earthling” ama danab celiyaha oo ay hab laga hortago wixii qaldama iyo danabka.”

Engineer Xamse isaga oo ka hadlaaya, ladhaka habeenkii loo sameeyay Runway-GA waxa uu yidhi:-

“run way lighting ka oo suura geliyay in uu madaarku shaqayn karo 24 saacadood, “runway lighting system” kan oo ku shaqaynaaya solar ama cadceeda.”

sidoo kale xamse isaga oo ka hadlaaya dhinacyadii gacanta ka gaystay hawshan waxa uu yidhi:-

UUUUU“Waxaa naga caawiyay oo runtii shaaqo fiicana nalaqabtay qaybahan hoos ku qoran:Hay’adahan (Stakeholders) oo runtii midwaliba dhankiisa shaqo fiican ka qabtay haloo kalaba badnaadee”

DEVELOPMENT ALTERNATIVES, INC DAI-USAID

SGURR ENERGY

GOLIS SOLAR ENERGY COMPANY

Wasarada Tamarta iyo Macadanta Somaliland

General Electric Company

ICAO

Gababadii Engineer Xamse ayaa sheegay in ay rajaynayaan Mustaqbalka:-

“Waxaa mustaqbalka nooqorshaysan inaanu meelkasta oo ku haboon ka taagno calamadaha muujinaysa korontada, taas oo runtii guud ahaanba wadankeena ka maqan, sida sawirka hoos yaal”

“Sidoo kale waxaa noo qorshaysan in goobaha mihiimka ah aanu dhigno( fire extinguisher ) ku haboon. dabdamis ka gacanta ah”

“Dhanka kale waxa qorsha dhow noogu jira inaanu helo qalabka shaqada korontada oo dhamaystiran.”

“Ugu danbaytnii waaxaan ku rajo weynahay in aanu gaadhno mustaqbalka heer aanu waxwalba ka dhigno e-power ama aanu ku hagi karo computer oo anoo ku jira xafiiskayga aan ogaan karo wixii cilada iyo halka ay ka jirtoba.”

Comments are closed